SBS

SBS Somali - SBS Afsomali

News SO ↓ 1124 episodes

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.

Author

SBS

Category

News

Podcast website

www.sbs.com.au

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Isniin 16 March 2026 16.03.2026

Dowladda Victoria ayaa soo rogeysa xeerar lagu xidhi karo dukaamadada iibiyo tubaakada sharci-drrada ah. Iran-na waxay waddamada caalamka uga digtey inay kusoo biiraan dagaalka ay ku kula jiraan Maraykanka iyo Iran iyadoo isla markaana canaan u dirtay dalalka Carabta.

Think before you pack: Australia’s customs and biosecurity rules explained - Australia Explained: Maxaad kuugu jira boorsada? Qeexidda Xeerarka ilaalada Xuduudaha Australia (Customs) 16.03.2026

Customs is generally the first point of contact for people entering Australia. Our Border Force Officers are there waiting. They ensure that we don’t bring in prohibited goods that could threaten Australia’s unique environment, economy and communities. Before you zip up your suitcase, here’s what you need to know about what can—and can’t—cross the border, and what’s at stake if biosecurity rules a...

SBS Somali Program Friday Full: Barnaamijkii Jimce 13 March 2026 15.03.2026

Halkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha oo dhammays tiran. Warar iyo warbixinno nacfi leh ayaa kuugu diyaar ah

Somalia News: Warka Soomaaliya ee Jimce 13 March 2026 13.03.2026

Warka Soomaaliya maanta wuxuu ku saabsan yahay bajaajleyda muqdisho oo ka cawdey inay booliisku si khalad ah ula dhamqmeen iyo xukuumadda oo u jawaabtey kunta tilmaantay arrin siyaasadaysan.

Dhalleecaynta sharciga cusub ee Australia ku joojinayso soo-galootiga dalal gaar ah 12.03.2026

Dowladda Federaalka ee Australia ayaa sharci cusub oo xannibaad ku-meel-gaar ah, ku soo rogaysa dadka ka imaanaya dalalka qaarkood oo raba, inay dalka ku soo galaan fiisooyin gaar ah.

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Khamiis 12 March 2026 12.03.2026

Dadka raba inay guri ka iibsadaan gobolka Victoria ayaa heli doona macluumaadka bed-qabka dhismaha iyo cayayaanka (building and pest reports) oo lacag-la’aan ah, sida uu dhigayo qorshe cusub oo ay soo bandhigtay Premierradda Victoria, Jacinta Allan.

Cabsida Shidaalka: Qiimaha Petrol-ka iyo Trump oo tibaaxay dhammaadka dagaalka 12.03.2026

Qiimaha saliidda ceeriin ee adduunka ayaa kor u kacay, xilli dagaalka Mareykanka iyo Isra’iil ay ku qaadeen Iiran uu ceejiyey, marinnadii ugu muhiimsanaa ee saadka shidaalka iyo gaaska. Dagaalka oo hadda galay toddobaadkiisii labaad, ayaa waxaa muuqata in Isra’iil, Mareykanka iyo Iiraan ay saddexdooduba weerareen xarumaha shidaalka iyo gaaska ee gobolka.

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Arbaco 11 March 2026 11.03.2026

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa cambaareeyey sharci cusub oo ay dowladda Australia soo saartay, kaas oo si ku-meel-gaar ah looga mamnuucayo dadka ka imaanaya dalalka qaarkood inay Australia ku soo galaan fiisooyin gaar ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa la siin doonaa awoodo cusub oo uu ku soo saari karo xannibaad socdaal oo illaa lix bilood ah

Somalia News: Warkii Soomaaliya Arbaco 11 March 2026 11.03.2026

Halkan ka dhegeyso warkii ugu dambeeyey ee Soomaalia naga soo gaarey.

International Women's Day: Dumarku ammaan ma helaan maxaase loo qaban karaa kuwa ka cararaya tacaddiyo? 10.03.2026

Sannadkii 2025, gobolka New South Wales oo qura waxaa laga diiwaangeliyey tiradii ugu badnayd ee ah, haween loo dilay sababo la xiriira tacaddiyada qoyska. Maxaa laga qaban karaa?

SBS News Somali: Warka Talaado 10 March 2026 10.03.2026

Australia ayaa ka jawaabtay codsi uga yimid dalka Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo u dirtay gobolka Khaliijka diyaaradda casriga ah ee E-7-A Wedgetail iyo gantaallo loogu talagalay in dadka shacabka ah lagaga difaaco weerarrada kaga imaanaya Iiraan.

Soomista Ramadanta ee Jasiiraddaha Coco Islands ee Australia 09.03.2026

Jasiisradaha Coco Islands ee Australia waxaa ka mid ah Home Island, oo ay ku nool yihiin ilaa 460 qof, kuwaas oo u badan dadka asalkoodu yahay Cocos Malays — waana dad muslim ah oo halkaas degganaa muddo qarniyo ah. Noloshooda iyo sida ay u gutaan soonka wax ka ogow.

Xannibaadda baraha bulshada ee carruurta iyo qalabka cusub ee "Tech Detox" 09.03.2026

Bishii Diseembar 2025, waxaa si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii ay Australia ku mamnuucday, in carruurta ka yar 16 sano ay isticmaalaan baraha bulshada ee adduunka ugu caansan. Waxaa iyana sii kordhaya dadka waaweyn ee raba in gebi-ahaanba ka fogaadaan isticmaalaka mobile-lada casriga ah. Maxaa'se u sahli kara?

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Isniin 9 March 2026 09.03.2026

Wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Iiran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa loo magacaabay inuu noqoda hoggaamiyaha ugu sarreeya dalka Iran. Madaxweynaha Maraykankuna wuxuu sheegay inuu ka fekerayo inuu ciidamo lugta ah geliyo gudaha Iiran si loo xafido Yuraaninta la tayeeyey ee Iiran.

How public and community housing works in Australia - Australia Explained: Sida guryaha bulshada ee Australia (Public Housing) u shaqeeyaan, sidee lagu helaa? 08.03.2026

In Australia, government-subsidised rental housing is available for eligible households. Assessment is based on need under criteria that vary depending on your state or territory. Here’s what to expect when applying for different types of housing assistance, some common myths around social housing and where to reach out for help. - Dalka Australia, waxaa jira guryo kiro ah oo ay dawladdu kabto, ku...

SBS Somali Program Friday: Barnaamijka Jimce 6 March 2026 oo dhammaystiran 08.03.2026

Halkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimce 6 March 2026 oo dhammaystiran. Xayaysiikii waa laga reebay.

SBS News Somali: Warka Jimce 6 March 2026 06.03.2026

Dowladda Australia ayaa ku dhawaaqday in ururka Hizb ut-Tahrir loo aqoonsaday ururkii ugu horreeyay ee lagu daro liiska kooxaha nacaybka ee mamnuuca ah, sida ku cad xeerka dambiyada ee dalka. Maraykankuna wuxuu Ukraine ka codsaday inay ka caawiso difaacidda diyaaradaha aan duuliyaha lahayne ee Iran oo khatar ku haya dalalka Khaliijka.

Somalia News: Warka Soomaaliya Jimce 6 March 2026 06.03.2026

Warka Soomaaliya ee maanta wuxuu ku saabsan yahay ansixintii dib-u-eegidda dastuurka ee labada aqal iyo qudbaddii Madaxweyne Hassan Sh. Mohamud.

#105 Celebrating small wins at work - Learn English #105: Ku baro Ingiriisi erayo iyo haddallo loo isticmaalo shaqada 05.03.2026

Learn useful English for talking about small wins at work. Practise phrases for celebrating achievements, staying motivated, and making progress step by step. - Ku baro Ingriisi erayo iyo weedho sahlan oo ku habboon goobaha shaqada. Dhegeyso adigoo akhriyaya.

Dowladda Australia oo bilowday qorshaha train-ka dheereeya ee Sydney illaa Newcastle. 05.03.2026

Dowladda Federaalka ayaa ugu dambeyn bilowday, qorshe lagu hirgelinayo mashruuca tareenka xawaaraha dheereeya, oo isku xiri doona magaalooyinka Sydney iyo Newcastle. Waxaa hadda billowday wejigii hore ee sahaminta, iyadoo ay dowladda federaalkuna sheegtay in dhisidda la bilaabi doono 2028-da.

SBS News Somali: Warkii Af-Soomaaliga Khamiis 5 March 2026 05.03.2026

Warka maanta waxaa ka mida, wasiirka arrimaha dibeddeda, Penny Wong, oo sheegtay sida ay dunidu uga walaacsan tahay sida ay Iiran uga falcelisey weerarkii ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen. Gaashaan-buurta NATO-na waxay sheegeen inay soo rideen gantaal Iran leedahay oo ku sii jeedey Turkiye.

Sida dagaalka Iran u saameynayo qiimaha shidaalka Australia iyo adduunka 04.03.2026

Marin-biyoodka Hormuz oo u dhexeya dalalka Oman iyo Iran ayaa hadda gebi-ahaanba xiran. Iran-na waxay sheegtay inay gubi doonto markab kasta oo soo mara. Tan ayaa sababtay in qiimaha shidaalku kor u kaco 8 boqolkiiba.

New Zealand oo isticmaalaysa qalab casri si uu uga digo dhulgariir aan weli dhicin 04.03.2026

Dhugariirkii Chrischurch, shan iyo toban sano kadib, New Zealand waxay samaysatay nidaam casri ah oo lagu garto calaamadaha dhul-gariirka. 700 oo qalab casri ah ayaa bad iyo berriba daqiiq kasta dhegeysta calaamadaha dhul-gariirka si ay uga digaan inta aanu dhicin.,

SBS News Somali: Warka Arbaco 4 March 2026 04.03.2026

Warka maanta oo arbaco ah waxaa ka mid ah wararka dagaalka bariga dhexe ka socda iyo wasiirka tamarta Australia oo ku boorriyey shacabka in aanay boobin shidaalka, maaddaama Australia haysato shidaal ku filan soddomeeyo maalmood.

Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 4 March 2026 03.03.2026

Halkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya oo ku saabsan xildhibaannada laga soo doorto Puntland oo loo diidey, sida la sheegay, inay u dhoofaan Garoowe.

Listen to the SBS Somali - SBS Afsomali podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.