SBS
SBS Somali - SBS Afsomali
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Khumeynigii Iran waa la dilay laakiin beddildda nidaamku ma sahlan yahay? 03.03.2026 8:13
Iran waxay si cad u sheegtay in ay dooneyso in Israa’iil laga tirtiro khariidadda. Dhanka kale, Israa’iil waxay ku adkeysanaysaa in barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan uu khatar ku yahay jiritaankeeda — inkastoo Iiraan ay marar badan beenisay inay sameynayso hub nukliyeer ah.
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga ee Talaado 3 March 2026 03.03.2026 5:36
Wax-soo-saarka beeraha ee Australia ayaa la saadaalinayaa, inuu ka badan doono boqol bilyan oo doollar sannad-maaliyadeedkan, laga bilaabo Luulyo 2025 ilaa Luulyo 2026. Wasiirka Gaashaandhigga ee Australia, Richard Marles-na, wuxuu xaqiijiyay in aanay Australia ka qayb qaadanin tallaabooyinka milatari ee haatan ka socda dalka Iiraan.
'Waa la khiyaamay': Sida uu Ruushku Afrikaanka ugu khayaanay dagaalka Ukraine 02.03.2026 13:32
Ragga Afrikaanka ah ee da’da yar ayaa lagu hungureeyaa, mushahar soo jiidasho leh, loona sheegaa inay saxiixayaan heshiis shaqo oo ku qoran luqadda Ruushka, halka xaqiiqadu tahay inay saxeexayaan heshiis askar ka dagaallanta Ukraine.
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Isniin 2 March 2026 02.03.2026 4:32
Warka maanta waxaa ka mid ah wararka dagaalka ay Maraykanka iyo Israel ku qaadeen Iraan iyo Xildhibaan Barnaby Joyce oo ka tirsan xisbiga One Nation oo ka digey dhibaato ku timaadda dhaqaalaha iyo kaydka shidaalka Australia, xiritaanka marinka Hormus awgeed.
More than style: How First Nations fashion is growing in Australia - Australia Explained: Sida dharka (lebbiska) First Nations ugu fidayo Australia 01.03.2026 9:52
If you’ve spent any time in Australia, you’ve probably noticed how relaxed the style is. You might notice activewear, surf brands and casual clothes everywhere. But there’s another side to Australian fashion. Aboriginal and Torres Strait Islander designers have been creating clothes and accessories for thousands of years — and that work is very much alive today. You’ll see it on runways, in global...
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga ee Jimce 27 February 2026 27.02.2026 11:36
Dowladda federaalka Australia ayaa maanta dhaqan gelisey sharcigii cusbaa ee hagaajinta ammaanka xarumaha xannaanada carruuruta. Labo qof ayaa u geeriyoodey caabuq fangi (fungal infection)oo ka dillaacay cisbitaalka Royal Aflred Hosptial oo ku yaalla Sydney.
Somalia News: Warka Soomaaliya Jimce 27 February 2026 27.02.2026 9:59
Halkan ka dhegeyso warka Soomaaliya oo badankiisu ku saabsan yahay abaaraha ba'an ee ka jira Soomaaliya.
“Anshax xumo iyo Kibir”- Andrew ma laga saari karaa safka dhaxalka boqornimada. 26.02.2026 13:38
"Waa qof qallafsan, isla weyn oo isu arka inuu xaq gaar ah leeyahay, kalana garan waayay farqiga u dhexeeya danta guud ee uu sheegay inuu u adeegayo iyo danihiisa gaarka ah" ayuu yiri Chris Bryant oo ah wasiirka ganacsiga Ingriiska.
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Khamiis 26 February 2026 26.02.2026 5:43
Qasnajijga heer federaal ee Australia, ayaa sheegay in sicir-bararka ka sarreeya intii la filayay, uu yahay caqabadda ugu weyn ee saamaynaysa miisaaniyadda federaalka ee soo socota. Madaxweynihii hore, Bill Clinton iyo Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibadda,Hillary Clinton ayaa la filayaa inay toddobaadkan hortagaan guddi ka tirsan Kongress-ka Maraykanka, iyaga oo qeyb ka ah baaritaanka ku saabsan Je...
Bukaan ka baxsaday xarun dhimmir oo dad laayey iyo is-beddel la codsaday 25.02.2026 9:27
Labo bukaan ayaa ka baxdsaday xarun dhimmir oo ku taalla Sydney maalmo ka dibna laayey dad. Tan ayaa lagu tilmaamay dhibaato ka jirta nidaamka daryeelka caafimaadka ee New South Wales.
Ingiriiska ma u dhoofaysaa? Xeer cusub bay kusoo rogeen socdaalayaasha haysta labo dhalasho 25.02.2026 7:09
Laga bilaabo 25-ka Febraayo 2026, muwaadiniinta haysta labada dhalasho ee Australia iyo Ingriiska, ayaa halis ugu jira in loo diido gelintaanka dalka Ingriiska. Halkan ka dhegeyso sababta.
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 25 February 2026 25.02.2026 9:38
Warkii Soomaaliya halkan ka dhegeyso
Dhimashada Shilalka Waddooyinka oo aad u korodhay iyo khubarada oo ka digey 24.02.2026 11:13
Tirada dhimashada shilalka waddooyinka ee Australia ayaa kor u sii kacaysa. In ka badan kun iyo saddex boqol oo qof (1,300) ayaa ku dhintay waddooyinka Australia sanadkii la soo dhaafay. Bilowga sannadkan cusub ee 2026-na tiryooyinku ma muujinayaan wax horumar ah.
SBS News Somali: Warka Talaado 24 February 2026 24.02.2026 4:35
Booliiska New South Wales ayaa sheegay inay heleen wax ay aaminsan yihiin inuu yahay maydka nin 85 jir ah oo lagu magacaabi jiray Chris Baghsarian. Saraakiisha dambi-baarista ee kiiska gacanta ku haysa ayaa saaka 8:00 subaxnimo hadhaa bini’aadan ka helay, meel u dhow naadi kubbadda golf-ka ah oo ku yaalla Pitt Town, oo ka tirsan waqooyi-galbeedka Sydney.
SBS News Somali: Warka Isniin 23 February 2026 23.02.2026 6:09
Wararka maanta waxaa ka mid ah: Ra'iisal-wasaaraha oo diidey soo-jeedin uga timid mucaaradka, kuna saabsan, in dembi loo sameeyo ciddii qof argagixiso lala xiriiriyey ka caawiya inay dib ugu soo noqdaan dalka.
SBS Somali Program Friday: Barnaamika Jimce 20 February 2026 oo dhan 22.02.2026 56:33
Halkan ka dhegeyso barnaamijkii jimcaha 20 February 2026 oo dhammays tiran. Wararkii Australia, caalamka, Soomaaliya iyo warbixinno kale oo faa'iido leh baa ka mid ah.
Your guide to using sunscreen in Australia - Australia Explained: Wax ka ogow sida kiriimka qorraxda (sunscreen) loogu istimaalo Australia 22.02.2026 13:00
Australia’s sun can be harsh. And sunscreen is one key measure protecting us against harmful sun exposure. We asked three scientists about sunscreen facts, myths and choosing the right products. - Qorraxda Australia aad bay u kulushay. Sunscreenkuna waa mid ka mid ah waxyaabaha muhiimka ah ee la iskaga difaaco. Saddex Saynis-yahan ayaanu weydiinney macluumadka sunscreen-ka, maxaa ka run ah, maxaa...
#104 Talking about school exams | NAPLAN - Learn English Ep #104: Barnaamijka Baro Ingriisi 22.02.2026 11:43
Learn useful English for talking about school tests, studying, exam pressure, and when you do really well. - Baro sida Ingriisi loogaga hadlo imtixaannada Iskuulka, barashada casharada iyo culaysyada imtixaanka iyo sidoo kale markaad waxbarashada ku wacan tahay ee aad imtixaan ku baasto.
SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga 20 February 2026 20.02.2026 12:07
Muslimiinta Sydney ayaa Puauline Handson ugu baaqay inay soo booqato xaafadda Lakemba si ay u barato deegaanka. Tan ayaa timid kadib markaa ay Pualine dhowaan sheegtay in aanu jirin Muslim wacani.
Somalia News: Warka Soomaaliya 20 February 2026 20.02.2026 9:16
Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa kasoo dhammaaday w ejigii koowaad ee shirkii madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo golaha mustaqbalka. Waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee heer federaal iyo heer dow-lad goboleed.
Cunsuriyadda (Racism) oo la ogaadey inay ku badan tahay jaamacadaha Australia 19.02.2026 14:22
Ardayda iyo shaqaalaha asal ahaan ka soo jeeda Dadka dhulka loogu yimid, Shiinaha, Afrika, kuwa Yuhuudda ah iyo bariga dhexe ayaa sida warbixintu sheegtay, dareemay cunsuriyadda ugu badan. Boqolkiiba lix keliya, dadka sahanka laga qaaday ee toos ula kulmay cunsuriyadda ayaa cabasho gudbiyey.
SBS News Somali: Warka Khamiis 19 February 2026 19.02.2026 5:01
Masaajidka Lakembe ee magaalada Sydney ayaa bill gudeheed loogu soo diray waraaq hanjebaad ah. Booliiska ayaa kordhinaya gaaf-wareegga iyo ilaalinta goobaha cibaadada.
ACCC oo Coles ku eedeysay inay ka been sheegeen qiimo-dhimis 18.02.2026 6:08
Ha'adda ACCC ayaa shirkadda dukaammada waaweyn ee Coles ku eedeysay inay macaamiishooda ku marin habaabiyeen qiimo-dhimis aan run ahayn. Maxakamadda Federaalka Australia ayay dacwad ka geeyeen. Warbixintan baa kuu faahfaahinaysa.
SBS News Somali: Warka Arbaco 18 February 2026 18.02.2026 11:14
Dowladda New South Wales ayaa soo bandhigtay hindise-sharciyeed la yiraahdo, crime amendment bill, si loogula dagaallamo xag-jinimada garabka midigta kaddib markii uu mudaharaad neo-Nazi ahi ka dhacay bannaanka Baarlamaanka gobolka, bishii Nofembar ee sanadkii hore.
Interview: Waraysi - Jaamac Faarax oo ka warramay qalab caafimaad oo gaadhey Dire Dawa 18.02.2026 11:32
Container laga buuxiyey alaab iyo qalab caafimaad ayaa dhowan gaarey Dilchora Referal Hospital - Dire Dawa. Waa deeq ay hay'adda Rotary Club ee Footscray ay direen. Jaamac Faarah oo mas'uul sare ka ah Rotary Club Footscray ayaa hormuud ka ahaa. Waraysiganna wuxuu kaga warramayaa gaarintaanka alaalbte ee Dire Dawa.
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.