SBS
SBS Somali - SBS Afsomali
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 18 February 2026 18.02.2026 10:59
Warka Soomaaliya waxaa ka mid ah maanta, shirweyne lagu qabtay Muqdisho oo loogu yeeray 'Badbaadada Dowlad-goboleedkka Koonfur Galbeed' iyo mas'uuliyiin hore oo ka hadashay.
How to recover from bushfires - Australia Explained: Sida looga soo kabto dab-kaymeedka 17.02.2026 12:12
Australia’s hot, dry climate and unique landscapes make it one of the most bushfire-prone countries in the world. As climate change drives higher temperatures and drier conditions, we can expect more frequent and more intense bushfires in the future. But once the fire is out, how do you return home safely, find support, and look after yourself? - Australia waa dal leh cimilo kulul oo qalalan iyo q...
SBS News Somali: Warka SBS ee Af-Soomaaliga 17 February 2026 17.02.2026 4:55
Dukumiintiyo la xiriira dambiilihii galmada lagu xukumay ee geeriyooday, Jeffrey Epstein, ayaa muujinaya in tacaddiyada loo geystay haweenka iyo gabdhahu ay ahaayeen kuwo baahsan, heer ay gaari karaan dambiyo ka dhan ah aadanaha sida uu dhigayo sharciga caalamigu.
60-guuradii lacagta Australia ee tobanleyda ah (Decimal Currency) 16.02.2026 10:06
14-kii Febraayo ee 1966-dii ayay ahayd subaxii ay dadka Australia kusoo tooseen lacag cusub (dollar) iyo hab cusub oo loo xisaabiyo. Wax ka ogow taariikhda lacagta Australia iyo sababtii looga guurey nidaamkii Ingiriiska oo loogu beddelay doollarka.
SBS News Somali: Warka SBS Isniin 16 February 2026 16.02.2026 5:32
Ku xigeenka hoggaanka mucaaradka heer federaal ayaa sheegtay in beddelaadda siyaasaddoodu aanay ahayn mid ay kula tartamayaan taageerada sii kordhaysa ee xisbiga One Nation. Naveed Akram oo ku eedaysan inuu qayb ka ahaa weerarkii Bondi Beach ayaa isna maanta maxakmada kasoo muuqday.
SBS Somali Program Full: Barnaamijka Jimcaha 13 February 2026 15.02.2026 53:07
Halkan ka dhegeyso barnaajijkii Jimce 13 February 2026 oo dhammays tiran. Waxaad ka helaysaa warar iyo warbixinno muhiim ah.
SBS News Somali: Warka SBS ee Jimce 13 February 2026 13.02.2026 7:52
Hoggaammiyihii hore ee xisbiga mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa siyaasadda ka fadhisatay ka dib markii laga qaaday hoggaamintii xisbiga. Angus Taylor ayay xubnaha xisbigu uu doorteen hoggaamiye. Donald Trump-na wuxuu sheegay inuu joojinayo hawl-gallada ICE ee Minnesota.
Somali News: Warka Soomaaliya ee Jimce 13 February 2026 13.02.2026 11:19
Xubno ka tirsan golaha isku magacaabay Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa haddallo ka jeediyey shir ay isugu yimaaddeen hotel ku dhex yaalla xerada Xalane.
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 12 February 2026 12.02.2026 5:20
Angus Taylor oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga Liberal-ka ayaa iska casiley safka hore ee xisbiga si uu hoggaanka ugula tartamo hoggaamiyaha hadda, Susan Ley. Afartan iyo siddeedda saacadood ee soo socda ayaa la filayaa codbixinta.
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee SBS 11 February 2026 11.02.2026 11:10
Muftiga Guud ee Muslimiinta Australia ayaa ku baaqay baaritaan hufan oo madax-bannaan oo lagu sameeyo hab-dhaqankii booliiska New South Wales, kaddib mudaharaadkii ka dhacay Sydney oo looga soo horjeeday booqashada Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog.
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 11 February 2026 11.02.2026 10:05
Warka Soomaalia ee maanta waxaa ka mid madaxweynayaasha Puntland iyo Juppa Land, Saciid Cabdillaahi Deni iyo Ahmed Mohamed Islam (Ahmed-modoobe) ayaa soo gaaray Muqdishu si ay uga qayb galaan shirka loo ballansan yahay.
Forced Marriage: Dugsiyada Australia oo loogu baaqay inay hubiyaan calaamadaha guurka qasabka ah 10.02.2026 6:48
Booliiska Federaalka Australia ayaa ugu baaqayaan iskuullada, inay si gaar ah ugu feejignaadaan calaamadaha muujin kara in arday lagu khasbayo guur qasab ah.
America oo rabta macluumaadkaaga shakhsi. Australia ma siin kartaa? 10.02.2026 13:19
Waxaa laga yaabaa inaad is tiraahdo “adigu maraykan umaba socotid oo xogtaadu waa ammaan’. Laakiin waxaa suurto-ga ah, in xogta dhammaan dadka Australia lagu daro heshiiskan, sidaana ay xogtaadu ku gasho gacan kale oo aan ahayn tan Australia.
SBS News Somali: Warka SBS ee Talaado 10 February 2026 10.02.2026 5:40
Premier-ka NSW Chris Minns ayaa difaacay tallaabadii ay booliisku ka qaadeen mudaharaad ka dhacay Sydney, kaas oo lagaga soo horjeeday booqashada madaxweynaha Israa’iil, Isaac Herzog. Dibadbaxayaal isugu soo baxay Sydney Town Hall-ka Sydney, si ay u cambaareeyaan booqashada Herzog ayaa la sheegay inay booliisku ku buufiyeen basbaaska indhaha (pepper spray), rii-riixeen, qaarna garaaceen.
Australiyaan badan oo xabsiyada ku xidhan iyo kharashkooda badan. Nidaamku ma shaqyanyaa? 09.02.2026 12:57
Celcelis ahaan, in ka badan 45 kun oo qof oo qaangaar ah ayaa maalin kasta la xirayey sannad-maaliyadeedkii 2024–2025, taas oo qiyaastii 2,500 qof ka badan sannadkii ka horreeyay.
SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran 09.02.2026 50:58
Halkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimcaha 6 February 2026 oo dhammaystiran, xayaysiikiina laga reebay
SBS News Somali: Warka Soomaaliga ee Isniin 9 February 2026 09.02.2026 5:14
Premierka New South Wales oo deggenaan iyo isxakemeyn ugu baaqan debed-baxayaasha ka dib imaatinkii madaxweynaha Israel, Isac Herzog. Xildhibaan soo jeediyey in gubidda calanka Australia, kuwa Aboriginal iyo Torres Strait Islander laga dhigo dembi la isku xiri karo.
How does IVF work in Australia? - Australia Explained: Sidee bacrinta ugxantu (IVF) uga shaqaysaa Australia? 09.02.2026 11:53
Did you know that IVF is not the first, but in fact the last step in a sequence of fertility treatments? In Vitro Fertilisation is regulated by state and territory laws. It can also be expensive and emotionally challenging. Here’s what to expect when aiming to start a pregnancy with IVF in Australia. - IVF ma aha tallaabada koowaad—waa tan ugu dambeysa. Ka hor intaadan bilaabin geeddi-socodka bacr...
Nipah Virus: Fayras halis oo ka dillaacday India 08.02.2026 9:15
Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay in heerka dhimashada cudurkani u dhaxeyso 40 ilaa 75 boqolkiiba, in kasta oo ay ku xiran tahay mugga nidaamka caafimaadka ee goobta laga helay.
SBS News Somali: Warka SBS Jimce 6 February 2026 06.02.2026 10:13
Guddoomiyaha xisbiga Labour-ka oo ka digay xisbiga One Nation oo sii xoogeysanaya iyo Ra'iisal-wasaare Albanese oo heshiis amni maanta la saxeexan doona dhiggiisa Indonisia.
Somalia News: Warkii Soomaaliya Jimce 6 February 2026 06.02.2026 8:57
Dagaal ka dhacay Baydhabo oo u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo ciidammo kale oo la sheegay. Maxayse ka yiraahdeen mas'uuliyiinta u kala hadashay labadad dhinac?
#103 Talking about online dating (Med) - Learn English ep #103: Baro Ingriisi - erayada shukaansiga Internet-ka 05.02.2026 11:00
Learn everyday English phrases for online dating. Practise expressions like “match,” “ghosted,” and “slide into DMs” while improving your speaking skills. - Baro ereyo iyo jumlado Ingiriisi ah oo kaa caawinaya inaad is abaabusho oo aad si habsami leh u maareyso hawlahaaga maalinlaha ah. Maantana wuxuu ku saabsan yahay erayada shukaansiga Internet-ka.
Raadin Ballaaran: Booliiska Victoria oo raadinaya Dezi Freeman 05.02.2026 6:11
Baadhitaan cusub oo lagu raadinayo Dezi Freeman ayaa ka bilaabmay deegaan fog oo ka tirsan Victoria. Mr Freeman ayaa lagu eedeeyay inuu dilay laba askari boolis ah, uuna dhaawacay mid saddexaad, ka dib markii ay baaritaan sharci ah, sannadkii hore ku fuliyeen, guri ku yaalla meel baadiye ah oo u dhow magaalada Porepunkah.
SBS News Somali: Warka SBS ee Khamiis 5 February 2026 05.02.2026 5:10
Dawlada Federaalka ayaa la rumeysan yahay inay ka fiirsaneyso in la beddelo ama la tirtiro cashuur-dhimis horey u jirtey oo la yiraahdo (Capital Gains Tax) si loo xalliyo u-sinnaan la’aanta guryaha ee jiilasha kala duwan, iyo in la xakameeyo sicir-bararka. Cashuur-dhimistan CGT, iyo sidoo kale nidaamka negative gearing, waxaa aad loogu eedeeyaa, inay ka mid yihiin sababaha kordhiya qiimaha, sidaan...
SBS News Somali: Warka SBS ee Arbaco 4 February 2026 04.02.2026 9:44
Hoggaamiyaha mucaaradka heer federaal, Susan Ley, ayaa sheegtay inay labada xisbi ee Liberal iyo National dib u midoobi doonaan. Dowladda Qatar-na waxay sheegtay inay ku howlan yihiin qaboojinta xiisadda colaaadeed ee ka dhex taagan Maraykanka iyo Iran.
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.