SBS

SBS Somali - SBS Afsomali

News SO ↓ 1124 episodes

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.

Author

SBS

Category

News

Podcast website

www.sbs.com.au

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Somalia News: Warka Soomaaliya ee Jimce 10 April 10.04.2026

Ciidanka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibbadooda ayaa la sheegay inay duqaymo cirka ah u geysteen dagaallamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa koonfurta Mudug. Odayaaasha Gedo-buuri Bari-na waxay sheegeen inay qaateen nabad shuruud la'aan ah oo ay hoggaaminayso xukuumadda Somaliland, iyo ciidamo tababar loogu xidhay Puntland.

Waraysi: Ubah Garbis - Xafladda Ciidul-fitr ee Grandville - Sydney 09.04.2026

Ubah Gabris oo ah guddoomiyaha Somali Council of NSW ayaa nooga warrantay xaflad loo dhigi doono munaasabadda Ciidul-fitri oo Axadda 12-ka April ka dhici doonta Grandville Town Hall - Sydney.

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga 9 April 2026 09.04.2026

Ra'iisal-wasaare Anthony Albanese ayaa Israel ugu baaqay inay joojiso duqaymaha ay ka waddo Lubnaan. Donald Trump-na wuxuu ku gooddiyey inuu dalalka Iran ka iibiya hubka badeecadahooda kusoo rogi doono cashuur dheeraad ah.

Khatarta Peptides-ka: Marka ay talada baraha bulshadu ka awood badato tan dhakhtarka iyo khatarteeda. 09.04.2026

Waaba laga yaabaa inaad maqashay "Peptides", waana maaddooyin laysku duro oo ay dadka qaar rumaysan yihiin inay si degdeg ah u gubaan baruurta, ka hortagaan gabowga, ama hagaajiyaan midabka iyo quruxda maqaarka. Khubarada caafimaadkuse waxay ka digayaan khatar ku duugan. Wax ka ogow.

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Arbaco 8 April 2026 08.04.2026

Wararka maanta waxaa ka mid ah Maraykanka iyo Iiran oo aqbalay xabbad-joojin 14 maalmood ah oo ay Pakistan dhexdhexaadisey.

#107 Protecting Wildlife | Talking about animals and nature (Med) - Learn English ep107: Baro Ingriisi - Ilaalinta duur-joogta iyo ka hadalka xayawaanka iyo dabeecadda 08.04.2026

Learn useful English for talking about animals, nature, and protecting wildlife. Practise everyday phrases for discussing threats to animals, expressing concern, and describing the environment. - Baro luqadda Ingiriisiga ee waxtarka u leh ka hadalka xayawaanka, dabeecadda, iyo badbaadinta duur-joogta. KU tabobaro weedhaha maalinlaha ah ee loo isticmaalo ka doodista khataraha soo food saara xayawaa...

Somalia News: Warka Soomaaliya Arbaco 8 April 2026 08.04.2026

Halkan ka dhegeyso warkii ugu dabmeeyey ee Soomaaliya - Arbaco 8 April 2026

“Jirka haweenka yaan loo isticmaalin dagaalka" – Digniin ka soo baxday Medecines Sans Frontieres (MSF0 07.04.2026

Gudaha dalka Suudaan ayaa kufsiga loo isticmaalayaa sidii "hub dagaal oo kale. Haweenka iyo gabdhaha ka baxsanaya colaadda ayaa ka sheekaynaya kufsi kooxeed iyo jirdil loo geystey intii ay qaxayeen oo ay isku dayayeen inay gaaraan meel nabad ah. Sidaana waxaa lagu sheegay warbixin ay soo saareen hay'adda MSF.

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga Talaado 7 April 206 07.04.2026

Australia iyo Iiraan oo labaduba ka jawaabey hadalkii madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, iyo tallaalka hargebka oo carruurta sanka laga siinayo sannadkan ayaa ka mid ah wararka maanta.

Khubarada: Shirkadaha baraha bulshada waa in la saaro cadaadis 06.04.2026

Guddiga badbaadada internetka ee Australia ayaa bishan gudeheeda ku hanjabay inay maxkamad soo taagi doonaan shirkadaha baraha bulshada, ka dib markii ay iska indha-tireen sharciga baraha bulshada ka mamnuucaya carruurta ka yar 16-ka sano. Guddigu ayaa baaraya qaar ka mid ah baraha ugu waaweyn adduunka, sida Instagram iyo Facebook oo ay leedahay shirkadda Meta, iyo sidoo kale YouTube, Snapchat, iy...

Australia’s unique wildlife: what makes it special and what’s at risk - Australia Explained: Noolaha u gaarka ah Australia - Maxay u gaar yihiin, maxaase halis ku haya? 06.04.2026

Australia is one of the most biodiverse places on Earth, home to wildlife and plant species found nowhere else on the planet. In this episode of Australia Explained you’ll learn about what makes Australia’s biodiversity so special, the threats it faces and how we can all help protect it. - Australia waa mid ka mid ah meelaha ugu qanisan dunida marka laga hadlayo dhanka noolaha (biodiversity), waxa...

Xilligii hargabka oo horey u bilowday: Khubarada oo ka digaysa khatarta nooca cusub ee Super-K 06.04.2026

Australia ayaa sanadkan wajaheysaa xilligii hargabka oo si aan caadi ahayn hore ugu bilaabmay, waxaana sabab u ah nooc hargabka ka mid ah oo si degdeg ah u faafa oo loo bixiyay Super-K.Sanadkii hore, Australia waxaa laga helay in ka badan 500,000 oo kiis, halka sanadkan ay durba hadda marayaan in ka badan 24,000 oo kiis

SBS News Somali: Warka Af-Soomaaliga SBS 3 April 2026 03.04.2026

Halkan ka dhegeyso warkii Jimcaha ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamka

Somali News: Warka Soomaaliya Jimce 3 April 2026 03.04.2026

Xildhibaannadii cusbaa ee G. Benaadir oo la dhaariyey. Galmudug oo ku dhawaaqday doorasho qof iyo cod ah iyo wararkii Baydhabo.

SBS News Somali: Warka Soomaaliga 2 April 2026 02.04.2026

Halkan ka dhegesyo warkii maanta ee Australia iyo caalamka

Eeygu ma saaxiibka ugu daacadsan ee Bini-aadamkaa? Maxay ka tiri Cilmi-baarista Cusubi? 01.04.2026

Cilmi-baarayaal baadhay hiddo-side aad u da' weyn oo Eey , ayaa ogaaday inay dadka la noolaayeen qiyaastii 16,000 oo sano ka hor, waqtigaas oo aad uga horreeyay intii aan la bilaabin beerashada iyo dhismaha magaalooyinka.

SBS News Somali: Warka Soomaaliga Arbaco 1 April 2026 01.04.2026

Warka maanta waxaa ka mid ah: Raqiisinta shidaalka oo laga yaabo inay dhaqan gasho horraanta toddobaadka dambe iyo NASA oo fasaxday dayax-gacmeed bani-aadam saaran yahay oo kusoo wareegi doona dayaxa

Somalia News: Warka Soomaaliya ee Arbaca 1 April 2026 01.04.2026

Warka Soomaaliya maanta wuxuu ku saabsan yahay is-beddelkii ka dhacay dowlad-goboleed Koonfur Galbeed ee Soomaalia iyo madaxweynaha Puntland Saciid Abdillahi Deni oo sameeyey isku-shaandheyn wasiirro.

Dayaxa oo dib loogu noqonayo: Maxaa isbeddeley 50 sano ka dib? 31.03.2026

Bini-Aadamka ayaa markii ugu horreysay tan iyo sannadihii 1970-yadii dib ugu laabanaya Dayaxa. Afar xubnood oo duuliyeyaal ah ayaa muddo ka badan labo sano u tababaranayay, hawlgal qaadan doona ku dhowaad 10 maalmood, kaas oo dayax-gacmeed loogu diri doono hawada. Dayax gacmeedka ayaa isagoo xawaare dheereeya ku socda kusoo wareegi doona dayaxa , ka dibna ugu soo laaban doona dhulka.

Qarammada midoobey oo ka digey miinooyinka dhulka iyo dalal ka baxaya heshiiskii 31.03.2026

Ethiopia, oo ku jirtey xaalad dagaal in ka badan soddon sannadood qarnigii u dambeeyay, ayaa ka mid ah waddamada ay adduunka ugu badan yihiin haraaga miinooyinka dhulka lagu aaso.

SBS News Somali: Warka Talaado 31 March 2026 31.03.2026

Halkan ka dhegeyso qodobbadii ugu door roonaa ee warka Australia iyo caalamka.

Digniino ku saabsan cawaaqib-xumo aan loogal talagalin oo ka dhalan karta xayiraadda socdaalayaasha Iiraan 30.03.2026

Australia ayaa xannibaad lix bilood ah ku soo rogtay muwaadiniinta Iiraan ee haysta fiisaha booqashada. Khubarada ayaa ka digaya in tallaabadani ay tusaale xun u noqon karto nidaamka socdaalka Australia, gaar ahaan xilliyada ay dhacaan iskahorimaadyada caalamiga ah.

SBS News Somali: Warka Isniin 30 March 2026 30.03.2026

Warka maanta oo Isniin ah waxaa ka mid ah: Ninkii baxsadka ahaa ee horey loogu eedeeyey dilkii labo askari oo booliiska Victoria ka tirsan, Dezi Freeman, oo saaka booliisku toogasho ku dileen.

SBS Somali Program Friday: Barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran 29.03.2026

Halkan ka dhegeyso barnaamijkii Jimce 27 March 2026 oo dhammaystiran. Ma laha xayaysiis iyo muusig.

SBS News Somali: Warka Jimcaha 27 March 2026 27.03.2026

Halkan ka dhegeyso wararkii ugu dambeeyey ee Australia iyo caalamkaba.

Listen to the SBS Somali - SBS Afsomali podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.