SBS

SBS Somali - SBS Afsomali

News SO ↓ 1124 episodes

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.

Author

SBS

Category

News

Podcast website

www.sbs.com.au

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Diiratada (larvae farms) ayaa xal looga helay dhibaato $38 billion oo doollar ah 03.12.2025

Haweeney la yiraahdo Olympia Yarger [[Yar-gah]], ayaa waxay alliftey nidaam looga faa’ideysto, haraaga cuntada iyada oo u adeegsatey cayayaan la yiraahdo, Black Soldier Insects. Waa nooc ka mid ah, cayayaan ku jira maraxaladda diiratada ama dirindiirta oo ah wejiga labaad ee nolosha aymaraan cayaayaanku inta aanay u gudbin wejiga duulista ah kan ay fidsadaan baalasha.

Codsigii cafiska ee Netanyahu oo sababay cadho iyo debedbaxyo 03.12.2025

Israel waxaa ayaamahan ka socda gilgil siyaasadeed kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu si rasmi ah, codsi cafis-doon ah ugu gudbiyay Madaxweyne Isaac Herzog , isagoo raba in laga cafiyo dacwaddiisa weli socota ee ku saabsan musuqmaasuqa.

SBS News Somali - Warka Talaado 02 November 2025 02.12.2025

Xubno ka tirsan Guddiga Qaramada Midoobay ee Ka Hortagga Xiritaanka Sharci-darro (UN Working Group on Arbitrary Detention) ayaa booqasho rasmi ah ku jooga Australia 1–12 December, si ay u eegaan xaaladaha xabsiyada, saldhigyada booliska iyo xarumaha lagu hayo dhalinyarada.

Dambkaymeedka halistiisa korodhay oo laga digey xilligan summer-ka 02.12.2025

Xilligii kulaylaha ee summer-ka la yiraahdo, ayaa hadda si rasmi ah uga bilaabmay Australia. Dadka Australian-ka ayaa sidaa darteed lagu boorrinayaa in aanay is dhiggannin oo ay ammaankooda ilaaliyaan.

Albo Wedding - Arooskii Ra'iisal Wasaarha Australia 01.12.2025

Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese iyo lamaantiisa Jodie Haydon ayaa maalinkii sabtida ee November ahayd 29 isku guursaday, maglaada Cambera, halkaas oo ay ka dhacday xafladdii meherkoodu.

SBS News Somali: Warka Isniin 01 December 2025 01.12.2025

Kor-joogaha madaxa bannaan ee dowladda Australia u qaabilsan Internet-ka, ayaa sheegaysa in baabuurta casriga ah – ee loo yaqaan smart cars – loo adeegsanaayo in lagu basaasao laguna raadraaco haweenka la kulma tacaddiyada guryaha. Godka tareennada hoos maraan ee Metro Tunnel oo ku yaalla Melbourne ayaa 24 saacadoo guduhood adeegsaday in ka badan 70,000 oo rakaab markii ugu horreysey ee la furay.

SBS Somali Full Program - Barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 30.11.2025

Dhegeyso barnaamijkii jimcaha 28 November 2025 oo dhammays tiran oo laga reebay xayaysiiskii.

SBS News Somali: Warka Jimcaha 28 November 2025 28.11.2025

Booliiska Victoria ayaa xidhay nin 18 jir ah oo la qabtay isagoo baabuur ku wadey in ka badan 220 km saacaddiiba. Ruushka iyo Ukraine-na labo hadal oo kala duwan bay ka sheegeen wadahadallada heshiiska joojinta labada dal.

Somalia News - Warkii Soomaaliya 28 November 2025 28.11.2025

Shirweynihii 3aad ee culimada Soomaaliyeed ee Muqdishu ka socdey ayaa soo xidhmay. Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka, xildhibaanno, siyaasiyiin iyo safiirka dalka Suudaan u fadhiya Soomaaliya ayaa ka soo qayb galay xidhitaanka. Waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ku saabsan wadajirka iyo midnimada Soomaaliyeed.

‘I felt powerless’: Dalabyo lagu xoojinayo aqoonta sharci ee dhibbanayaasha kufsiga 27.11.2025

Shantii dumar ahba midkood iyo 16-kii rag ahba midkood ayaa gudaha Ausrtarlia kula kulmay tacaddiyada galmada iyagoo qaangaar ah. Sidaa ay tahay, haddana 92% dumarka ahi ma soo sheegaan tacaddigii ugu dambeeyay ee lagula kacay. Waxaa lagu baaqay in kor loo qaado aqoonta sharciga ee dhibbanayaasha, si ay uga caawiso inay fahmaan nidaamka cadaaladda ee adag isla markaana hoos loo dhigo heerka ay dac...

Kirada guryaha Australia oo cirka gashay iyo Perth oo ugu qaalisan 27.11.2025

Inkasta oo heerarka dulsaarka ee deynta guryaha la iibsado ay hooseysey muddo, haddana waxaa weli gudaha Australia ku yar, haddiiba la helana lacagta kiradu qaali ku tahay, guryaha kirada ah. Magaalada Perth ayaa hadda ah meesha celcelis ahaan ugu kiro qaalisan.

SBS News Somali - Warka Khamiis 27 November 2027 27.11.2025

Ra'iisal wasaare Anthony Albanese, ayaa heshiis la gaarey xisbiga Greens-ka, ku saabsan wax-ka-beddelkii sharciga deegaanka. Waddanka guinea-Bissau-na ciidanka militeriga ayaa inqilaab kula wareegey xukunka dalka.

SBS News Somali - Warkii dalka iyo caalamka 26 November 2025 26.11.2025

Hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, ayaa laga mamnuucay inay soo fadhiisato aqalka senetor-rada toddoba fadhi. Warbxinna waxaa lagu ogaaday in kumanyaal Ausralian ahi, qabaan cudurka Sonkorowga qaybtiisa Type 1, iyaga oo aan ogeyn.

Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 26 November 2025 26.11.2025

M.weyne Hassan Sh. Mohamud ayaa soo xiray shirweynihii labaad ee aqoonsiga qaranka ee hay'adda NIRA.

Shirkii G20 oo lagu sheegay guul diblomaasiyadeed iyo Donald Trump oo ka maqanaa 26.11.2025

Hoggaamiyeyaasha caalamka ayaa ku tilmaamay shirkii ugu horreeyay ee G20 ee lagu qabto qaaradda Afrika inuu yahay guul u soo hoyatay wada-jirka iyo iskaashiga caalamiga ah, laakiin madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo isagu ka maqnaa shirka, ayaa waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan doorka uu maraykanku kaga jiro nidaamka caalamiga ah ee isbeddelaya.

Inqilaab hoggaamiye iyo dib-u-celin siyaasadeed. Sidee u bed qabtaa dimoqraadiyaddeenu? 25.11.2025

Australia waxay ku dhaqantaa qaab-siyaasaddedka la yiraahdo Westminister oo biyo-shubkiisu yahay in dowladdu ku dhisntaato labo qaybood oo iskasoo hor jeeda – Xukuumadda iyo xukuumad-sugaha oo kor-meera shaqada xukuumadda. Haddaba maadaama qaybtii xukuumad-sugaha Australia, oo ah xisbiga is-bahaysigu, ay galeen xaaladdan adag oo midnnimo la’aanta iyo hoos-ka-guuxa ah, sidee bay u saamaynaysaa nida...

SBS News Somali - Warka Talaado 25 November 2025 25.11.2025

Madaxa ururka haweenka muslimiita Australia ayaa cambaaraysey hoggaamiyaha xisbiga One Nation, Pauline Hanson, oo baarlamaanka soo gashay iyadoo xiran Burqa iyo warar kale.

SBS News Somali: Warka Isniinta 24 November 2025 24.11.2025

Dowladda Federaalka ee Australia oo loogu baaqay inay caddayso sida loo yarayn karo qiiqa xun, maaddaama aanay ku caddayn heshiiksa ay ku saxiixday shirka COP31. Ardaydii laga afduubay school ku yaalla Nigaria-an qaar ka mid ayaa ka soo baxsday afduubayaashoodii.

SBS Somali Full Program - Barnaamijkii Jimce 21 November 2025 23.11.2025

Barnaajimijkii Jimcaha 21 Novemeber 2025 oo dhammays tiran.

SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka: Jimce 21 November 2025 21.11.2025

Australia ayaa halis ugu jirta inay lumiso koboc dhaqaale oo boqol iyo konton bilyan ah haddii aanay maal-gelin Artificial Intelligence. Midowga Yurubna waxay sheegeen in qorshe nabadeed oo kor laga keenay aanu ka shaqayn doonin Ukraine.

Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 21 November 2025 21.11.2025

Wararkii ugu dambeeyey ee Soomaaliya - Jimce 21 November 2025

Saameynta Aadanaha ee Tamarta Qoraxda: Sababta Australia ugu habboon tahay soo-saarka sollar panels 21.11.2025

Iyadoo Australia ay ku jirto marxalad loogu guurayo tamarta la cusboonaysiin karo, ayay ururrada xuquuda aadamahu, walaac ka qabaan kana digayaan in samaynta aaladahan loo isticmaalay shaqaale la qasbay oo kasoo jeeda dadka Shiinaha ee la yiraahdo Uyghurs.

Waraysi: Jama Farah oo ka warramay shixnad qalab caafimaad ah oo loo diray Dilchora Hospital - Dire Dawa 21.11.2025

Agaasimaha iskaashiga caalamiga ee hay'adda Rotary Club Footscray, Jama Farah, ayaa ka warramay container laga buuxiyey agabka caafimaadka oo ay Rotary Club Footscray ugu deeqday cisbitaalka Dilchora ee magaalada Dire Dawa - Ethiopia.

SBS News Somali: Warka Khamiista 20 November 2025 20.11.2025

CoHealth-ka, Kensington, Fitzroy iyo Collingwood ee Melbounre, ayaa illaa badhtamaha sannadka dambe sii furnaan doona ka dib markii loo helay kharash ku-meel gaadh ah. Shirkadda Meta ayaa ku wargelisay macaamiisheeda Australian-ka ah ee 16-jir ka yar, inay lumin doonaan akoonnadooda baraha Facebook iyo Instagram.

SBS News Somali - Warka Australia iyo caalamka: 19 November 2025 19.11.2025

Shirkadda Optus oo lagu ganaaxay boqollaal kun oo doollar. Dowladda New South Wales-na dadka ku dhawaaqa hal-ku-dhigyada Nazi-ga ayaa mutaysan kara ganaxyo iyo xabsi.

Listen to the SBS Somali - SBS Afsomali podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.