SBS
SBS Somali - SBS Afsomali
Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
SBS News Somali: Warkii Arbaco 17 December 2025 17.12.2025 11:40
Kooxaha Yuhuudda Ausralia ayaa Ra'iisal-wasaaraha ku boorriyey la dagaallanka nacaybka Yuhuudda, iyadoo ay dowlad-goboleedyaduna ka fiirsanayaan adkaynta ruqsadaha hubka, iyo inay dadka aan muwaaddiniinta ahayn ka mamnuucaan lahaanshaha hubka.
Somalia News - Warkii Soomaaliya 17 December 2025 17.12.2025 4:19
Warkii Soomaaliya ee Arbaca 17 December 2025
Sharciga hubka Australia ma adag yahay? Weerarkii Bondi ka dib 16.12.2025 11:45
Golaha Qaranka ee Australia ayaa mar kale go’aansaday in si degdeg ah loo adkeeyo shuruucda lahaanshaha hubka, ka dib weerarkii argagixisada ee ka dhacay Xeebta Bondi ee ku taalla magaalada Sydney, halkaas oo nin haysta ruqsad hub, iyo wiilkiisu ay ku dileen ugu yaraan 15 qof.
Deeqda Wheelchair-ka: Sida uu Des u beddelay nolosha 12,000 oo qof 16.12.2025 7:09
Koox iskaa-wax-u-qabso ku shaqaysa ayaa soo aruursada baskeellada ama bushkleetiyada gabooba ee la tuuro, iyagoo dabadeed ka sameeya kursi taayiro leh oo ay isticmaali karaan carruurta curyaannada ahi. Hay’ado samo-fal oo caalami ah ayay u sameeyaan.
SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 16 December 2025 16.12.2025 4:09
Hoggaamiyaha mucaaradka, Susan Ley, ayaa dowladda ku sheegtay inay ku fashilantay ilaalinta muwaadiniinta Yuhuudda Australia. Hoggammiyaha Jarmalka ayaa rajo ka muujiyey nabadaynta Ruushka iyo Ukraine.
SBS News Somali: Warka Isniinta 15 December 2025 15.12.2025 5:14
Weerar argagxiso oo shalay galab lagu qaaday xeebta Bondi Beach ee Sydney ayaa illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen16 qof oo midkood yahay cunug. Aabbe iyo wiilkiisa ayay booliisku sheegeen in lagu eedeeyey weerarka rasaasta ah.
SBS Somali Full Prgram: Barnaamijkii Jimce 12 December 2025 15.12.2025 49:47
Barnaamijkii Jimce 12 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis ma laha.
Your first steps to engaging with Indigenous Australians - Sida Loo Bilaabo Fahamka iyo Dhex-galka Dadka loogu yimid Australia 14.12.2025 11:45
Connecting with Indigenous Australia can be daunting for a newcomer to the country. So, where do you start? We asked Yawuru woman Shannan Dodson, CEO of the Healing Foundation, about simple ways to engage with First Nations issues and people within your local community. - Haddii aad ku cusub tahay Australia, waxaa laga yaabaa inaad maqashay erayada “Country”, “Traditional Owners”, ama “First Natio...
SBS News Somali: Warka Australia iyo caalamka 12 December 2025 12.12.2025 8:42
Barta bulshada ee Reddit ayaa dacwad sharci ah ka gudbisay xayiraadda Australia ee baraha bulshada ka mamnuucday carruurta ka yar 16 sano. Afar nin oo Faransiis ah ayaa lagu eedeeyey inay guri Camberra ku yaalla ka xadeen alaabo lagu qiimeeyey 10 milyan oo doollar.
Somaliya News: Warka Soomaaliya 12 December 2025 12.12.2025 8:52
Warka Soomaaliya ee Jimcaha 12 December 2025
Trump oo Yurub maagay Ukraine oo dagaal ku jirtona ku cadaadiyey inay doorasho qabtaan 12.12.2025 8:02
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday waddamada qaaradda Yurub. Madaxweynaha ayaa waraysi uu bixiyey, oo hadal-hayn badan dhaliyey, ku sheegay inay qaaradda Yurub “duminayso” sabab la xiriirta siyaasadahooda socdaalka kuwaas oo uu ku tilmaamay siyaasado daciif ah.
SBS News Somali: Warkii Australia iyo caalamka 10 December 2025 10.12.2025 10:10
Boqolaal kun oo dhallinyaro ah ayaa maanta - Arbaco 10 December 2025 - laga mamnuucay baraha bulshada, kadib markii la dhaqan-geliyay sharciyo noqday kuwii ugu horreeyey adduunka, oo loogu talo galay in carruurta si fiican looga ilaaliyo khataraha internet-ka. Instagram, Facebook, Snapchat, YouTube iyo TikTok ayaa ka mid ah baraha aqbalay inay fuliyaan xeerarka cusub, kuwaas oo mamnuucaya in qof k...
Somalia News: Warkii Soomaaliya ee Arbaco 10 December 2025 10.12.2025 10:46
Doorashada golayaasha deegaannadda Benaadir oo la qaban doono 25 December 2025 iyo urrurradii ugu badnaa oo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo soohdimaha usoo gudbiyey liiska musharxiinta.
Waraysi: Maxamed Wardheere oo ka warramay saamaynta eedaynta Donald Trump ee Soomaalida Maraykanka 09.12.2025 18:25
Eedeyntii madaxweynaha Maraykanku sidee bay u saamaysay Soomaalida Maraykanka? Waxaa inooga warramaya Maxamed Wardheere.
SBS News Somali: Warka Talaado 9 December 2025 09.12.2025 3:58
Will 14-jir ah oo ku dhintay shil ka dhashayE-bike uu watey iyo baabuur oo ka dhacay Melbourne. Wasiirka isgaarsiinta Australia, Anita Wells, oo lagu eedayanayo kharashaad badan iyo Australia iyo Maraykanka oo shir muhiim ah ku leh Washington.
'Fursad na siiya’: Qoysas qaxooti ah oo Australia ku xanniban oo sugaya go’aan 09.12.2025 13:27
In ka badan 900 oo qof oo magangelyo-doon kana mid ah dadkii doonyaha ku yimid Australia ku dhawaad 13 sano kahor — ayaa weli ku sugan xaalad ah hubnati la’aan fiise, iyaga oo u dadaaalaya in la siiyo fiise ay waddanka si joogto ah ugu degaan. Waxaana caqbad ku noqotay siyaasaddii socdaalka ee 2013-dii lagu soo rogay dadka doonyaha kusoo gala.
SBS Somali News - Warka Isniin 8 December 2025 08.12.2025 4:31
Warka Australia iyo caalamka ee maanta oo Isniin ah: 8 December 2025
SBS Somali Full Friday Program - Barnaamijkii Jimcaha 5 December 2025 oo dhan 08.12.2025 49:24
Halkan ka dhegeys barnaamijkii jimce 5 December 2025 oo dhammays tiran.
SBS Somali News - Warkii Australia iyo caalamka: Jimce 5 December 2025 05.12.2025 9:35
Digniin ku saabsan kulayl aad u sarreeya ayaa laga soo saaray inta badan gobolka New South Wales, iyadoo la filayo in heerkulku qaybo ka mid ah magaalada Sydney uu gaaro 40°C. Sharci ay soo wada saareen dowlad-goboleeyada Australia ayaa dhigayaa in haddii hal dowlad-goboleed ay qof ka mamnuucdo haysashada, Working with Children Check, ay sidoo kale, kuwa kalena ka mamnuucayaan.
Somalia News - Warka Soomaaliya ee Jimce 5 December 2025 05.12.2025 8:57
Madax-weynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku soo xidhay shirweynihii 6aad ee hoggaanka iyo hal-abuurka Soomaaliya. Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed, Jeneraal Mahad Cabdirahmaan Aadan ayaa isna sheegay in ciidanka asluubta oo xaalad adag ku shaqeeya laga been sheegay.
A parent’s guide to help teens adjust to social media age restrictions - Hagaha Waalidka: Sid dhallinta loogu diyaariyo mamnuucidda baraha bulshada 05.12.2025 10:15
Australia is restricting access to social media accounts for under-16s, and many families are wondering what it means in practice. While the rules place responsibility on tech platforms rather than young people or their parents, the changes may still create stress for teens who rely on social media to stay connected. Find out how the ban will work, why connection still matters, and how experts sug...
'Waxaan jeclaan lahaa in aan noqdo eey': Maxaa Maxamed kaga dhacay xabsiyada socdaalka Australia 04.12.2025 13:48
Koox ka socota Qaramada Midoobay oo u qaabilsan Kormeerka xirista sharci-darada ah, ayaa baaraysa sida dadka soo-galootida ah looga qaado xorriyaddooda ha noqoto in lagu xiro xabsiyo dalka gudihiisa ah, ama kuwo ka baxsan-ba’e.
SBS News Somali: Warkii Khamiista 4 December 2025 04.12.2025 5:04
Toban ka mid baraha bulshada ayaa waajihi doona ganaax dhan konton million oo doollar ($50 million) haddii ay 10 December masixi waayaan dhammaan koontooyinka dadka Australiyaanka ah ee ka yar 16 jir.
SBS News Somali: Warkii Arbaca 03 November 2025 03.12.2025 11:24
Dowladda Federaalka Australia ayaa doonaysa in dacwad-wadareedka ka dhanka ah ciidanka difaaca dalka (ADF), laga saaro eedeymaha la xiriira tacaddiyada galmada iyo takoorka ee ka dhacay dalka dibaddiisa
Somalia News - Warkii Soomaaliya ee Arbaca 03 November 2025 03.12.2025 10:09
Afartan iyo saddex (43) ka mid ah ururrada siyaasadda ee diiwaan gashan oo ka shiray habka loo wajahayo qabashada doorashooyinka. Xaruunta wasaaradda qorshaynta Soomaaliyana waxaa lagu qabtay shir looga hadlayey dardar gelina gurmadka abaaraha Soomaaliya ka jira.
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.