SBS

SBS Somali - SBS Afsomali

News SO ↓ 1124 episodes

Independent news and stories from SBS Audio, connecting you to life in Australia and Somali-speaking Australians. - Warar madax banaan iyo sheekooyin kugu xiraya nolosha Australia oo ku baxa luqadaada Soomaaliga.

Author

SBS

Category

News

Podcast website

www.sbs.com.au

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Somalia News - Warka Soomaaliya 7 January 2026 06.01.2026

Culimada diinta ee Muqdishu ayaa iclaamiyey bannaan-bax looga soo horjeedo, waxa ay ku tilmaameen faro-gelinta Israel ee Soomaalia.

Siraha 2005: Masiibooyin, Amni iyo Cudurrada Faafa ee Ku Qornaa Waraaqahii Golaha Wasiirrada 06.01.2026

Boqolaal waraaqood oo ay ku qoran yihiin xogohii qarsoodiga ahaa, ee sidii ay u shaqayn jirtey xukuumaddii Jonh Howard 2005-tii ayaa hadda la sii daayey ama la fasaxay. Waxyaalaha ku qorannaan waxaa ka mid ah, digniino ku saabsan doorka ay ciidamada difaaca Australia ka qaadanayeen qulquladihii ka jirey dalka Afghanistan iyo sida ay Austraalia diyaar ugu ahayd masiibo cudur faafa

DIB-U-EEGIS 2025: Caafimaadka Australia – wax cusub iyo halganno hore 06.01.2026

Waxaa la xaqiijiyay inay Australia tahay dalka ugu xasaasiyadda badan dunida. Sanboorka ayaa ku dhaca ku dhowaad 24% dadkaa Australia , halka xasaasiyadda cuntada laga qaadaanaa ay saamayso qiyaastii 7%. Australia ayaa sidoo kale ah waddanka ay ugu badan yihiin carruurta qabta xasaasiyadda cuntadu.

SBS News Somali: Warka Talaado 6 Junuary 2026 06.01.2026

Wararka Talaado, waxaa ka mid ah, ninkii lagu eedeeyey weerarkii xeebta Bondi Beach oo loo wareejiyey xabsi ammaankiisu aad u adag yahay. Xaafadaha darafyada magaalooyinka waaweyn oo looga digey dab-dabkaymeedyo. Iyo M.weynaha Ukraine oo sheegay inay Ruushka ka dileen 35,000 oo askari bishii December.

SBS News Somali: Warka Isniin 5 January 2026 05.01.2026

Boqollaal malyan oo doollar ayaa weli Sydney ku sugaya inay dadkii xaq u lahaa soo dalbadaan. Hay'adda Revenue New South Wales ayaa haysa lacago kala duwan oo baadi ah, dadkii lahaana aanay soo dalbannin.

Barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammaystiran 05.01.2026

Waa barnaamijkii Jimcaha 2 January 2026 oo dhammays tiran

Warkii Soomaaliya - Jimce 2 January 2026 02.01.2026

Xildhibaannada baarlamanka Soomaaliyeed ee kasoo jeeda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shir ay yeesheen.

Malaysia Airlines MH-370 oo dib loo raadinayo tobaneeyo sano ka dib 30.12.2025

Baadigoob cusub oo dib loogu raadinayo diyaaraddii Malaysia Airlines ee number-ka duulimaadkeedu ahaa MH370 ayaa dib loo bilaabay Talaadadii, December 30 2025, in ka badan toban sano kaddib markii ay diyaaraddaasi luntay. Diyaaraddaas ayaa ka duushay magaalada Kuala Lumpur kuna sii jeedday magaalada Beijing, iyadoo ay saarnaayeen 239 qof.

SBS News Somali: Warka Talaado 30 December 2025 30.12.2025

Booliiska New South Wales ayaa xiray nin lagu eedeeyey qorsheyn toogasho goob dadweyne. Premier-ka New South Wales, Chris Minns, ayaa ka digey korodhka Islam-necaybka oo la sheegay inuu kordhay dhacdadii Bondi ka dib.

Khadka taageerada qaxoontiga oo mashquul noday weerarkii Bondi ka dib 29.12.2025

Khadka telephone-ka ee taageerada qaxoontiga oo loo la yiraahdo khadka Witness to War ayaa aad mashquul u noqday ka dib weerarkii dhowaan lagu qaaday xeebta Bondi Beach. Dowladda federaalkuna waxay ugu deeqday $3.6 million.

SBS News Somali: Warka Isniin 29 December 2025 29.12.2025

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Ururka Carabta ayaa Israel ku cambaareeyey aqoonsigeeda Somaliland. Premier-ka New South Wales-na wuxuu shacabka ku war- geliyey inay habeenka sannadka cusub arki doonaan booliis hub culus wata.

Barnaamijkii Jimce 26 December 2025 oo dhammays tiran 28.12.2025

Halkan ka dhegeyso: Warkii doorashada golaha deegaannada gobolka Benaadir ayaa ka mid ah barnaamijka jimcaha 26 December 2025 oo dhammaystiran.

SBS News Somali: Warka Jimce 26 December 2025 26.12.2025

Dadweynaha Australia ayaa loogu baaqay inay ka digtoonaadaan budhcadda Internetka xilligan lagu jiro ee waxa ugu badan laga iibsado online. Dalka Algeria ayaa Faransiisa ka dalbaday raalli gelin iyo magdhow ku saabsan dhibaatadii uu geystey muddo 130 sano ah oo uu addoonsanayey.

Somalia News - Warka Soomaaliya: Jimce 26 December 2025 26.12.2025

Doorashayoonkii golaha deegaannada Bendaadir oo ka qabsoomay Muqdisho iyo madax ka socota qaranka oo ka hadlay.

SBS News Somali: Warka Arbaco 24 December 2025 24.12.2025

Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa ansixiyay sharciyo cusub oo lagu doonayo in lagu xaddido mudaharaadyada dhaca weerarro argagixiso. Sharciyada cusub ayaa mamnuucaya in mudaharaadyo la oggolaado ilaa 90 maalmood kadib marka uu dhaco fal argagixiso—iyadoo ay suurtagal tahay in mamnuuciddaasi ka hirgasho guud ahaan gobolka New South Wales oo dhan.

Dhiig-karka qarsoon sidee lagu ogaan karaa? 24.12.2025

Kumanyaal qof oo Australiyaan ah ayaa laga yaabaa, inay qabaan dhiig-kar. Haddii aynu si kale u dhignana, laga yaaba in cadaadiska dhiigoodu sarreeyo, iyaga oo aan ogeyn—inkastoo ay suurto galba tahay inay soo mareen baaritaan dhakhtar. Daraasad cusub ayaa muujisay, in habka hadda loo cabbiro cadaadiska dhiigga, ama dhiig-karku, uu mararka qaar noqdo mid aan sax ahayn.

Saameyntii 2025 ee siyaasadda iyo amniga Australia 24.12.2025

Siyaasaddaha Australia sannadkan 2025,, waxaa la yiraahdaa waxay ahayd, mid bilowgii horeba la sii saadaalin karayey iyo kuwo filanwaa noqdayba. Waxaa ka mid ahaa doorashadii bishii May, oo uu xisbiga Labor-ku dib ugu soo laabtay talada, isagoo guul ballaaran ku hantiyay, halka laba hoggaamiye oo mucaarad ah — Peter Dutton iyo Adam Bandt — ay labaduba lumiyeen kuraastoodii.

SBS News Somali: Warka Talaado 23 December 2025 23.12.2025

Dacwad dhinaca dastuurka ah ayaa laga yaabaa in laga gudbiyo, tallaabooyinka ka-hortagga mudaharaadyada ee laga hirgelinayo gobolka New South Wales, kaddib weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi. Baarlamaanka gobolka ayaa dib loogu yeeray kulan socdey laba maalmood, si ay u ansixiyaan sharciyo xaddidaya mudaharaadyada, bartilmaameedsanaya hadallada naceybka isla markaana adkaynaya shuruucda lahaa...

SBS News Somali: Warka Insiin 22 December 2025 22.12.2025

Baarlamaanka gobolka New South Wales ayaa dib loogu yeeray si ay u fariistaan labada maalmood ee, 22-ka iyo 23-ka Diseembar, si looga doodo arrimo kala duwan oo kuwada jira hal sharci oo keliya, kuwaas oo daba socda weerarkii argagixiso ee ka dhacay Bondi.

SBS Somali Program Full: Barnaamijkii Jimce 19 December 2025 21.12.2025

Barnaamijkii Soomaaliga ee Jimce 19 December 2025 oo dhammaystiran. Xayaysiis waa laga reebay

How to cope during a heatwave in Australia - Sida looga badbaado kulaylka xad-dhaafka ah ee Australia 21.12.2025

Summer in Australia can be very hot, and as our climate continues to warm, heatwaves are expected to become more frequent and more intense. In this episode of Australia Explained, we cover what a heatwave is, why they pose such a significant risk to human health, who is at most risk, and how to best prepare to cope with a heatwave. - Xilliga xagaaga ee Australia aad buu u kululaan karaa, iyadoo is...

SBS News Somali: Warka Jimce 19 December 2025 19.12.2025

Dowladda Australia ayaa dejin doonta barnaamij qaran oo cusub oo dib loogu soo iibsanayo hubka, kaddib dilkii 15 qof loogu geystey, weerar argagixiso oo ka dhacay xeebta Bondi Beach, Axaddii lasoo dhaafay.

Somalia News: Jimce 19 December 2025 19.12.2025

Warkii Soomaali ee Jimce, 19 December 2025

Murugada masiibadii xeebta Bondi Beach iyo bogsiinta 19.12.2025

Ka dib weerarkii naxdinta lahaa ee ka dhacay xeebta Bondi Beach, hay’adda New South Wales Health ayaa bilowday adeeg degdeg ah oo ku saabsan caafimaadka maskaxda. Dhakhaatiir iyo khubarada caafimaadka maskaxda oo si gaar ah loo tabo-baray ayaa laga hawl-geliyey xaafadaha Bondi iyo Coogee, iyaga oo shaqaynaya 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo, maalmaha iyo toddobaadyada soo socda.

SBS News Somali:Warka Khamiis 18 December 2025 18.12.2025

Dawladda Australia ayaa ku howlan soo saarridda sharciyo wax ka qabta faafinta necaybka, kala qaybsanaanta iyo xag-jirka, ka dib toogashadii xeebta Bondi.

Listen to the SBS Somali - SBS Afsomali podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.