Sveriges Radio

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

News SO ↓ 500 episodes

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Author

Sveriges Radio

Category

News

Podcast website

www.sverigesradio.se

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 13.09.2024

Guddoomiyaha gudd-hoosaadka cadaaladda ee baarlamanka, Richard Jomshof kana tirsan xisbiga Sverigedemokraterna ayaa si ku meel gaar ah uga fadhiistay howshiisii. Maanta ayaa la aasay tababarihii hore ee kubbada cagta Sweden Sven-Göran ee lagu naanaysi jiray Svennis. Bisha jannaayo ee sannadka foodda innagu soo haya ayaa la qaadi doonaa dacwadda maxkamadda ninkii kutubta qur'aanka gubi jiray. Lix s...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 12.09.2024

Shaqo la'aanta oo dalka ku sii kordheysa . Dadka iswiidhishka ee u safra dalka ingiriiska ayaa lagu soo rogeyaa iney bixiyaan lacag gaareysa 130 karoon laga bilaabo bisha abriil ee sannadka 2025. Tababar NATO oo ka socda Iswiidhen. Magaalada Göteborg xaq uma laha inay go'aansato qaadacaadda alaabooyin laga keeney dalal kale.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 11.09.2024

Calaamadda biloowga xilliga dayrta ee la hubo ayaa ah nooca shimbirta loo yaqaano booloboolada ku hakada ama joogsada balliga Hornborga iyaga oo u sii socda dhanka koonfureed. Xukuumadda ayaa nidaamka sharciga caddaalada (garsoorka) u qoondeenayso lacag dhan 3.5 bilyan oo cusub oo miisaaniyadda sanadka soo socda ah. Waxaa shalay magaalada Koobanheegan ee caasimadda dalkaasi Denmaark lagu xiray wii...

Warark maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 10.09.2024

Madaxda ayaa ugu khamri cab badan, marka loo barbardhigo dhammaan xirfadleyda kale oo dhan. Laba kiis oo ah cudurka jadeecada ayaa aakhirkii bishii agoosto laga heley cusbitaallada magaalooyinka Luleå iyo Piteå. Lacag sunuud ayh oo ka sameeysan qalin oo carab ah, kana soo jeeda qaniyadii 800 ama 900 ayaa laga heley agagaarka Lummelunda ee jasiiradda Gotland.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 09.09.2024

Wasiirka sinnaanta Paulina Brandberg (L) waxay doonaysaa in shaqaalaha dugsiyada barbaarinta ay u soo gudbiyaan warbixin marka carruurta yaryari ay xiran yihiin xijaabka. Qiimaha Batroolka, Naaftada iyo Naaftada biodieslka ayaa hoos loo sii dhigay Isniintii. Hogaamiye kooxeed si caalami ah loo baadi goobayay muddo saddex sano ah, ayaa Jimcihii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Arlanda.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 06.09.2024

Qof ayaa la qabtay loona xiray isaga oo looga shakisan yahay dambi argagixiso oo ka dhacay Iswiidhen maalinta Arbacadii. Xisbiga Socialdemokraterna ayaa taageeray soo jeedinta ah in carruurta da'doodu ka yar tahay 15 sano awood loo yeelan karo in la dhageysto taleefoonnada inta lagu jiro dembi baarista. Sarkaal hore oo ka tirsanaan jiray qeeybta baasaboorada ee hay'adda booliska Iswiidhen ayaa lag...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 05.09.2024

Iswiidhen ayaa ku guuleeysatay billaddii labaad ee tartammada ciyaaraha Paralympikada ee ka socda magaalada Baariis. Laba dhallinyaro Iswiidhish ah ayaa lagu soo oogay dacwad isku day dil oo ka dhacay dalka Denmark. Wakiilka ka hortagga takoorka ee magaciisa loo soo gaabiyo DO ayaa helay siddeed eedsheegad ah oo ku saabsan cuntada iskuulaadka laga cuno.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 04.09.2024

Wiilashii da'da yaraa ee dhaawacyada culusi ka soo gaareen biriqdii ku dhacday oo caafimaadkoodu ka soo wanaagsanaaday. Wiil da'yar ah oo dhigta dugsi hoose dhexe oo ku yaalla degmada Huddinge oo saaka toogasho lala beegsaday. Kuleeylkii cadceedda ee abid ugu kululaa taariikhda Swedene bisha sebteember 31,1 digrii.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 03.09.2024

Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna, (SD) ayaa maanta shir ku soo bandhigey qorshe la xiriira miisaaniyadda deyrta. Boliiska degmada Eskilstuna ayaa go'aansaday inuu laba goobood ku soo rogo xeerka goobaha ammaanka ah. Amiirad Sofia iyo seeygeeda amiir Carl Philip ayaa sugaya ilmo hor leh oo u dhasha, sida lagu qorey shaashadda qasriga boqortooyada.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 02.09.2024

Booliska magaalada Malmö ayaa bilaabay howlgal gaar ah oo ay ugu magacdareen 'Albert', sida uu qoray wargeyska Aftonbladet. Nin booliis ah ayaa waxaa baaraya rugta xeer ilaaliyaha gaarka ah ka dib markii uu casuumaad xiriri jinsi u diray haweenka da'da yar ee nugul, kuwaas oo uu la kulmay isaga shaqadiisa ku jira. Iibka gawaarida cusub ayaa hoos u dhacay, sida uu shegay ururka warshadaha ee Mobili...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 30.08.2024

Shir jaraa'id ayaa maanta lagu sheegay in illaa hadda Iswiidhen laga heley oo keliya hal qof nooca culus ee cudurka m-pox. Badankood dukaammada dalka ka furan ayaa weli qaata lacagta caddaanka ah. Waxaa kor u kacdey tirada shilalka geerida sababa iyo kuwa la xiriira shaqada ee shirkadaha dhismaha.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 29.08.2024

Qof ayaa loo qabtay tuhun inuu gacan ka geeystay dilkii laba muwaadin oo Ingiriis ah. Dhaqaalaha wax soo saarka Sweden BNP, ayaa hoos u dhacay 0,3 boqolkii rubicii bilaha sannadka ee labaad, (abriil-juun) marka loo barbardhigo rubicii ka horreeyay (janaayo-maarso). Haweenka ayaa uga badan iney tagaan dhakhtarka ilkaha marka loo barbardhigo ragga. Magaalooyinka Sweden ee Uppsala, Umeå iyo magaalada...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 28.08.2024

Laba kurey ayaa lagu xukumey faldambiyeed la xiriira saddex dil oo ka dhacey nawaaxiga magaalada Stockholm bishii oktoobar ee sannadkii tagay. Xukuumadda ayaa doonaysa inay soo rogto mamnuucid qaran ee isticmaalka mobaaylada ee dugsiyada aasaasiga ah (hoose dhexe). Goobo ka tirsan Sweden ayey dembiyada jirdilka iyo guryaha la jabsadaa kaga badan yihiin goobaha kale, sida ku cad qariideyn uu sameey...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 27.08.2024

18-jira lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay dilkii isniintii ka dhacay Malmö ayaa ka soo baxsaday goob ay laanta adeegga bulshadu ku meeleeysay. Shirkadda tareemmada ee SJ ayaa joojin doonta khadka tareenka pendel-ka ee isaga goosha magaalooyinka Stockholm iyo Uppsala. Laba nin ayey ka soo gaareen dhaawacyo culus kadib toogasho ka dhacday xaafadda Husby, Stockholm. Dalka Taayland oo cusbooneeysi...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 26.08.2024

Toogasho ka dhacday maanta xaafadda Rosengår ee magaalada Malmö oo qof ku geeriyooday. Nin 35-meeyo jir ah ayaa ku geeriyooday magaalada Uddevalla kadib shil la xiriiray baaskiilka korontada ee lugta lagu riixo. Ku dhowaad 30 boqolkiiba dadka ku geeriyooda shil mooto ayaan heeysan laysankii looga baahnaa.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 23.08.2024

Dad ka badan ayaa muddo dheer shaqa la'aan ah, marka loo eego tirakoobyada cusub ee wakaaladda tirakoobka ee magaceedaa loo soo gaabiyo SCB. Wakaaladda macaamiisha ayaa hadda go'aansatay in ay baarto shilkii dhimashada sababay ee ka dhacay Skara sommarland oo wiil toban jir ah uu ku qaraqmay bilowgii bishii Agoosto. Wax iibsiga online-ka ee Iswiidishka ayaa sii kordhaya, gaar ahaan alaabada dibeda...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 22.08.2024

Dalka Jarmalka ayaa dacwad lagu soo oogey laba nin oo weerar argagixiso ku qaadi lahaa xarunta baarlamanka Iswiidhen. Xukuumadda Iswiidhen ayaa u magacoowday ergey gaar ah dalka Yukrayn. Bangi kale oo ka mid ah bangiyada waaweyn ayaa hoos u dhigaya ribada deeymaha guryaha lagu iibsado.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 21.08.2024

Ka dib hoos u dhisgistii shalay dulsaarka hagidda ee Bangiga Qaranka ey hadda dhowr bangi dhimeyaan ribada deeymaha guryaha. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo eedeeyey tuhun la xiriira afar kiis oo isku day dil ah ee magalaada Västerås. Ilmaha Iswiidhen ku dhaqan ayaa ku riyooda iney noqdaan aqoon yahan cilmiga caafimaadka xoolaha, youtuber, boliis, iyo khabiir jardiinooyinka la beerto. Khiyaanool...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 20.08.2024

Shirkadda dhismaha ee JM ayaa ku wargelinaysa iney shaqada waayi doonaan 145 shaqaale oo uga howlgala Iswiidhen. Hoggaanka degmada Göteborg ayaa ku wareejin doona nus bilyan karoon beerta raaxada ee Liseberg. Laba nin ayaa dacwad lagu soo oogey kadib markii lagu eedeeyey iney ka dambeeyeen abaabulka 43 kiilo oo ah maandooriyaha koka'iinta oo dalka kontarabaan lagu soo geliyey. Machadka Karolinska...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 19.08.2024

Iswiidhen ayaa lagu qabtay nin lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyay fal argagixisnimo oo ka dhacay dal kale. Islaantii dhashay Rawa Majid, oo loo yaqaanno dawacadii kurdishka, aya lagu qabtay deegaanka kurdida ee dalka Ciraaq Dalka Mareeykanka ayaa lagu dhow yahay in lagu guuleeysto xalinta dil loo geeystay haweeney Iswiidhish ahayd muddo 50 sano hada ay ka soo wareegtay.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 16.08.2024

Iswiidhan ayaa laga helay kiiskii ugu horreeyay ee noocyada cusub ee cudurka fayraska mpox. Nin ayaa laga helay cudurkan magaalada Stockholm, ka dib markii uu ku ka soo laabtay Afrika. 20 qof ayaa lagu soo oogay dacwad, kuwaas oo looga shakisan yahay, waxyaabo ka ah diyaargarowga dil ee Väsby ee Upland ee jiilaalka hore.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 15.08.2024

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Saddex qof oo rummaanka loo dhigey faldembiyeed oo ka dhacay xaafadda Södermalm ee Stockholm. Saddex qof oo kale oo lagu soo oogey iney ka dambeeyeen dil nin soddomeeyo jir ah xaafadda Fittja bishii maarso 2024. Xukuumadda oo u magacawday agaasimeyaal cusub heyadda hoggaanka bulshada iyo wakaaladda kastamka.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 14.08.2024

Maxkamad Jarmal ah ayaa u yeertay muwaadin reer Yukreeyn ah, kaas oo looga shakisan yahay inuu ku lug lahaa qarxinta dhuumaha gaaska Nord Stream ee badda Baltikada ee sanadkii 2022. Kiiskii Baaritaanka ka dhanka ahaa wasiirkii hore ee gaashaandhigga dalka Ciraaq Najah al-Shammari ayaa la xiray. Waxaa si isa soo taraysa isla markaana noqonaysa wax caadi ah in askarta booliisku ay shaqadooda ku waay...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 13.08.2024

Waxaa hadda caddaatay inuu sarkaal ka tirsan boliiska uu ka howlgeli doono dalka Danmark, sida ay ku warrantay laanta idaacadda ee P4 Malmöhus. Maxkamadda sare ee Sweden ayaa go'aan ku gaartay inaanay furi doonin dacwaddii la xiriirtay gabar yar oo waalidkeed ey ku sumeeyeen khal magaalada Eslöv. Boliiska dalka Noorwey ayaa doonaya inuu bilaabo wadashqeeyn kormeerid howlgal ah oo uu la yeesho boli...

Wararka maanta ee Raadiyaha Swiidhen 12.08.2024

Haweeney u geeriyootey dhaawac ka soo gaarey shil baabuur magaalada Linköping iyo qaar kale oo ku dhaawacmey. Sicirka cuntada oo kor u kacay 0,2 boqolkii bishii luulyo. Qajaarka iyo baradhada ayaa ugu qiime kac sarreeya. Ciyaartooydii qaaddey billaddii dahabka Olombikada David Åhman iyo Jonatan Hellvig ayaan todobaadkan ka qeyb geli doonin tartanka adduunka ee kubbadda laliska xeebta ee dalka Holl...

Listen to the Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.