Sveriges Radio

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

News SO ↓ 500 episodes

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Author

Sveriges Radio

Category

News

Podcast website

www.sverigesradio.se

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 18.10.2024

Sagaal qof oo ku nool magaalada Kalskrona oo ay ku jiraan dhowr carruur ah ayaa xanuunsaday ka dib markii ay cuneen doolshe habeen hore. Wiil 17 jir ah ayaa lagu soo oogay tuhun ah inuu nin 20 jir ah xagaagan uu toogasho ku dilay xaafadda Bagaregården oo dhacda duleedka magaalada Göteborg. Waqtiyada ey sugaan dadka u baahan qalabka maqalka ayaa qaata muddo dheer, waxayna taasi leedahay cawaaqib.

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 17.10.2024

Aqlabiyadda baarlamaanka ayaa doonayo in la adkeeyo shuruucda iibinta ee loo adeegsado wicitaanada taleefannada. In ka badan afartan takhaatiir oo ka hawl gala gobolka Stockholm iyo gobolka Västra Götaland ayaa lacag lagu siiyay booqashooyin caafimaad oo ay laftoodu bukaan socod ka ahaayeen. Rabshadaha gaangiska ee koonfurta magaalada Stockholm ayaa sii kordhay dhawaanahan, sida uu sheegay boolisk...

Wararka maanta ee Raadiyah Sweden 16.10.2024

Haweeney reer Västerås ah ayaa lagu xukumay xabsi, kadib markii ay lacag dhan 860 000 oo karoon ah ka xadday islaan 70-meeyo jir ah. Muddo sannad ah ayaa maanta ka soo wareegtay falkii argagixisada ee ka dhacay magaalada Brusells ee toogashada lagu diley laba muwaadin oo Iswiidhish ah. Haweeney aan dooneyn in la ogaado qofka ay tahay ayaa 10 milyan oo karoon ugu deeqday xarunta dhexe ee cudurka ma...

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 15.10.2024

Bishii sebtembar, 7,600 oo qof ayaa la ogeysiiyay in shaqada laga ceyriyay, waa in 1000 ka badan isla muddadaas ee sannadkii hore. Go'aan ka soo baxay Xafiiska La Dagaalanka Faqooqa DO ayaa lagu sheegay inaan loo macneeyn karin faqooq in ardeyda aan caqiido ahaan u cuni karin hilibka khaansiirka aaney helin hilib kale''. Saddex maamule oo ka tirsan degmeda Botkyrka ayaa lagu wargeliyay in shaqada...

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 14.10.2024

Qof labaad ayaa loo qabtay weerarkii xabadeeynta ee lagu qaaday shirkaddii israa'iil ee tenikada hubka ee lagu magacaabo Elbit. Madaxa xukuumadda Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay inuu doonayo inay EU-du argagixiso ku shaabadeeyso ciidanka ilaalada kacaanka ee dalka Iiraan. Sagaalkii subaxnimo ee isniinta maanta ayay maxkamadda degmada Malmö ka furantay dacwad ka dhan ah Rasmus Paludan.

Wararka maanta iyo Sweden 11.10.2024

Isbeddelka cimilada ee dhammaadka todobaadka iyo raadadka duufaanta Kirk. Qof ku dhaawacmay biriq ayaa weli ku jira isbitaalka. Ballanqaad taageero macallimiinta diida inay ardayda soo sheegaan.

Wararka maanta ee Sweden 10.10.2024

Nin ayaa loo xukumay kufsi caruur. Isku day ku tashkiilin carruur falal denbi. Deeq lagu heysto sida ay degmadda Botkyrka u isticmaashay.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 09.10.2024

Hal qof ayaa ku dhaawacmay toogasho ka dhacday xarunta Sollentuna. Tigidhada safarada SJ ee Kirismaska oo saf dheer noqday. Fritidsbanken- laaybareeriga qalabka ciyaaraha oo oo xukuumadda ka heshay 10 milyan oo karoon.

Wararka maanta ee Iswiidhen 08.10.2024

Sicir-bararka oo hoos u dhacay. Middaasi ayaa ka dhigan inuu Bangiga Qaranku sida laga yaabouu hoos laba jeer u dhigo ribada hoggaanka marka xigta bisha Nofeember,sida culimada dhaqaaluhu sheegeen. Guurka qraabada ilma adeerta iyo ilma habreedka iyo wlaalaha uu waalid ka dhexeeyo oo la soo jeediyey in la mamnuuco. Bisha Sebtermbar ee sannadkan waa bishii labaad ee ugu kululeyd bilaha sebteembar ee...

Wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen 07.10.2024

Wiil dhallinyaro ah oo loo xiray dil. Dambi ka dhacay dugsi xannaanada ee Flen. Heyadda saadaalinta hawada oo ka digtay baraf.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 04.10.2024

Nawaaxiga magaalada Göteborg ayey habeennimadii xalay iyo arroornimadii saaka ka dhaceen laba qarax. Qiimaha cunnada ayaa mar kale kor u kacay. Bishii sebteember ayuu qiimuhu kor u kacay 0,2 boqolkii, sida laga soo xigtay tirakoobka ururka Matpriskollen. Waxaa kor u kacay qiimaha kirooyinka guryaha 5,0 boqolkiiba, sida ku cad tirakoobka xafiiska dhexe ee tirakoobka ee magaceeda loo soo gaabiyo SCB...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 03.10.2024

Dembiyadii ka dhanka ah safaaradaha Israa'iil ee Stockholm iyo Copenhagen ayaa la fuliyay ka dib amar ka yimid shabakadda gaangiska ee Foxtrot, sida warar soo gaaray taleefishinka SVT lagu sheegay. Tirakoobyada degmooyinka iyo gobollada Iswiidhan ee bishii Agoosto ayaa muujiyay in safka daryeelka caafimaad uu aad u dheeraa.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 02.10.2024

Saddex qof oo iswiidhish ah ayaa maanta lagu xidhay magaalada Copenhagen. Waxaa loo xiray laba qarax ee habeennamadii Arbacadu soo galaysay, ka dhacay meel u dhow safaaradda Israa'iil ee Denmark. Dacwad abiil ah ayaa laga qaatay go'aankii hoosta loogu dhigey dacwaddii la xiriirtay iskudirka qowmiyadaha ee horey loogu eedeeyey Rickard Jomshof oo ka tirsan xisbiga sverigedemokraten. Magaalada Uppsal...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 01.10.2024

Tirada shirkadaha busaaradaystay (dhaqaale beeley) bishii Sebtembar ayaa kor u kacay. Xisbiyada Centerpartiet iyo Miljöpartiet ayaa raba in xukuumaddu ay magacowdo guddi baarlamaani ah si iskuraacid ballaaran loogu heli lahaa sidii dib u habeeyn lagu sameeyo nidaamka shahaadooyinka. Sannad kasta, in ka badan 1200 qof oo iswiidhish ah ayaa is dila.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 30.09.2024

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah App beeen abuur ah ee lacagta Iswish-ka oo beryahan laga isticmaalayey goobo ay ka mid tahay nawaaxiga Varberg. Laba qof oo xalay fiidnimadii toogasho lala beegsadey xaafadda Rissne ee degmada Sundbyberg, Stockholm. Sweden ayaa berrito yeelan doonta abbaanduule cusub ee milateri.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 27.09.2024

Ma jiri doonto cid sharci kale loo eegayo marka loo eego xeerarka shaqaalaha soo galootiga ah ee ka shaqeeya Northvolt. Xukuumadda ayaa dooneysa inay xaddido gunooyinka qoysaska waaweyn, waxayna hadda dooneysaa in la baaro arrintan. Hay'adda saadaasha hawada ee SMHI aya digniin ka soo saartay roob badan oo ka da'aya koonfur-bari Iswiidhen maanta.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 26.09.2024

Wakiilada baarlamanka ee cadaaladda ayaa dhaleeceyn culus u jeediyay guddoomiyaha gobolka Stockholm, Anna Kinberg Batra. Degmooyinka Iswiidhen ayaa sanadkii hore lacag dhan 200 milyan oo karoon siisay shirkado maamula guryaha dhallinyarada lagu haayo ee loo yaqaan HVB. Nin 40 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi kadib markii uu si qarsoodi ah filim uga duubay gabdho wax ka baranayay iskuul ku yaala Karl...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 25.09.2024

Howlgallo wadajir ah oo ka dhacay Stockholm iyo dalka Latvia, ayaa waxaa shalay lagu xiray siddeed qof oo looga shakisan yahay inay galeen dambiyo maaliyadeed oo halis ah. Dad badan ayaa ku jeeda haya'adda qaabilsan qasab ku urruurinta deymaha ee Kronofogden si ay lacag uga helaan shirkadda Northvolt oo ay dhibaatadu saameysey. Guryaha dhalinyarada lagu hayo ee HVB ayaa loo baahan yahay in si wana...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 24.09.2024

Wiil aan weli qaangaarin ayaa lagu ridey xukun xabsi daa'in ah in uu dil geeystay, markuu xabsiga dhammeeystana dalka laga masaafuriyo. Xukuumadda ayaa u saartay guddi masiibo shirkadda Northvolt, middaasi na oo ka dambeeysay shaqaalaha badan ee lagu wargeliyey in shaqada laga fariisin doono. Maamulka degmada Stockholm ayaa iminkana go'aan ku gaaray inuu joojiyo taageeradii dhaqaale ee ururka Ibn...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 23.09.2024

Kobaca dhaqaalaha, oo lagu cabbiro GDP, ayaa kor u kacay 0.9 boqolkiiba sanadkan iyo 2.3 boqolkiiba sanadka soo socda marka loo eego saadaasha. Xisbiga Liberalerna ayaa doonaya in la baabi'iyo qiimeynta shahaadada-F ee dugsiga sare, taa oo dad badan ka reeebta dugsiga sare. Sannadkan, markii ugu horreysay mawduuca bandhigga buugaagta ayaa noqonaya mid ku saabsan suugaanta iyo dhaqanka qowmiyadda S...

Wararka maanta ee Radio Sweden 20.09.2024

Qof ayaa la qabtay oo loo xiray shaki la xiriira inuu qeyb ka geeystay dil kadib toogashadii ka dhacday Hallstahammar. Orwa Kadoura oo xubin ka ahaa xisbiga Vänsterpartiet ayaa ka tagay xisbiga iyo Maamulka Gobolka Östergötland. 26 eey oo geerida loo fududeeyey kadib markii la heley iyaga oo dayac la liita.

Wararka maanta ee Radio Sweden 19.09.2024

Nin ka tirsan ciidanka boliiska magaalada Malmö ayaa loola cararay isbitaalka ka dib markii madaxa jug laga gaarsiiyey isagoo howlgal ku jiray. Maxkamadda Racfaanka ayaa xaqiijisay xukunka maxkamadda hoose ee xabsi daa'in ah oo lagu riday labadii nin ee rasaasta furay. Filinka Filip iyo Fredrik ee 'Den sista resan - safarkii ugu dambeeyay' ayaa noqon doona kan Sweden u matali doona tartanka abaalm...

Wararka maanta ee Radio Sweden 18.09.2024

Illaa iyo imminka ma jiraan wax war ah oo ku saabsan dhaawac ama dhimasho ku yimid muwaadiniinta iswiidhishka ah ee ku sugan Lubnaan oo la xiriira qaraxyadii shalay ka dhacay halkaas, Diyaarad siday wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka cadaaladda oo ku sii jeedday Ankara ayaa lagu khasbay inay ku soo laabato garoonka diyaaradaha Arlanda,Stockholm. Heeyadda saadaalinta hawada oo bixisay digniint...

Wararka maanta ee Radio Sweden 17.09.2024

Xubinta cusub ee hoggaanka cusub ee ururka Midowga Yurub - u meteli doonta Sweden Jessika Roswall (M) ayaa la soo jeediyey inay mas'uul ka noqoto arrimaha deegaanka. Xafiiska shaqada ayaa ku wargeliyey 228 ka mida shaqaalihiisa in shaqada laga eryi doono, sida lagu sheegay war-saxaafadeed. Waxa soo baxday warbixintii magaalooyinka martigelin doona Melodifestival-ka sannadka soo socda.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 16.09.2024

Sweden ayaa hoggaamin doonta saldhig cusub ee Nato oo laga dhisi doono waqooyiga dalka Finland. Toddoba qof ayaa maxkamad loo soo taagey dacwad ka dhan ah oo la xiriirta rabshado culus oo la xiriira ka hortag bannaanbax oo xagaagii sannadkii hore ka dhacay nawaaxiga Järva xafladdii dhaqanka ee eriteriyaanka, Laga bilaabo kala guurka sannadka waxaa la joojin doonaa in qashinka lagurido sigisyada. D...

Listen to the Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.