Sveriges Radio

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

News SO ↓ 500 episodes

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Author

Sveriges Radio

Category

News

Podcast website

www.sverigesradio.se

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Wararka maanta iyo Sweden 22.11.2024

Weriyaha ka hawl gasha Raadiyaha Iswiidhen ee qaabilsan Bariga Dhexe, Cecilia Uddén, ayaa ku guulaysatay abaalmarinta saxafiyiinta ugu weyn ee qeybta codka sanadka. Iswiidhen ayaa ka taageeri doonta wax soo saarka dalka Yukreeyn ee gantaalada riddada dheer iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee riddada dheer. Seddex qof oo Iswiidhish ah ayaa midkiiba toban sano oo xarig ah lagu xukumay, xukunkaa...

Wararka maanta iyo Sweden 21.11.2024

Duufaanta ka jirta gobolka Västerbotten ayaa la filayaa inay sii xoogeysato. Shan qof ayaa loo soo xiray tuhun ah in ay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay xaafadda Östermalm maalintii axadda. Ra'iisul wasaare Ulf Kristersson ayaa ka faallooday xogta ah in Ruushku uu markii ugu horreysay ku riday dhanka Yukreeyn robotka isaga kala goosha qaaradaha.

Wararka maanta iyo Sweden 20.11.2024

Maxkamadda sare ayaa xaqiijisey xukunka maxkamadda racfaanka, halkaas oo lagu xukumay labo madax oo ka hawl galayay shirkadda daryeelka ee Attendo. Todobo qof ayaa dacwad lagu soo oogay inay siyaabo kala duwan ugu lug lahaayeen afduub oo loo geeystay wiil 17 jir ah xagaagan. Dadka isticmalaa tubaakadada ama waxa afka Iswiidhishka loogu yeero 'snus', ayaa caawimaad ka heli doona goobaha daryeelka c...

Wararka maanta iyo Sweden 19.11.2024

Baraf iyo roobab baraf wata oo la filayo In ka badan nus milyan ayaa wax ka iibsaday Shein iyo Temu iyo Qaar badan oo ka mid ah toogashooyinka dhimashada ayaa la xalliyaa

Wararka maanta iyo Sweden 18.11.2024

Ebba Busch oo dooneysa in dib loo eego xuquuqda codbixinta. Saddex qof ayaa loo xiray dilka Akalla. Tirada dhimashada shilalka waddooyinka oo hoos u dhacday.

Wararka maanta iyo Sweden 15.11.2024

Xukun ganaax oo ku dhacay xeer-ilaaliye qaraabe soke u ah hoggaamiye kooxeedka Ismail Abdo. Dalagga soo goay sannadka oo hooseeya. Baraf la fileyo inuu da'o.

Wararka maanta iyo Sweden 14.11.2024

Dhoofinta ciyaaraha kombiyuutarka ee Iswiidhan ayaa ka badan tan dharka iyo macdanta birta. Sicir-bararka oo kor ugu kacay 1.5 boqolkiiba. Haweeney loo diiday inay la baxdo magaca Marijuana (xashiish).

Wararka maanta ee Sweden 13.11.2024

Wiil siddeed jir ah ayaa ku dhintay goobta ciyaarta ee dugsiga - hadda waxaa la sii daayay maamule lagu waayey danbi wiilka ku dhintay iskuulka, Mushaarka cusub ee xildhibaannada baarlamaanka. Dalab: hogaamiyeyaasha xisbiyo dhowra ah oo dalbaday in laga wada hadlo Trump.

Wararka maanta iyo Sweden 12.11.2024

Shaqo laaanta oo kordhaysa Hal qof ayaa dhintay kadib toogasho ka dhacday magaalada Malmö. Nidaamka diiwaanka shaashadda gobolka Västra Götaland oo hawada ka baxay.

Wararka maanta iyo Sweden 11.11.2024

Nin lagu soo oogay dacwad laba-dil ah. Waraaqaha xafiiska canshuuraha ayaa fashiliya qofka iska dhigaya inuu ku nool yahay gurigaaga. Nordea uma baahna inay magdhow siiso macmiil la khiyaameeyay.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 08.11.2024

Labo wiil oo Iswidhish ah oo rummaanka la dhigey. Ururka shaqaalaha Unionen ayaa balaarinaya shaqo joojintii uu ku hayayTesla. Qoysaska Iswidhishka ayaa wali ka digtoonow wax-iibsiga.

Wararka maanta iyo Sweden 07.11.2024

Nin lagu rasaaseyey Kista. Nin ka tirsan kooxaha gaangiska oo si khaldan shaqo uga heley xafiiska arrimaha bulshada. Haweenka oo ragga uga badan waxbarashada jaamacadaha.

Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden 06.11.2024

Raii'sul wasaare Ulf Kristersson ayaa ugu hambalyeeyay guushii Donald Trump ka dib doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday Mareykanka. Saddex qof ayaa dacwad lagu soo oogay, midaasi oo la xiriirta qarax qorsheysan oo ka dhan ah shirkadda qalabyada difaaca ee Elbit Systems ee ku taalla magaalada Göteborg. Dukaanka dharka iiibiya ee lagu magacaabo H&M ayaa shaqa joojin ku ogeeysiiyay 140 ka mid ah 3...

Wararka maanta iyo Raadiyaha Sweden 05.11.2024

Laanta adeega bulshada ee degmeda Botkyrka ayaa xiran maanta oo talaada ah, ka dib markii dhowr qof oo shaqaale ah loo hanjabay. Aagga amniga ee booliiska Norrköping ay ku soo rogeen xagaagan xaafadda Hageby ee degmada Norrköping ayaa lahayd sameeyn amni abuurtay iyo ka hortag dembiyada. Qiimaha cunnada ayaa korodhay 0.2 boqolkiiba bishii oktoobar ee sannadka, sida lagu muujiyay tirokoobyada cusub...

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 04.11.2024

Dhalinyaro badan oo qaangaar ah ayaa iska indha tira booqashada dhakhtarka ilkaha, sida ku cad tirooyin ka soo baxay heyadda hoggaanka bulshada. Cayaar socotay 13 saacadood, 37 daqiiqo iyo 6 sekan. Haweeney ku nool gobolka Skåne ayaa lagu xukumay kicinta qowmiyadeed iyo aflagaado daran oo ay u geysatay wiilkii ku soo caan baxay iibinta ubaxa bisha Maajo isla markaana uruuriyay in ka badan shan mil...

Wararka maanta iyo Sweden 01.11.2024

Dabeylo xooggan ayaa dhibaatooyin sababay. Goobaha caafimaadka ayaa la baari doonaa kadib qalliinada aan loo baahnayn ee ilmo-galeenka. Nin qirtay kufsi ka dhacay dugsi xannaanadeed oo ku yaal magaalada Flen.

Warka maanta iyo Sweden 31.10.2024

Heyadda SMHI oo ka digtay dabaylo. Botkyrka oo soo rogtay imtixaanka luqaddaee shaqaalaha dugsiyada hoose dhexe. Mowjad cusub oo bartilmaameedsanaysa iney khiyaamaan bukaanka.

Wararka maanta ee Iswiidhen 30.10.2024

Eedeyn kulul oo loo jeediyay Botkyrka. Dhimashada cudurka wadne-xanuunka oo hoos u dhacday. Xaaladda degdegga ah ee cimilada ayaa horseeday in la sii daayo cilmi-baare.

Wararka maanta iyo Sweden 29.10.2024

Haweeney lagu xukumay xabsi daain. Haween badan ayaa lagu heley dambiyada hubka. Booliska oo ka digaya hubka ciyaalka ee Halloween.

Wararka maanta iyo Iswiidhen 28.10.2024

Markab ku degay Göteborg. Dab baabi'iyey gawaaari badan. Nin lagu soo oogay qaraxyo ka dhacay Göteborg.

Wararka maanta iyo Iswiidhen 25.10.2024

Dhacdooyin hanjabaad ah ayaa sababay in maktabadda Malmö la xiro. Hawlgalka booliska ee ka dhanka ah goobaha massage. Nin dhallinyaro ah oo uu dhaawac halis ah ka soo gaaray toogasho ka dhacday Norrköping.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 24.10.2024

Shaqaale ka shaqaynayay dugsi xanaano oo ku yaala degmada Stenungsund ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay kufsi caruureed. Qof kale ayaa loo taxaabay xabsiga iyadoo looga shakisan yahay dilka fannaanka C Gambino, sida uu sheegay Göteborgs-Posten. Waxa caadi ah in gabdhaha iyo wiilashaba ay ka qaybqaataan dembi.

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 23.10.2024

Tirada qoysaska helay kaalmada kirada guriga ayaa hoos u dhacday 21 boqolkiiba shantii sano ee la soo dhaafay. Amiiradda Madeleine waxay si ku meel gaar ah sii qabanaysaa xilka boqorka Boqorka Carl XVI Gustaf laga bilaabo Jimcaha iyo toddoba maalmood oo xiga. Hogaamiye kooxeed 27 sano jir ah oo lagu soo oogay dacwad ka dhan ah ka ganacsi daroogada ayaa maxkamada Malmö ku xukuntay 12 sano oo xarig...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 22.10.2024

Nin 40 jir ah ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho ka dhacday Huskvarna xalay. Wasiirka maaliyadda Elisabeth Svantesson (M) ayaa marka laga soo tago shaqadeeda wasiirnimo, sidoo kale noqon doonta guddoomiyaha guddiga horumarinta Bankiga Adduunka iyo IMF. Nin ku nool magaalada Malmö ayaa ku noolaa cayr, balse baraha bulshada waxa uu soo galiyay sawiro uu ka soo qaaday xaflado iyo safarro u...

Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 21.10.2024

Sweden waxay hoos ugu dhacday 14 boos afar sano gudahood ee tusmada sinnaanta caalamiga ah ee ururka Oxfam. Axaddii shalay ayuu dhacay imtixaankii dayrta ee jaamacadda. 62,000 qof ayaa iska diiwaan geliyey, waxeyna isugu jireen da'da u dhexeeysa 15 illaa iyo 85 sannadood. Ugu yaraan 14 jeer ayaa wiil curyaan ah oo ku fadhiya kursiga curyaanka laga diiday caawimaad uu ku raaco baska.

Listen to the Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.