Sveriges Radio
Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz
Author
Sveriges Radio
Category
Podcast website
Latest episode
Jul 10, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Wararka maanta iyo Sweden 03.01.2025 2:25
Waxaa maanta wali sii socda dhibaatooyinka ka jira isu socodka ee tareennada mara degmeda Laxå. Sagaal ka mid ah tobankii dhakhtar ee dibadda wax ku soo bartay ayaa ku dhacay imtixaanka lagu helo shatiga dhaktarnimada iswiidhen ee la qaaday bishii nofeembar. 14 qof oo kala bar ka mid ahi ay caruur ahaayeen, ayaa loo qaaday cisbitaalka ka dib markii ay ku sumoobeen maadada carbon monoxide oo ka soo...
Wararka maanta iyo Sweden 02.01.2025 2:49
Ra'iisul wasaare ku xigeenka Ebba Busch ayaa tirtirtay qoraal ay soo dhigtay barta Instagram-ka halkaas oo ay ku qortay in dhibbanaha dambiga loo geeystay uu hadda u marag furi karo si qarsoodi ah. Tirada diiwaan gelinta cusb ee gawaarida rakaabka ee sannadkii 2024 ayaa ku dhamaatay heerkii ugu hooseeyay muddo toban sano ah. Tareennada u kala goosha magaalooyinka Stockholm iyo Göteborg ayaa saaka...
Wararka maanta iyo Sweden 30.12.2024 3:01
Idaacada Iswiidhan boqol jirsatay, barnaamijkii ugu horeeyey ee baxana waxaa la sii daayey 1dii Jannaayo sannadkii 1925. Buundada dhexmarta Iswiidhen iyo Denmark ee Öresund oo rikoor cusub qortay ka dib markii dadka iskaga kala goosha labada waddan ay xad dhaafeen. Sannadka cusub ayaa la filayaa in cimiladu noqoto mid wadata dabayllo qaybo badan oo ka mid ah waqooyiga gobolka Norrland.
Wararka maanta iyo Sweden 27.12.2024 2:26
Sannadkan sii dhamaanaya ee 2024-ta ayaa 42 qof kugeeriyooday goobaha shaqada sida lagu sheegay warbixin la soo saaray. Kadib markii sharciyo dhowr ah la bedelay, dalka Iswiidhan dad badan oo dambiyo lagu soo oogay, ayaa dalka laga saara marka ay dhameystaan xukunkooda. Xilliga dayrta, lacagaha la siiyo hay'adaha samafalka ee Iswiidhishka ayaa kordhay.
Maanta iyo wararka radio Sweden 23.12.2024 2:22
Wiil 14-sano jir ah ayaa looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay qarax xalay ka dhacay xaafada Rosengård ee Malmö. Tirada qoysaska qaata kaalmada kirada guryaha ayaa hoos u dhacday 21% sida ay sheegtay qasnada caymiska ee Försäkringskassan. Xisbiga Kristdemokraterna ayaa badalay go'aankoodii hore ee la xirriiray buundada baramoosida ee dugsiyada hoose ee lagu dhaco.
Wararka maanta iyo Sweden 20.12.2024 2:14
Nin 20-meeyo jir ah ayaa fiidnimadii khamiista lagu toogtay garaash ku yaala magaalada Norrköping. Baarayaasha xukuumadda ayaa soo jeediyeen, in dukaamada raashinka iyo farmashiyeyaasha ay ku qasbanaadaan inay qaataan lacagaha caddaanka ah. Shan walaalo ah oo lagu xukumay khiyaamo ku sabsan lacagha lagu qaato caawinaadaha daryeelka.
Wararka maanta iyo Sweden 19.12.2024 3:14
Maxkamada degmada Södertälje ayaa maanta xukun xabsi daain ah ku riday nin dilay labo caruur ah oo uu dhalay. Maanta ayaa shan dhallinyaro ah lagu soo oogay dacwad ah inay ku lug lahaayeen dilka Mikael oo 39 jir ahaa, kaas oo gugii la soo dhaafay lagu toogtay xilli uu marayey waddo ku taalla xaafadda Skärholmen. Tirada carruurta ku dhaawacantay baaskiila korontada ku shaqeeya oo aad u korortay.
Wararka maanta iyo Sweden 18.12.2024 2:12
Iskuulka Islamiska ee ku yaalla magaalada Växjö oo maanta ay soo wajahday hanjabaad. Nin iyo naag 20-meeyo jir ah ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay burburin dadweye iyo ku xad gudubka sharciga walxaha qarxa. Iskuulaadku waa iney ka helaan laamaha adeegga bulshada, boliiska iyo iskuulaadka kaleba macluumaadka ku saabsan ardeyda ku wajahan iney ku biiraan kooxaha dambiilayaasha.
Wararka maanta iyo Sweden 17.12.2024 2:29
Shalay ayaa qof loo xiray tuhun dil ah kadib markii haweeney dhaawac ah lagu arkay meel banaan ah ee nawaaxiga Märsta fiidnimadii axaddii. Haweeney 30-meeyo jir ah oo xalay ku dhaawacantay toogasho ka dhacday magaalada Växjö ayaa geeriyootay. Shantii kalkaaliso caafimaad mid ka mid ah ee qalinjabisay intii u dhaxaysay sannadahii 2020 ilaa 2022 ayaa isaga tagay goobaha daryeelka shaqada ee gobollad...
Wararka maanta iyo Sweden 16.12.2024 2:07
Haweeney 30 jir ah ayaa fiidnimadii axaddii laga helay nawaaxiga Märsta ee waqooyiga magaalada Stockholm iyadoo dhaawac xun loo geeystay. Nin 74 jir ah ayaa lagu xukumay xabsi daain, ka dib markuu sannadkii 1995-tii dil ugu geeystay magaalada Linköping haweeney uu xiriir kala dhaxeeyay wakhtigaa. Sigaar cabidda oo sii yaraanaysaa, halka isticmaalka tubakadana ay kor u sii kaceeyso.
Wararka maanta iyo Sweden 13.12.2024 2:45
Qorshe cusub oo lagu yareynayo cunsuriyadda. 200 oo qof ayaa habeen iyo maalin ka shaqeynayey dayactirka waddada xadiidka Malmbanan. Kirismaska cad oo ku yar koonfurta laakiin ku badan nawaaxiga waqooyi ee dalka.
Maanta iyo wararka radio Sweden 12.12.2024 2:10
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Tuhunkii la xirriiray kufsiga ee lagu soo eedeyey ciyaaryahanka kubada cagta ee Kylian Mbappé oo la baa bi'iyey. Sicir bararka ayaa bishii Nofeembar kor u kacay 1.8 boqolkiiba marka loo eego cabbirka hey'adda KPIF, sida lagu sheegay warsaxaafdeed ka soo baxay laanta tirakoobka ee SCB. Saddex qof ayaa xabsi dheer lagu xukumay, kadib markii ay ku lug lahaayeen sam...
Wararka maanta iyo Sweden 11.12.2024 2:45
Guud ahaan kala bar qashinka cuntadaSweden wuxuu ka yimaadaa qoysaska. Laba wiil oo aan qaangaarin oolagu qabtay magaalada Malmö. Shirkadda lacag waarididda ee Klarna oo lagu ganaaxay lacag nus bilyan ah.
Wararka maanta iyo Sweden 10.12.2024 2:35
Maxkamadda Sare waxay tijaabinaysaa in la masaafuriyo qof dambiile ah. Cudurka shuban-biyoodka jiilaalkaoo xilligiisii la gaaray. Qalalaasaha internetka ee nawaaxiga Västerbotten.
Wararka maanta iyo Sweden 09.12.2024 3:14
Go'aamada magan-galyo doonka Suuriya oo hakad la geliyey 15-jir gabar ah oo loo haysto dilka gabar ay isku da' yihiin 4-jir wiil ah oo dhintay ka dib shil ka dhacay dugsi xannaano Baaritaanka walxaha qarxa ee halista ah ee dukaanka agtiisa
Wararka maanta iyo Sweden 06.12.2024 1:50
Xukuumadda iyo xisbiga Sverigedemokraterna ayaa doonaya inay ballaariyaan awoodda booliiska ee isticmaalka kaamiradaha kormeerka. Kiruna ayaa noqon doontaa caasimadda dhaqanka ee qaaradda Yurub sannadka 2029. Qaraxa ayaa ka dhacay agagaarka guri dabaq ah oo ku yaal xaafadda Östervärn ee Malmö fiidnimadii khamiista.
Wararka maanta iyo Sweden 05.12.2024 2:21
Booliska ayaa nin ayaa nin ka soo xiray bannaanka guriga ay degan tahay amiiradda Victoria. Nin 40 jir ah oo loo aqoonsaday inuu yahay xubin sare oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee loogu yeero Foxtrot kaas oo ku xirna dalka Seerbiya ayaa talaadadii gacanta loo soo geliyay Iswiidhen. Afar qof oo dadoodu u dhaxayso 16 ilaa 21 sano ayay boolisku qabteen kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada M...
Wararka maanta iyo Sweden 04.12.2024 2:40
Hal qof oo loo qabtay qarax ka dhacay fiidnimadii talaadada guri ku yaalla xaafadda Hässelby. Xulka gabdhaha kubada cagta Sweden oo soo baxay tartanka horyaalka qarammadda Yurub. Haweenka oo haysta fursado ka yar ragga in ay siyaasiyiin ka noqdaan deegaanada degmooyinka dalka.
Wararka maanta iyo Sweden 03.12.2024 2:14
Iswiidhen ayaa lacag gaaraysa182 milyan oo karoon ugu deeqaysa dadka ay dhibaatada baani ku hayso lix dalal. Booliska ayaa hadda isticmaalaya baraha bulshada si ay u joojiyaan dhalinyarada ay tashkiiliyaan kooxaha dambiilayaasha ah. Nin baa taksiile fiidnimadii isniinta ugu hanjabay bistoolad, ninkan ayaa la sheegay in uu ku eedeeyey in taksiiluhu oo si tartiib ah u kaxeenayay gaariga.
Wararka maanta iyo Sweden 02.12.2024 1:53
Nin iyo laba dumar ah ayaa lagu xukumay ganaax-maalmeed ah ka dib markii ay khudrad ku tuureen wasiirka arrimaha dibadda Maria Malmer Stenergard (M). Waxaa sii kordhaya tirada dhalinyarada ku khamaaraya lacagta, gaar ahaan wiilasha. Laga bilaabo sanadka cusub, lacagta warqadda boostada lagu diro ayaa lagu kordhin doonaa afar karoon.
Wararka maanta iyo Sweden 29.11.2024 2:23
Hay'adda saadaasha hawada - SMHI, ayaa soo saartaa digniin jaale ah oo ku saabsan silbasho baraf galabta manta iyo berrito oo sabti ah. Dadka lagu leeyahay deeymaha ardayda ayaa ah inay bixiyaan wax yar oo dheeraad ah sanadka soo socda. Qarax ayaa ka dhacay guri dabaq ah oo ku yaala xafaadda Kungsholmen ee magaalada Stockholm arroornimadii hore ee jimcaha.
Wararka maanta iyo Sweden 28.11.2024 2:20
Nin xubin sare ah oo ka tirsan shabakada dambiilayaasha ee Foxtrot oo dib loogu celinayo Iswiidhen. Baarlamaanka oo 'HAA' ku aqbalay soo jeedinta xukuumadda ee la xirriirta in la ogolaado in aan la magacaabin markhaatiga inta lagu guda jiro baaritaanada hordhaca ah iyo kiisaska dambiyada. Dhaqaalaha Iswiidhen oo ay ka muuqdaan calaamado soo kabasho ah, sida uu qabo machadka dhaqaalaha ee dawladda.
Wararka maanta iyo Sweden 27.11.2024 2:09
Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa maanta oo arbaco ah ugu codeeyay 'haa' guddiga cusub ee Yurub. Booliska ayaa baaraya labo qarax oo xalay labo magaalo ka kala dhacay. Ganacsiga badeecadaha ama alaabaha gacan labaadka ama second-hand ayaa sii kordhaya.
Wararka maanta iyo Sweden 26.11.2024 1:52
Tirada dadka ku dhaca wadna istaaga degdega ah ayaa ku sii socota inay hoos u dhacdo. Subaxnimadii Isniinta, ayaa heerkulka magalada Göteborg ka jiray lagu cabiray 14.0 digrii. Tess Olofsson ay noqon doonta garsooraha joogtada ah ee horyaalka ragga ee Iswiidhen bilowga xilli ciyaareedka soo socda.
Wararka maanta iyo Sweden 25.11.2024 2:15
Dhulgariir ayaa axadii ka dhacay baliga Vänern, ee ku yaalla koonfurta magaalada Karlstad. Wiil toban jir ah ayaa ku qarqamay barkad ku taal beerta madaddaalada ee Skara sommarlands xagaagan. Inta lagu jiro toddobaadka qiimo dhimista ee loo yaqaan Black Week, ayaa jira cadaadis badan oo saaran darawalada gawaarida yar yar ee xamuulka.
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.