Sveriges Radio
Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz
Author
Sveriges Radio
Category
Podcast website
Latest episode
Jul 10, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 09.08.2024 2:19
Dalka Danmark ayaa adkeeyay baarista xuduudda uu la wadaago Sweden. Ninkii horaantii todobaadkan loo xiray tuhun dil ah ee magaalada Malmö, ayaa hadda dacwad oogayaasha ka codsadeen in xabsiga la dhigo. Shirkadaha raashinka ee soo saara miraha sida malmalaatada iyo casiirka ayaa lagu qasbay labadaba, ogeysiis iyo shaqo joojin.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 08.08.2024 2:49
Wixii ka dambeeyay bishii abriil ee sannadka ayey 25 kiis oo xiriir la leh gaaniska reer Iswiidhen ey ka dhaceen dalka Danmark. Qiimaha lacagta koronka Iswiidhishka ayaa kor usoo kacay marka loo eego doloarka iyo euro-da labadaba. Baabuurta tijaabooyinka ee Yurub ayaa xilliyada soo socda lagu wadaa in lagu daabulo tareemmo wadada xadiidka gudaha.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 07.08.2024 2:34
Intii lagu guda jirey bishii Luulyo ayey 19 qof biyo ku harqadeen. Nin iyo naag ayaa lagu qabtay xuduudda Iswiidhishka, kuwaasi oo lagu tuhunsan yahay qarax fiidnimadii xalay ka dhacay magaalada Kobenheegan. Nin 27 jir ah ayaa lagu xukumey rummaanka, midkaasi oo lagu tuhunsanaa toogashadii geerida sababtay ee ka dhacday xaafadda Midsommarkransen oo dhacda koonfurta magaalada Stockholm.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 06.08.2024 2:05
Boliiska ayaanay hadda u muuqan xiriir cad oo ka dhexeeya saddex qof oo ku geeriyoodey magaalada Skelleftå, kuwaasi oo ka wada shaqeeyn jirey warshadda Northvolt. Nin 35-meeyo jir ah ayaa lagu soo oogey dacwad ka dhan oo la xiriirta isku day dil. Magaalada Inka oo dhacda nawaaxiga Machu Picchu, dalka Peru ee koonfurta Ameerika ayaa ugu sarreeysa liiska goobaha ey jeclaan lahaayeen iswiidhishku ine...
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 05.08.2024 2:04
Labo nin ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay inay ku lug lahaayeen dilka wiil 25 jir oo ka dhacay magaalada Borås. Safarada hawada ee gaaroonka dayuuradaha Landvetter ayaa kordhay. Tirada dalxiisayaasha Iswiidhishka ah ee uu ku dhacay xanuunka caloosha ee laga qaado dibadda ayaa kordhay sannadkan.
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen 02.08.2024 2:21
Ciyaaryahanka reer Iswiidhen eeTruls Möregårdh ayaa u soo baxay cayaarta faynalka ee kubbadda miiska ee ciyaaraha Olombikada Baariis. Degmada Sunne ee gobolka Värmland ayaa xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan maamulka degmada, kaas oo looga shakisan yahay inuu isku dayey inuu dillo nin ay saaxiibo ahaayeen.
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen 01.08.2024 2:24
16 jir iswiidhish ah ayaa lagu tuhunsan yahay isku day dil oo ka dhacay xaafadda Nørrebro ee magaalada Kobenheegan. Xiisaha loo qabo gawaarida Korontada ku shaqeeya oo hoos u dhacay. Barka koonfureed ee dalka oo cimilo wanaagsan yeelaya doona halka ey roobab xooggan oo sahlan ka di'id doonaan wqooyiga.
maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee raadiyaha Iswiidhen 31.07.2024 2:36
Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ra'iisul wasaaraha Iswiidhen Ulf Kristersson oo mar kale ku celiyay digniinta ah in aan loo safrin Lubnaan. KooxdaTaalibaan oo jaray xiriirkii ay la lahaayeen dhowr safaaradood oo ay caalamka ku lahaayeen, eyna ku jirto safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay Stockholm. Toddobo qof oo u dhaqdhaqaaqa cimilada oo xabsiga loo taxaabay ka dib markii ay isku dayeen...
Maanta iyo wararka raadiyaha Iswiidhen 30.07.2024 2:34
Labbo qof oo meydkooda laga dhex helay gaari gubtay oo loo maleeynayo inay u dhasheen Ingiriiska. 50 jir ka shaqeyn jiray goobaha adeegyada guryaha loona heeystay dilkii haweeney da' ah inuu dilay oo xabsi daa'inlagu xukumay. Qaar ka mid ah kooxaha heesaha dhaqanka Iswiidhen ee lagu magacaabo dansband oo ka cabanaya Rribada dahsoon ee heesaha dhaqanka.
Maanta iyo wararkii ugu dambeeyey ee Raadiyaha Iswiidhen 29.07.2024 2:19
Wiil 15 jir ah ayaa loo xiray ku lug lahaansho looga shakisan yahay dil ka dhacay Bagarmossen oo dhacda koonfurta Stockholm horaantii bishii Luulyo. Toogasho ka dhacday magaalada Jävla ayaa lagu dhaawacay saddex ruux kuwaas oo midkood markii dambe uu u dhintay dhaawicii ka soo gaaray. Waddada E 45 ee barbar marta Lilla Edet,ayaa la filayaa in dib loo furo 24saacadood gudood.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 26.07.2024 1:45
Caawa waxaa magaalada Paris ka furmaya ciyaaraha Olimbikada. Sannadkan iyo sannadaha soo socdaba waxaa la filayaa inay Iswiidhen magangalyo doon u soo doontaan dad ka tiro yar intii hore. Inta lagu jiro bisha Juun, shaqo la'aantu waxay ahayd mid halkeeda taagan marka loo eego bishii hore.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 25.07.2024 2:26
Inkasta oo xiise ballaaran loo hayo difaaca madaniga ah ayey askar kummanaan gaareya uga baxeyaan wakhtiga oo ku yar. Wiil 18 jir ah ayaa loo qabtay qarax ka dhacay Upplands Väsby arbacaddii shalay, sida ay ay ku soo warrantay laanta idaacadda ee P4 Stockholm. Qiimaha daroogada amfetamin ee dalka Iswiidhen ayaa taariikhiyan ah mid hooseeysa.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 24.07.2024 2:06
Maamule shirkad dhisme ah oo ku taal Stockholm ayaa lagu soo oogay, waxyaabo oo ay ka mid yihiin ku danayasiga dadka u shaqeeya shirkadda. Gabadhii la tuhunsanaa in lagu dilay magaalada Landskrona ayaa noqotay gabadh ay da'deedu ahayd dhallaanka dhigta dugsiga dhexe. Shirkadda difaaca ee Saab ayaa dhamaystirtay dalabka balaayin ku baxayso ee nidaamka difaaca iyo qalabka difaaca oo loogu talagalay...
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 23.07.2024 2:37
Nin 20 jir ah ayaa lagu xukumay 16 sano oo xarig ah kadib markii uu nin oday ah ku dilay degmada Åstorp. Ku dhawaad 20,000 oo shatiga ama leeysanka baabuurta ayaa lala noqday qeybtii hore ee sanadkan, sida ay sheegtay hay'adda hoggaanka gaadiidka ee Iswiidhen. Ka hor inta aan la gaarin bandhig dhaqameedka Ereteriya iyo banaanbaxa looga soo horjeedo xafladda ee sannadkan, booliska Stockholm ayaa ku...
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 22.07.2024 2:08
Haweeney ayaa lagu eedeeyay inay ku sumeysay gabadheeda oo saddex sano jir ah daroogo. Bartamaha magaalada Malmö, ayaa qof loo qaaday isbitaal ka dib markii xalay gaari xawli dheereya ku socda uu ku galay goobta maxaddada basaska. Maalinta khamiista ayuu furmi doonaa bandhig dhaqameedka Eritreyaanka oo sannadkii hore ku dhammaaday rabshado.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 19.07.2024 1:53
Nin ayaa ku geeriyooday kadib markii uu ku qarqamay magaalada Norrtälje. Maxkamadda racfaanka ee Svea ayaa xaqiijisay in lagu xukumay kow iyo toban sano iyo toban bilood oo xarig ah nin 41 jir ah. Aaladda Tiktok ayaa xirtay 35 akoon oo been abuur ah oo la rumeysan yahay inay u xaglinayeen ama caawinayeen siyaasadda iyo ajendaha xisbiga Sverigedemokraterna.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 18.07.2024 1:47
Dambiyada la xiriira maandooriyaha ayaa kor u kacay sanadkan. Booliska caalamiga ah ee Europol ayaa ku lug yeeshay ka dib mowjado tuugo ah oo dhawaan ka dhacay magaalada Stockholm. Beerta madadaalada ee Liseberg ee ku taalla Göteborg ayaa go'aamisay in beerta biyaha ee Oceana ee Göteborg dib loo dhisi doono.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhan 17.07.2024 2:42
Roobab xoogan ayaa ka da'ay xeebta galbeed, taasina waxay carqallad ku noqotay tartanka kubbadda cagta ee Gothia. Nin ayaa la ganaaxay ka dib mar uu ku kaxeeyay gaari xowlii garaaya 246 kilomitir saacaddii. Ururka Bergsjön Studiecenter Läxhjälpen, waa urur ay gacanta ku hayaan waalidiin isxil qaamay, oo doonaya inay carruuraha waxbarashada ka saacidaan.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 16.07.2024 3:04
Wiil 17 jir ah ayaa loo xiray sabab ah in looga shakisan yahay dilka wiil lagu toogtay xaafadda Bagarmossen. Hadda waxaa la ogolyahay in lagu toogto bannanka magaaladda Skellefteå labada shimbir ee ah nuuca geedaha garaaca ee si xun u jabsaday dhismo la deggan yahay. Cayayaanka ayaan tiro ahaan Iswiidhan hoos u dhicin 35-kii sano ee ugu dambeeyay, sida lagu sheegay daraasad ay samaysay jaamacadda...
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 15.07.2024 1:37
Nin iyo naag ayaa la xidhay toddobaadkan dhamaadkiisa , ka dib markii booliisku ka heleen xaruunta dhexe tareenada ee Stockholm shay halis ah. Salwan Momika oo ah ninkii kitaabka Qur'aanka gubay ayaa sharci cusub laga siiyay dalka Sweden. Saddex qof ayaa loo xidhay inay ku lug lahaayeen dil wiil yar loogu geystay xaafadda Bagarmossen ee magaalada Stockholm .
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 12.07.2024 2:37
Nin 45 jir ah ayaa lagu xukumay in loo fidiyo daryeel dhanka dhimirka ka dib markii uu wiil uu dhalay oo sagaal jir ah ku dilay Södertälje horaantii Janaayo. Boqolkiiba 6, dadka Iswiidhishka ah ayaa aaminsan in isbeddelka cimiladu uu yahay been abuur. Qeeyla dhaanta ku saabsan xayawaanada la dayacay ayaa si aad ah u kordhaya inta lagu guda jiro bilaha xagaaga.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 11.07.2024 2:28
Roobabkii onkodka watay ee shalay ka da'ay guud ahaan koonfurta Sweden ayaa sababay dhibaatooyin waaweyn. Shaqo la'aanta ayaa sii kordheysa sida ku muuqata tirokoobyo cusub oo ka soo baxay Xafiiska Shaqada. Qeylo-dhaanta ku saabsan dhiiga la deeqo oo aad u yar ee isbitaallada ayaa sii socota.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 10.07.2024 2:30
Shirkadda gaadiidka dadweeynaha ee Västtrafik ayaa baajisay safarada dhowr tareen inta lagu guda jiro Arbacada. 11 sano iyo 8 bilood oo xabsi ah ayaa lagu xukumey nin 27-jir oo hoogamiye u ahaa gaangis. Noocyada qaar ee dhiigaa ayaa ku yar gobolka Skåne markii laga hadlayo dhiig bixinta.
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 09.07.2024 3:04
Tuhmanayaal badan ayaa lagu ogaan doona iyadoo la qaadayo muunado DNA oo badan, faraha iyo sidoo kale sawirada wajiga. In ka badan hal sano, ayaa shaqaalaha baabuurta Volvo ee Umeå qeylo dhaan ka gudbinayeen jawiga shaqada oo liita, taas oo ka dhalatay shaqo dheeraad ah oo badan. Shan ka mid ah tobankii kareen ee loogu talagalay difaaca cadceedda ee leh qodobka ilaalinta qorraxda 50 ayaanan lahayn...
Wararka maanta ee Raadiyaha Iswiidhen 08.07.2024 2:28
Haweeney 65 jir ah iyo labo caruur ayaa geeriyooday ka dib markii uu dab qabsaday guri dabaq ah oo ku yaala magaalada Karlskrona maalintii Axadda. Dhowr arday oo ku sugan magaalada Lund ayaa loo sheegay inay dejiyaan calamada Falastiin. Bishii Juun ayaa qiimaha kafeega kordhay 7,9 boqolkiiba.
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.