Sveriges Radio

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

News SO ↓ 500 episodes

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Author

Sveriges Radio

Category

News

Podcast website

www.sverigesradio.se

Latest episode

Jul 10, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Wararka maanta ee Raadiyaha Sweden 30.05.2025

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Wiil ayaa ku dhintay shil- darawlkii ayaa loo qabtay. Wiil 15 jir ah ayaa waxaa lagu soo oogay dacwad dil magaalada Norrköping. Tirrada shinnida ayaa yaraatay guud ahaan dalka Sweden iyo addunnka ba.

Wararka maanta ee Sweden 28.05.2025

Wakiilka cadaaladda oo dhaleeceeyn u soo jeediyay heyadda xafiiska shaqada. Guri ku yaalla Västerås oo qarax lala beegsaday. Dhallaan iyo qaangaar si sharci darro ah khasab loogu daryeello.

Wararka maanta iyo Sweden 27.05.2025

Wiil Iswiidhish ah oo rummaanka loo dhigay dil ka dhacay Denmark. Dugsi madax-bannaan oo takooray ilmo baahiyaha gaarka ah qaba. Lacagaha lagu helo haraaga gawaarida duugga ah oo la kordhiyay.

Wararka maanta iyo Sweden 26.05.2025

Nin iskuday dil sameeyay oo laqabtay -toddoba qofna dhaawacay. Saraynta adeega Swishka oo la iswaydiinayo kadib khalkhalkii ku yimid. Shirkada gawaarida ee Volvo ayaa shaqaale dhimis weyn samaynaysa -ilaa 3000 boos ayaa khadka laga saarayaa.

Wararka maanta iyo Sweden 23.05.2025

Booliska oo maanta gelinkii hore nin ku toogtay magaalada Uppsala. Tagsiilihii saddex qof ku jiiray magaalada Malmö talaadadii oo la sii daayay. 160 ardey oo iskuul ka dhigan jiray Haninge ayay dhici kartaa in sawiro aan habbooneyn laga qaadey.

Wararka maanta iyo Sweden 22.05.2025

Wiil 18 jir oo la codsaday in ruumaanka loo dhigo togashadii Örebro. Hay'adda SMHI oo soo saartay digniin ku saabsan baraf. Shimbir ka duushay Iswiidhen oo lagutuhmey basaasnimo dalka Itoobiya.

Wararka maanta iyo Sweden 21.05.2025

Haweeney dacwad lagu oogay kadib markii ay xad-gudub ku sameeysay carruur. Hal qof ayaa ku dhaawacmay qarax ka dhacay guri ku yaalla magalaada Örebro. Nin muqaal ka duubay haweeney balakoon iska soo tuurtay oo halis ugu jira in xabsi lagu xukumo.

Wararka maanta iyo Sweden 20.05.2025

Heerka faxalka ubaxa ee pollen oo wali aad ugu sarreeyaa Stockholm. Kitaabka Qur'aanka oo la qorsheeynaayo in lagu gubo magaalada Jönköping. Nin bishii maarso gubay masjidka Uddevalla oo dacwad lagu soo oogay.

Wararka maanta iyo Sweden 19.05.2025

Maxkamadda racfaanka ayaa beddeshay xukunkii hore ee arrinkii Murhaf hamid. Toban shirkadood ayaa laga yaabaa in lagu khasbo inay bixiyaan ganaax dhan 22 milyan oo karoon. Qof ayaa geeriyooday kaddib markii uu ka booday balakoon.

Wararka maanta iyo Sweden 16.05.2025

Deeqaha dadweynaha ee ururada samafalka oo sii kordhaya. Nin ayaa lagu xukumay xabsi daa'in ka dib dilkii laba qof ee ka dhacay Norrköping. Kiniin cusub oo loogu talagalay xanuunka hurda la'aanta (narkolepsi).

Wararka maanta iyo Sweden 15.05.2025

Marqaatiga muwaadiniinta ayaa ku kacay malaayiin iyada oo aan waxba laga faa'iidin. Kumanaan arday ah oo laga doonayo in ay dib u bixiyaan lacagta CSN. Hal qof ayaa dhintay ka dib toogashadii Talaadadii ka dhacday Uppsala.

Wararka maanta iyo Sweden 14.05.2025

Shaqo la'aanta oo hoos u dhacday saddex bilood oo xiriir ah. Waalid lagu soo oogay dacwad, taas oo la xiriirta in ay daryeelin ulkaha caruurtooda. 70 qof oo calool xanuun ku dhacay ka dib markii ay ka qayb galeen shir weeyne.

Wararka maanta iyo Sweden 13.05.2025

Roobkii ugu yaraa ee in ka badan 100 sano. Diblomaasi sare oo Iswiidhish ah oo loo xiray basaasid. Bukaankii ugu dambeeyay oo ka baxay isbitaalka ka dib toogashadii Risbergska.

Wararka maanta iyo Sweden 12.05.2025

In ka badan 50 qof ayaa lagu qabtay hawlgal ballaaran oo ka dhacay aagga Östersjö. Halista dabka cawska iyo kaymaha. Wasiirka arrimaha dibadda iyo weerarrada ka socda carriga Gaza: Xaaladdii ugu darneyd illaa iyo hadda.

Wararka maanta iyo Sweden 09.05.2025

Ninka warbaahinta looga yaqaan Nytorgsmannen ayaa lagu soo oogay dacwad kufsi. Xukuumadda ayaa soowajahday dhaleeceyn kadib markii Thyberg uu ka tagay shaqadiisa. Koobka adduunka ee ciyaarta xeegada barafka ragga ee 2025 ayaa maanta bilaabanaya.

Wararka maanta iyo Sweden 08.05.2025

Caruur iyo dhallinyaro badan oo qaata dawada xaaladda ADHD. Xildhibaanadda xisbiga Vänsterpartiet Lorena Delgado ayaan doonayn inay ka tagto xilkeeda. Maanta ayaa siyaasigii hore ee xisbiga Centerpartiet Gustav Hemming lagu soo oogay dacwad .

Wararka maanta iyo Sweden 07.05.2025

Wiil 18 jir ah ayaa waxaa soo gaaray dhaawac halis kadib markii u dhismo ka soo dhacay. Sicir bararka oo ka hooseeyay sidii laga filayay bishii abriil. Todobo qof ayaa maanta lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil sharaf-dhowr ah.

Wararka maanta iyo Sweden 06.05.2025

Maxkamadda racfaanka ee Svea ayaa maanta ruumaanka dhigtay nin shalay ay sii daysay maxkamadda degmadu. Nin reer Malmö ah oo lagu xukumay inuu bixiyo 740,000 karoon oo dayactir ah. Qaybo badan oo ka mid ah isbitaalka Sollefteå ah oo la xirayo.

Wararka maanta iyo Sweden 05.05.2025

Haweeney 50 jir ah ayaa geeriyootay ka dib markii uu baaskiil jiiray. Waxaa jira xiiso weyn oo ku saabsan barashada sida loo xalliyo dembiyada. Wiil da'diisu ka yar tahay 18 sano oo dhaawaciisa laga helay xaafadda Älvsjö ee Stockholm.

Wararka maanta iyo Sweden 02.05.2025

Dabeyl xooggan oo caawa la filayo. Ninkii afaraad oo loo qabtey dilkii Uppsala. Xorriyadda saxaafadda oo sii xumaanaysa.

Wararka maanta ee raadiyaha Sweden 30.04.2025

Xeer-ilaaliye lagu xukumay sin jabin. Maxkamadda racfaanka ayaa ansixisay xukun hore oo ka soo baxay maxkamadda degmada, oo ah xabsi daain. Dacwadaha inkasso oo yaraaday balse deymaha ayaa kordhay.

Wararka maanta ee raadiyaha Sweden 29.04.2025

17 qof oo lagu soo oogay dacwad la xidhiidha daroogo. Nin 50 jir ah oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaadhay kaalin shidaal. Xukuumada oo doonaysa in la adkeeyo madaxbanaanida garsoorka.

Wararka maanta ee raadiyaha Sweden 28.04.2025

Shan Qof oo La Xiray Kadib Dil Rasaaseed ka Dhacay Eskilstuna. Svenska Kraftnät, afar qeybood oo kala duwan ee qiimaha korontada ee hadda ka jira ee Sweden ayaa sii jiri doona. Afar qof oo loo maxkamadeeyey dhacdo Göteborg ka dhacday

Wararka maanta iyo Sweden 25.04.2025

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa doonaya in uu 500 milyan oo karoon ku maalgeliyo shaqooyinka xagaaga. Alexandr oo 14 jir ah ayaa ku dhashay Iswiidhen oo la tarxiilayo Armenia. Nin sakhraansan oo gaari ku kaxeeyay 190 km waddo loogu talagalay 90 km.

Wararka maanta iyo Sweden 24.04.2025

Göteborg oo afar qof shalay loo xiray tuhun la xiriiro lacagaha la dhaqay. Ardayda dhigata dugsiyada ayaa sheegay in aysan iskuulka ka helin kaalmo ku filan. Dad intii hore ka badan ayaa ka ashtakoonaya takoorid.

Listen to the Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.