Hamda Hussein
Kabasho
Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
Author
Hamda Hussein
Category
Podcast website
Latest episode
Jun 4, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Ep:17; Tabnaanshiyaha Jidheed|Body Dysmorphic Disorder (BDD) 13.05.2022 33:37
Xilqaddan waxaynu ku lafa guraynaa waxaynu u bixinay 'tabnaanshiyaha jidheed' waxa uu yahay,sida uu u abuurmo iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:16; Depressionka Dhalmada Dabadeed|Postpartum Depression 16.04.2022 37:46
Xilqaddan waxaynu isku waydiinaynaa urugada hooyada soo foodsaarta kadib markay ilmaha dhasho, waa maxay calaamadaha lagu gartaa? sideese loola dhaqmaa? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:15; Kalsoonida Nafta|Self-Confidence 08.04.2022 32:14
xilqaddan kalsoonida waxaynu ku qeexnay sidan; waa karti iyo dareen gudeed oo ruuxu kashiisa ku beero taasi oo ku hagta in uu aamino ama ku tiirsado awoodihiisa qofeed. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:14; Awoodda Siidaynta|The Power of Letting Go. 01.04.2022 38:34
Xilqaddan waxaynu kaga jawaabaynaa su'aasha ah 'Awood intee le'eg ayaynu u leenahay inaynu siidayno dareemada aynaan jeclayn si aynu qayb uga noqonno kabashadeenna'?. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:13; Dhaawac-Waalid|Parental Wound 25.03.2022 22:43
Haddii waalidkaygu yaraantii isoo dhaawaceen sidee ayaan uga kaban karaa dareemada dhaawacaa ka dhasha, isla markaana sidee ayaan tabashadayda ugala hadli karaa hadda? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:12; Naf-la Hadal |Self-Talk 21.03.2022 32:53
Naf-lahadalka aynu ka dhaxalnay xilqaddii 11aad waa sidee inuu noqdo, ayaynu is-waydiinaynaa xilqaddan 12aad. Dhagaysi wacan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:11; Sidkanaanta |Attachment 11.03.2022 33:00
Psychologist kii waynaa ee reer Ingiriis John Bowlby wuxuu Sidkanaanta ku qeexay; isku xidhnaanshiyaha laxaweed ee raaga isla markaan ka dhaxeeya bani’aadamka. Xilqaddan waxaynu ku lafo guraynaa sida noocyadii kala duwanaa ee la inoo soo koriyay waynaanteenna inoo saamayn karaan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:10; Tiirsanaanta-Taban |Codependency 04.03.2022 24:45
Tiirsanaanta-Taban(Co-dependency) waxay dhacdaa marka qofku dulin-laxaweed (Emotional-Parasite) ku yahay dadyowga xidhiidhku kala dhaxeeyo. Xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa meesha ay kasoo unkanto tiirsanaanta-tabani, calaamadaha lagu garto iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:9; Fillaanshiyo-la'aan |Not feeling Enough 25.02.2022 29:49
Fillaanshiyo- la’aantu waa dareen taban oo kasoo unkamay yaraantii marar kalena waxaa la kasbadaa waynaanta oo waxaa kugu abuura deegaanka iyo dadka kugu xeeran ee xayndaabkaaga kujira. Sidee looga tallaabaa dareemada fillaanshiyo la'aanta ayaynu ka sheekaysanaynaa. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:8; Hungow|Disappointment 18.02.2022 21:05
Hungowgu waa dareen xeeldheer oo qofka hadheeya hammina ku beera kadib markii sawir ama filasho uu si dhow qalbigiisa ugu hayey ay beenowdo ama midho dhali wayday, xilqaddan waxaynu iswaydiinaynaa sidii aynu ula dhaqmi karno dareenkaas. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:7; Maanka-Dhibanaha|Victim Mentality 11.02.2022 17:03
Lahaanshiyaha Maan-Dhibane waa dabeecad la kasbado/barto oo uu ruuxu u arko in uu dhibane u yahay waxkasta , in qawaaniinta dunidu liddi ku tahay, in uu mudanyahay in laga naxo oo marwalba loo nuglaado. Waxaynu xilqaddan isku waydiinaynaa calaamadaha lagu garto lahaanshiyaha maanka-dhibane iyo sida looga bixi karo. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/mes...
Ep:6; Naf-hagrasho |Self-sabotage 10.02.2022 20:03
Naf-hagrashadu waa haysashada caqiidooyin ama aaminaado taban(negative) ah oo qofku ka haysto naftiisa , sida inuu aaminsanyahay in aanuu wanaag badan, lacag badan, degenaanshiyo badan qurux badan guulo adduun iyo kuwo aakhiro oo badan midna u qalmin. Waa laga yaabaa inaad iswaydiiso side ayay suurtagal u tahay? Ma qof wanaag neceb ayaa jira ? side qofku isula hadhi karaa? --- Send in a voice mess...
Ep:5; Aafada Is-canaanashada |Self-blame 10.02.2022 17:02
Maxay ayaa maskaxdaada kusoo dhacaa markaad maqasho erayga 'Is-canaanasho'? Ma ogtahay in dareenka gudeed ee Is-canaanashadu uu burburin karo kalsoonidaada,waxyeeli karo kasmadaada kaa reebi karo inaad kaalin gasho oo ku dhiirato noqoshada qofka aad rabto inaad noqoto. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:4;Awoodda la jaanqaadka|Adaptability 31.01.2022 17:48
La jaanqaadku waa lahaanshiyaha awood la qabsi uu ruuxu kula qabsado xaalad cusub oo soo korodhay, maaha shuruud ama khasab in uu raalli ka yahay ama ku negiyahay xaaladda markaa taagan. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:3;Aq-balaad|Acceptance 16.01.2022 23:42
‘Aq-balaadda’ ama afka qalaad waxa la yidhaahdo ‘ Acceptance ’ waxa kasoo horjeeda ‘ iska caabbin’ ama ‘ resistance’ , aqbalaaddu waa inaad arrimaha ku eegtid isha xaqiiqada, qirtid jiritaankooda iyo jirridooda oo aanad kala hortagin iska caabbin iyo dafiraad midna. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:2; Ahaanshiyo|Being Present 16.01.2022 17:48
Ahaanshiyo :Waa doorashada uu qofku doorto in uu dareenkiisa,diiraddiisa iyo ogaalkiisa oo dhammaystiran u soo jeediyo daqiiqadda ama ilbidhiqsiga uu imika iyo hadda joogo ee kujiro. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:1; Ogaal-Nafeed| Self-Awareness 16.01.2022 11:03
Ogaal nafeedku waa lahaanshiyaha awood uu ruuxu naftiisa hoos ugu warhayn karo, ugu waraysan karo, wax isu waydiin karo isuguna warcelin karo, qeexi karo dareemihiisu Meesha ay kasoo burqanayaan,baahiyihiisu inta ay sii ridanyihiin iyo salka ay ku fadhiyaan inta uu le'gyahay. --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Hordhac;Trailer 15.01.2022 0:52
Waa maxay ujeedka aan u soo tebinayo taxanaha kabasho? --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.