Hamda Hussein
Kabasho
Kabasho waa taxane dhaymo-nafeed ah oo ay Hamda Hussein ku rajaynayso in uu fudayd iyo raysasho u horseedo cid kasta oo wehel ka dhigata ✨🌸
Author
Hamda Hussein
Category
Podcast website
Latest episode
Jun 4, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Ep:16; Burnout |Shufbeel Tamareed 04.06.2026 41:38
Daal aadan xeeldheeraantiisa ka faalloon karin wax kasta oo aad samaysayna aan suulaynin haddii uu ku hayo oo salkiisa aad gaadhi wayday armuu yahay 'shufbeel tamareed' ! Dhagaysi iyi dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:15; The Fear of Moving Forward|Ka Cabsashada Hore-U-Socodka 13.04.2026 29:36
Waligaa ma dareentay in markasta oo aad tallaabo horę u qaaddo Aad haddana dib u qaadayso? Cabsi maka dareentaa hore u socodkaaga nololeed? haddii jawaabtu 'Haa' tahay xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:14; Decision Fatigue|Ka daalidda go’aan qaadashada 09.04.2026 29:29
Haddii ay ku daaliyaan gaadhidda go'aamadu ha yaraadaan ama ha waynaadaane xilqaddan adiga ayaa iska leh, fahan sababaha ka danbeeya daalka ,fahankaasina haku dhaxalsiiyo in aad naftaada u dhibrisid oo u dhego nuglaatid. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:13; Maladaptive Daydreaming| La qabsan-Waa Iyo Maalin Riyood 18.11.2025 40:17
Haddii gudaha madaxaaga adduunyo kuu gaar ahi kaaga dhisantahay oo la qabsiga aad la qabsatay aawadeed aad adduunyadaada dibadeeda uga qawadid, xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:12; Dissociation| Maan Maqan Iyo Jidh Jooga 09.11.2025 31:49
Waligaa ma dareentay inaad nolosha dul sabbaynayso, in aad dareen ahaan kabuubyoonayso, in xasuusaha qaar yaraantaadii aanad waxbaba ka xasuusan? Haddii Jawaabtu 'HAA' tahay, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa fahanka naftaada. Dhagaysi wanaagsan🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:11; Parentification| Waalid ka Dhigid 07.11.2025 30:45
Waligaa ma dareentay in aad waalid tahay adiga oo aan waalidba noqon, yaraantaadiise ma dareentay in aadan noolaan caruurnimo kugu filan? Xilqaddan adiga ayaa iska leh. Dhagaysi wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:10; The Scapegoat Child| Faquuqane 23.10.2025 30:48
Weligaa ma iswaydiisay maxay ayaa mar walba laguugu canaantaa wax aadan samayn, laguugu oogaa danbi aadan gelin, laguu faquuqaa ee qoyskiina qaab aadan garanayn kaaga dhigay? yaraantaadii haddii aad magac u heli kari wayday, waynaantaada u hel oo ka kabo . Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan 🌸 Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:9; Re-Parenting Yourself| Dib Isu-Ababin 27.09.2025 36:54
Kawaran haddii aad adigu dhayi karto nabar kasta oo yaraantii kaasoo gaadhay? Awooddaa hadii aad leedahay saw in aad adeegsato ma aha? Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:8; Self-Abandonment| Heedaddoow 26.09.2025 40:07
Waligaa xaaladdan heedaddoowga ah ma gashay? naftaada ma dayacday, xilqaddani waxay kaa caawin kartaa in aad ka xuub-siibato. Dhagaysi iyo dhaqan-gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:7; Panic Attacks| Naxdinta Soo Booddada ah 31.08.2025 35:38
Waligaa intuu wadnuhu si xawli ah kuu garaacay , dabadeed aad dhididday oo neeftu ku qabatay ma is tidhi waad dhimanaysaa? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa xaaladdaasi waxa ay tahay. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:6; Emotional Sponge| Muquurasho Dareen 21.07.2025 36:15
Wali ma is waydiisay sababta ay dareemaha dadyowga kale kuu saameeyaan? Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:5; Hypochondria| Ka Cabsashada Cudurrada 27.06.2025 40:48
Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:4; Paranoia| Buufis 23.02.2025 40:04
Waligaa ma iswaydiisay 'Buufiska' ama 'Bacdu' wax ay tahay? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:3; Neutralising Anxious Thoughts| Badhxidda Afkaaraha Cabsida 03.02.2025 28:24
'Sidee ayaan u badhxi karaa dareemmadayda cabsida ku qotoma?' ayaynu kaga jawaabaynaa xilqaddan. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:2; The Power of Positive Affirmations| Awoodda Erayada Togan 22.01.2025 29:35
Erayadu aynu adeegsannaa saamayn maku leeyihiin caafimaadka-dhimirkeenna ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:1; Self-Stigma |Summad-Ceebeed 07.09.2024 26:39
Weli ma Iswaydiisay su'aasha ah 'maxay ayay dadku caawimo u dalban waayaan marka ay maskaxdoodu u baahato'? xilqaddan ayaynu kaga jawaabi doonnaa wax ka mid ah waxyaabaha dadka ka hor istaaga inay maskaxdooda u hiiliyaan. Ka falceli xilqaddan 😊
HORDHAC:Season 2 22.08.2024 2:18
Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:50; Dib U Milicsi |Reflecting Back 15.08.2023 35:43
Xilqaddan waxaynu dib ugu milicsanaynaa safarkii kabasho ee sannadka iyo badhka soo socday, waxaynu kale oo wax iska waydiinynaa muhiimadda ay leedahay 'Kabashada-Dareen' iyo calaamadaha aad ku garan kartid. Dhagaysi wacan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:49; Sidkanaanta Dhaawacan |Trauma Bonding 08.07.2023 47:53
Weligaa ma dareentay in naftaadu jeceshahay ama ku sidkantahay cidda dhibaataysa? ma u wayday magac aad u bixiso xidhiidhka noocaas ah, xilqaddan ayaa kuu faah-faahinaysa magaca ,micnaha iyo qaabka uu u samaysmo xidhiidhka noocaas ahi. Dhagaysi wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:48; Darreemmo- Ku Hafasho |Sensory Overload 26.06.2023 33:43
Weligaa ma dareentay inaad dareemahaaga ku hafanaysid? sidee ayaad u maaraysay dareen-ku hafashada? Xilqaddan ayaynu maaraynta dareen ku hafashada kaga hadlaynaa, dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan Ka falceli xilqaddan 😊
Episode 47: Dareen Xakamayn;Emotional Regulation 06.06.2023 45:20
Weli ma Iswaydiisay ama ma doontay inaad dareemahaaga xakamayso? Inaad falcelinahaaga adigu falkiso oo aanay si bila qorshe ah kaaga soo fulin? Xilqaddan ayaynu ku qaadaa-dhigaynaa qaabka ugu fudud ee aad u baran kartid Xakamaynta Dareemadaada. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan. Ka falceli xilqaddan 😊
Episode 46: Cuqdadda Hoosaynta Q:2aad;Inferiority Complex| Kabasho| 25.05.2023 37:49
Waa Qaybtii 2aad ee Cuqdadda Hoosaynta. Dhagaysi wanaagsan . --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:45; Cuqdadda Hoosaynta |Inferior Complex 04.05.2023 37:01
Cuqadadda Hoosayntu 'Inferiority Complex' waa maxay ayaynu xilqaddan isku waydiinaynaa . Dhagaysi wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:44; Darroor Dareemeed |Emotional Leakage 01.03.2023 30:50
Bani'aadamku ma darroori karaa dareen ahaan? Xilqaddan ayaynu kaga jawaabaynaa su'aashan. Dhagaysi iyo Dhaqan gelin wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Ep:43; Naf Ka Shakiyid |Self-Doubt 20.02.2023 38:21
Weli awoodahaaga qofeed , wax qabadkaaga iyo ahaanshiyahaaga maka shakiday? ma iswaydiisay weli waxaad isaga shakido? Xilqaddan ayaynu isku waydiinaynaa shakiga, waxa keena iyo sida looga bixi karo. Dhagaysi iyo dhaqan gelin wanaagsan --- Send in a voice message: https://podcasters.spotify.com/pod/show/kabasho/message Ka falceli xilqaddan 😊
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.