Istahil Aideed
Somali Motivation podcast
Hello and welcome, This podcast is the first-ever Somali motivation podcast found and, more exciting, by a woman; its previous name was Dhiiri-galin podcast and changed to its current name in early 2019. This podcast is hosted, produced, and founded by Istahil Aideed. All topics are taboo and not discussed enough in the Somali community, such as domestic abuse, mental health, and wellness. LoveIstahil
Author
Istahil Aideed
Category
Podcast website
Latest episode
Mar 8, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Casharkii aan Nolosha ka bartay - Qoraaga Doolaal 31.01.2021 36:50
Maxamed Badda waa qoraaga buuga Doolaal oo uu kaga sheekaynaayo noloshiihsa ilaa caruurnimo ilaa hada, casharada uu nolosha ka bartay iyo fariinta uu usoo gudbinaayo dhalinyarada. waraysiga kaga boggo intaas iyo warbixino kale oo dheeraad ahba.
Bahdilka iyo Gumeysiga Maskaxada iyo waxyeelada Jidhka. 07.01.2021 23:28
Maxaad ka taqanaa noocyada gumeysiga iyo bahdlika maskaxada ama waxyeelada jidhkaba ee qoyska ka dhex dhaca. 5 wado ee dhabanaha loo dhibo iyo labada nooc ee guud ahaan abuseka barnamika maanta ee #Dhiirigalin ka dhagayso #Domesticabuse.
Dhalinyarada , Maandooriyaha iyo cunsuriyada 13.11.2020 49:41
Maxaad ka taqaanaa ’’Rarashada’’ caruurta, waa sida loo isticmaalo ee loogu iib geeyo caruurta maandooriyayaasha wiilal iyo gabdhaba. Hadaba sidee ayay maandooriyayaasha sida khamriga, xashiishada iyo kuwo kale sida badeecada/shiishada iyo dhaqaalaha xumadada iyo deegaanka sida xaafadaha soomalidu degto qurbaha iyo cunsuriyaduba ay u sameeyaan dhalinta iyo waxbarashadoda iyo mustaqbalkooda guud ah...
30.000 Bukaan ah ayay dhiig ushubeen - Badbaadi-Naf ll Asaasaha barnaamijka Mohamed-Amiin 22.06.2020 30:52
#Dhiirigalin #Badbaadinaf Badbaadi naf: xigasho barta badbaadinaf.com *Ciidii hal naf badbaadisa waxay ka dhigantahay in ay dadkoo dhan badbaadisay ama noolaysay oo u gargaartay.* https://badbaadinaf.com , waa website loogu talo galay in uu noqdo website qofkasta oo jecel in uu dhiig ku deeqo uu soo booqdo isna diiwaan geliyo. ka dib waxa lasoo xidhiidhi doonna cisbitaaladda u baahan dhiigga.
Waa Maxay Autism iyo Xaaladaha La Xidhiidha? By: Siciid M. Xuseen 18.05.2020 37:39
Buuggani waxa uu ku saabsan yahay Autistic Specrtrum Disorder (ASD), oo ah Naafanimo qofku inta uu nool yahay haysata, taas oo saameeya habka qofku ula xidhiidhayo ama u dhexgalayo bulshada ku geddaaman, ama uu la nool yahay. Autism waa cudur maskaxda ku dhaca oo uu Ilmuhu isaga uun isku mashaquulayo oo aanu ogeyn dadka la jooga ama waxyaabaha hareeraha kaga wareegsan. Autistic Spectrum Disorder (...
COVID-19 Dr. Zeinab Muse 13.04.2020 28:45
#Covid19 #waadkartaa #Dhiirigalin - Calaamahada xanuunnka , maxaa keena , side la iskaga ilaalin karaa, goorma ayuu qofku khatar ku sugan yahay iyo dumaka uurka leh oo u bahan in ay si gaar ah u taxadiraan. Si faahfaahsan ayay Dr. Zeinab uga waramaysaa xanuunkan iyo xaalada ay ku sugan yihiin dadka dalkii hooyo dagan oo ay ugu daran tahay hadii uu naqasku qabto in aan loo heli doonin mashiinada bu...
Dr. Soheir Hassan - PHD- ku diyaarisay Fayodhowrka guud iyo ka hortaga xanuunda aan la isqaadsiin- University of Oslo 04.02.2020 32:32
Dr. Soheir Hassan waxay ka qalin jabisay qaybta cafimaadka ee jaamacada hargeisa sannadkii 2009 kii mudo waxay ka shaqaysay cisbitaalka guud ee Hargeisa iyo hay’adaha caalamiga ah oo ay la shaqaynaysay, kadibna waxay fursado waxbarasho ka heshay wadanka dibadiisa gaar ahaan jaaamada Oslo ee wadanka Norway halkaas oo ay dhawaan ku soo dhamaystirtay shahaadada PHD oo ay ku diyaarisay Fayadhowrka bul...
Waa maxay Guushe? Sidee se loo gaadhi kartaa? 11.01.2020 18:55
Waa maxay guushu sideedaba? sidee ayaa se loo gaadhi karaa? labadan su'aalood ayaan barnaamijka maanta ee dhiirigalin kaga jawaabaynaa sidoo kale waxan ku soo qaadanaynaa 9 qodob oo kaa caawin kara meesha aad rabo in aad gaadho?
Sannadka-cusub ku guuleyso 22.12.2019 16:46
Waa maxay sababta ay qorshayaasha sannadka cusub u guuldaraystaan? Ma rabtaa in sannadkan aad ku guulaysto yoolkaaga iyo qorshaha aad dhigatay. Ka dhagayso halkan 7 qodob oo arintan kaa caawin doona. #podcastsomali #waadkartaa ka dhagayso barnaamijkan meel kasta oo aad ka hesho podcast yada ama google garee. #MAHADSANID
Mustafe Baruud: Gushaadu Gacantaada ayay ku jirtaa 28.10.2019 33:11
Mustafe Baruud, waxa uu waraysiga kaga hadlayaa guusha, sida loo gaadho iyo waa maxay sababta dhalinyarada wadanka joogta ay waxbarashadii wadankooda ku barateen isla wadanka gudihiisi ay suuqa shaqada shaqo uga jari ladahay. Mustafe sidookale waxa uu ka hadlayaa macadka uu asaasay ee cilmi baadhista iyo kordhinta awoodaha maskaxda aadamaha. Dhagaysi wacan.
STRESS: Stress ka sidee loo yareeyaa. 13.10.2019 8:13
sidee baad stresska noloshaada uga saari kartaa adiga oo yaraynaya oo isbadal aad u fudud ku samaynaya noloshaada.
Mubaarik Abdirahman - Talada Wadada Guusha 16.09.2019 43:40
Mubaarik Mohamed Abdirahman, waa xildhibaan ka tirsan golaha hoose iyo gudiga waxbarashada magaalda Mälmö ee wadankan Sweden. waa wiil dhalinyaro ah oo ka shaqeeya arimaha dhalinyarada hormarkooda, wargalintooda , dhiirigalintooda iyo wacayigalinta dhan walba ah. halkan ka dhagayso warsigii aniga iyo isaga na dhex maray oo ku saabsan sida guusha loo gaadho, talooyinka uu u soo jeediyay dhalinta iy...
8 sababood oo keena Guuldarada. 01.09.2019 13:08
MA OGTAHAY IN AY GUULDARADU TIMAADO KALIYA MARKA AAD JOOJISO ISKU DA'AYGA. halkan maanta waxaan si kooban ugaga hadalaynaa sababaha keena in aan guul daraysano guud ahaan oo aan ku soo koobay 8 qodob. ku soo dhawaada barnaamijkeena dhiirigalin iyo somali motivation podcast, waxaana idinla socodsiiya usbuuckasta aniga oo Istahil Aideed.
Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado 02.08.2019 46:08
Kaltun Osman Rivers Waa Hooyo iyo Hogaamiye la Hiigsado Cllr Kaltum Banday. Halkan ka dhagayso waraysigii na dhex maray oo xiiso badan. #sidoo kale eeg #su'aasha ay kaltuun aniga laftigayga i waydiisay. ka dhagayso #Itunes #applepodcast #spotify #youtube waraysigu waa arimaha bulshada, guusha, dhiirigalinta iyo sida shaqada qaarkeed aan uga kirbirno. Somali Motivation Podcast
TAHRIIB - waa 14 sanno jir sidee buu ku soo gaadhay Yurub? 19.07.2019 14:47
Waa 14 sanno jir ka soo tahriibay tuulo kutaala koonfurta Soomaliya. waxa uu soo arkay dumar & la Kufsaday, jidhdiley iyo qaar macaluul u dhintay. Ilmo yar ama qof dhalinyaro ah sidee ayay maskaxdiisu u qaadi kartaa isla markaana uga sheekayn kartaa dhibaatadaas soo martay oo samaysay fayoobantiisa iyo guud ahaanba noloshisa, dhagayso waraysigan.
Sideed kalsoonidada u kordhin kartaa! 09.07.2019 5:22
Sidee ayaad kalsoonidaada kor ugu qaadi kartaa………….. Ma waxaad tahay qof isku kalsoon mise mid isla wayn oo awoodiisa maskax ahaaneed iyo qofnimaba buunbuuniya. Kalsoonidu waxay kordhisaa jaaniska guusha nololeed halka ay isla waynaantu tahay mid horseeda burburka iyo guuldarada.
Hiigsasho - Warysigii Khalid J.Qodax 30.06.2019 24:39
Waraysigan ayaa ku qotoma hiigsashada iyo doorka uu rolemodelka ama qofka aad hiigsato ee aad jeceshay in aad ku dayato si aad u gaadho hadafkaaga nololeed iyo qorasha kuu degsanba.
Adigu Dhabarka ha iska Toogan!!!! self-sabotage! 15.06.2019 11:13
Kalamada maanata saldhiga u ah mawduuceena waa Self-Sabotage, ama in aad adigu dhabarka iska toogato, guushaasda iyo fikirkaagaba aad lugta qabato. iyo saddex ka mid ah sababaha keena in uu qofku sidaas sameeyo.
Si-xun ufikirka iyo dhibka caafimaad uu leeyahay - epo 2 10.06.2019 6:58
Si xun u fekerku waxa uu dhibaateeyaa noloshaada guud ahaan gaar ahaan cafimaadkaaga maskaxeed iyo jidheedba. wuxuu saameeyaa oo kale goaan qaadashadaada nolololeed iyo habdhaqankaagaba. sideed u badali kartaa si aad wax walba dhanka wanaagsan uga eegto. Dhageysi wacan, mahadsanid.
Dhiirigalinta Ma ubaahan tahay? Epo 1 10.06.2019 4:07
Dhiirgalinta goorma ayay timadaa, goorma ayuu qofku dhiiranaan dareemaa, mase tahay runtii muhiin. marka ay dhiranaantii iyo xiisihii ka ba'aan sideed yeelaysaa ama aad hawlahagii ku sii wadan kartaa. maqalka u horeeya ee podcast keena waxaan idinku sheegi doonaa in aad u baahan tahay dhisibiliin kaas oo ka awood badan dhirigalinta. Mahadsanid dhagaysi wacan.
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.