Somali Public Agenda

Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Be sure to visit the podcast's website and support the creator: somalipublicagenda.org

Author

Somali Public Agenda

Category

Government

Podcast website

somalipublicagenda.org

Latest episode

Oct 15, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android almost 10M downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood 16.10.2023

Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakec...

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya 09.10.2023

Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan buls...

Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060 20.08.2023

37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha h...

Puntland 25 sano kadib 02.08.2023

1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland.  Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxa...

Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay’adaha Dowladda Soomaaliya 15.07.2023

Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo bilow u ah sar...

Dib-u-habeynta Hay’adaha Dowladda Colaadaha Kadib 14.06.2023

Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.   Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan dhabbaha ay tahay in loo mari dib-u-habe...

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland 01.06.2023

Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabaca...

Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo 09.05.2023

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017.  Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso...

Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya 19.04.2023

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa dee...

Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle 25.03.2023

Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 ma...

Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland 25.01.2023

Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii ho...

Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho 10.12.2022

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrin...

Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya   10.11.2022

Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10...

Policy options for agreeing a model for fiscal federalism 02.11.2022

Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS).  However, important parts of Somalia’s federal model remain undefined, including agree...

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo 16.10.2022

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadd...

Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017? 25.09.2022

Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.  Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya. Somal...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 2-aad) 06.08.2022

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qa...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 1-aad) 20.07.2022

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaanig...

Historical Roots and Legacies of Somalia’s Current Governance Systems I Lee Cassanelli & Mahad Wasuge 04.07.2022

Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Soma...

Dhismaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya 26.06.2022

Labaatankii sano ee ugu dambeysay, madaxweynayaashii dalka waxa ay is khilaafeen raysal wasaarayaashii waxana ay magacaabeen 2-3 raysal wasaare. Xubnaha golaha wasiirrada ee la magacaabayay ayaa sidoo kale tiro ahaan kala duwanaa.  Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dhismaha xukuumadda xigta ee Soom...

Soo-saarista, Maareynta, iyo Qeybsiga Shidaalka Soomaaliya 12.06.2022

Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor.  Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskaas xafiiska...

Cadaaladda Xilliga Kala Guurka I Dr Axmed Cali Khayre & Mahad Waasuge 29.05.2022

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka q...

Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya 14.05.2022

Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaan...

Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo 24.04.2022

14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo...

Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 10.04.2022

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay. Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April.  Kuraasta ay ku fadhiy...

Listen to the Maamul Wanaag podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.