Somali Public Agenda

Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Author

Somali Public Agenda

Category

Government

Podcast website

somalipublicagenda.org

Latest episode

Jul 5, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Falanqeyn Heshiiska Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee Baydhabo 09.05.2023

Xubnaha Madasha Wadatashiga Qaran ayaa guddi farsamo u saaray in ay dib-u-eegis ku sameeyaan heshiiskii Qaab-dhismeedka Amniga Qaranka ee April 2017. Xubnaha guddiga farsamo ayaa kulmay intii u dhexeysay 16 iyo 18 Janaayo 2023, waxa ayna dib-u-eegis ku sameeyeen heshiiskii qaab-dhismeedka amniga qaranka ee 2017.  Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo 15-17 Maarso...

Falanqeyn miisaaniyadda 2023 ee dowladda federaalka Soomaaliya 19.04.2023

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2023 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah 28-kii December 2022. Miisaaniyadda 2022-ka waa $977 million, 4.9% ayaa lagu kordhiyey miisaaniyaddii sanadkii 2022 oo ahayd $929.9 milyan. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 68 boqolkiiba miisaaniyadda ($667 milyan) ayaa laga filayaa dee...

Heshiiska Siyaasadeed ee Hirshabeelle 25.03.2023

Bishii October ee sanadkii 2016 ayaa si degdeg ah loo dhisay dowlad-goboleedka Hirahabeelle. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd loogu qabto magaalada Jowhar. Jowhar waxa ay noqotay caasimadda dowlad-goboleedka halka madaxweynahana uu kasoo jeeday gobolka Hiiraan. Iyadoo ay khilaafyo ragaadiyeen maamulka, ayaa bishii Nofeembar 2020 ma...

Doorashooyinka Dowladaha Hoose ee Puntland 25.01.2023

Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii ho...

Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho 10.12.2022

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin. Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrin...

Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya   10.11.2022

Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10...

Policy options for agreeing a model for fiscal federalism 02.11.2022

Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS).  However, important parts of Somalia’s federal model remain undefined, including agree...

Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo 16.10.2022

Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadd...

Ma la joogaa wakhtigii dib-u-eegis lagu sameyn lahaa Naqshadda Amniga Qaranka ee lagu heshiiyey 2017? 25.09.2022

Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.  Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya. Somal...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 2-aad) 06.08.2022

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qa...

Raadka uu Talyaaniga ku leeyahay dowladnimada Soomaaliya (Qeybta 1-aad) 20.07.2022

Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaanig...

Historical Roots and Legacies of Somalia’s Current Governance Systems I Lee Cassanelli & Mahad Wasuge 04.07.2022

Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Soma...

Dhismaha Golaha Wasiirrada Soomaaliya 26.06.2022

Labaatankii sano ee ugu dambeysay, madaxweynayaashii dalka waxa ay is khilaafeen raysal wasaarayaashii waxana ay magacaabeen 2-3 raysal wasaare. Xubnaha golaha wasiirrada ee la magacaabayay ayaa sidoo kale tiro ahaan kala duwanaa.  Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dhismaha xukuumadda xigta ee Soom...

Soo-saarista, Maareynta, iyo Qeybsiga Shidaalka Soomaaliya 12.06.2022

Waxaa la aaminsan yahay in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan bad iyo barriba. Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay soo billaabatay tobaneeyo sano kahor.  Dhawaan Wasiirka Batroolka Soomaaliya Eng. Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa heshiis la saxiixay shirkad lagu magacaabo Coastline Exploration LTD taasi oo ay shidaal ugasoo saareyso 7 xirmood oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya. Heshiiskaas xafiiska...

Cadaaladda Xilliga Kala Guurka I Dr Axmed Cali Khayre & Mahad Waasuge 29.05.2022

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka q...

Doorashada Kadib: Arrimaha Mudnaanta U Leh Soomaaliya 14.05.2022

Doorashadii guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lasoo gebagabeeyay. 39 musharrax oo u tartamayay madaxweynaha Soomaaliya ayaa is diiwaangelisay khudbadana u jeedisay baarlamaanka. 15-ka May, maalinta Axadda, ayuu dalku yeelanayaa madaxweyne hoggaamiya 4-ta sano ee soo socota. Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeyneyaan arrimaha mudnaan...

Doorashada 16-ka Kursi ee Golaha Shacabka ee Gobolka Gedo 24.04.2022

14-kii April waxaa la dhaariyey inta badan xubnihii la doortay ee labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Isla maalintaas, Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo saaray warqad uu doorashada 16-ka kursi ee horey loogu heshiiyay in lagu doorto magaalada Garbahaareey ugu wareejinayo degmada Ceel Waaq oo isla gobolka Gedo ka tirsan. Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo...

Qoondada Haweenka ee Doorashada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya 10.04.2022

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa heer gebogebo ah. Dhowr iyo labaatan xildhibaan ayaa hartay doorashadooda. Jowhar iyo Garbahaareey keliya ayay kuraas ku harsan yihiin iyadoo doorashada goobaha kale lasoo dhameeyay. Xubno badan oo katirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa qaatay shahaaddada xildhibaannimo iyadoo la qorsheynayo in xildhibaannada la dhaariyo 14-ka April.  Kuraasta ay ku fadhiy...

Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada iyo Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaale ee Muqdisho 04.04.2022

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA.   Contact Somali Public Agenda...

Kaalinta Bulshada Rayidka ee Hufnaanta Doorashada Golaha Shacabka 14.02.2022

Doorashada Soomaaliya waxa ay mareysaa meel dhexe. In ka badan 100 xildhibaan ayaa la doortay. Muddada lagu heshiiyay 9-kii January 2022 waxa ay ahayd in 25-ka February lagusoo qabagabeeyo doorashada.  Podcast-gan waxa aan si gaar ah ugu eegeynaa  kaalinta bulshada rayidka ee doorashada. Waxaa marti ku ah Sainab Xasan iyo Axmednur Cabdullahi Axmed. Sainab Xasan waa Aasaasaha iyo Agaasimaha Guud ee...

Hirgelinta doorasho wakhtigeeda ku dhacda, daah furan, loona dhanyahay 26.01.2022

9-kii January, Golaha Wadatashiga Qaran ayaa soo saaray heshiis ka kooban 18 qodob oo la xiriira dhameystirka doorashada Golaha Shacabka. Heshiiskaas kadib, waxaa billowday dardargelinta doorashada iyadoo lasoo saaray liiska kuraas badan oo qaarkood la doortay qaarna la filayo in dhawaan la doorto. Sidoo kale cabashooyin ku aaddan maareynta kuraasta ayaa kasoo yeertay qaar kamid ah musharraxiinta....

Falanqeyn Doorashooyinka Soomaaliya iyo Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran 16.01.2022

Podcast-ga waxaa marti ku ah Maxamed Cabdirisaq. Maxamed Cabdirisaaq waa wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Muddo dheer ayuu kasoo shaqeeyay  arrimaha dimoqraadiyeynta Soomaaliya iyo geeska Afrika. Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Maxamed Cabdirisaaq ku falanqeynayaan doorashooyinka Soomaaliya iyo heshiiskii uu dhawaan gaaray Golaha Wadatashiga Qaran.  Contact Somali Public Agenda...

Falanqeyn dib usoo laabashada Ahlu Sunna Wal Jamaaca: arrimaha sahlay, fursadaha la lumiyay iyo xalka 23.12.2021

Dhawaan waxa aan daabacnay warbixin iftiimineysa sababaha dib usoo laabashada ASWJ ee Galmudug. Warbixinta waxa qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime kuxigeenka Somali Public Agenda.   Podcast-gan Farxaan Isaaq Yuusuf iyo Mahad Waasuge ayaa ku falanqeynaya  nuxurka warbixinta.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host) ·...

Falanqeyn Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Dowladda iyo Baahida Dadweynaha 20.09.2021

Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda  daabacday warbixin iftiimineysa howlaha Xarumaha Naqshadeeya Siyaasadda iyo Adeegyada Bulshada. Warbixinta waxa qoray Aweis Ahmed Mohamed oo ah agaasimaha SPA Center for Public Policy and Service Design.   Podcast-gan waxa Aweys Axmed Maxamed iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan Howlgalinta Xarumo Naqshadeeya Siyaasadaha oo Isku-xira Siyaasada Dowladda iyo Baah...

Falanqeyn Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya 23.08.2021

Dhawaan waxa aan daabacnay daraasad muddo sanad ah socotay oo lagu baarayay hannanka maaliyadda federaalka Soomaaliya.  Cilmibaaristaas waxa hoggaaminayay  Farxaan Isaaq Yuusuf oo ah Agaasime Kuxigeenka Somali Public Agenda. Farhan iyo aniga oo warbixinta wada qornay ayaa ka sheekeysan doonno nuxurka natiijada kasoo baxday cilmibaarista.  Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast ·     ...

Listen to the Maamul Wanaag podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.