Somali Public Agenda

Maamul Wanaag

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast. 

Author

Somali Public Agenda

Category

Government

Podcast website

somalipublicagenda.org

Latest episode

Jul 5, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Arrimaha Deegaanka Puntland & Asalka Khilaafka Dowladda Federaalka & Puntland iyo Sida Loo Xallin Karo 22.05.2025

Dadaallo la xiriira arrimaha deegaanka ayaa ka socdoPuntland. Sidoo kale, dowlad-goboleedka ayaa dagaal kula jirta ISIS. Dhanka kale, xiriirka dowladda federaalka & Puntland ayaa hakad ku jiray muddo ka badan labo sano.   Qeybtan 50-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge iyo Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimillada ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan...

Wada-xaajoodka Soomaaliya iyo Itoobiya ee Arrimaha Badda iyo Kaalinta Turkiga 07.05.2025

12-kii December 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis loogu magacdaray Baaqa Ankara. Baaqa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiye. Heshiiskan waxaa ku jirtay in wadaxaajood farsamo la bilaabi doono bisha February 2025, laguna soo gabagabeeyo muddo 4 bilood ah. Qeybtan 49-aad...

Booqashadii Raysalwasaaraha ee Laascaanood & Aqoonsiga SSC Khaatumo 28.04.2025

12-kii April, raysalwasaaraha dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa safar dhowr maalmood qaatay ku tagay magaalada Laascaanood oo ah xarunta SSC Khaatumo. Waxa uu ahaa masuulkii ugu sarreeyay ee Jamhuuriyadda Saddexaad ee taga magaalada Laascaanood. Muddadii uu joogay raysalwasaaruhu waxa uu daahfuray mashaariic, isaga oo ku casuumay hoggaamiyaha SSC Khaatumo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna ku...

Qaab-dhismeedka Nidaamka Federaalka & Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya 08.01.2025

Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta maaliyadda, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka Muqdish...

Heshiiska Siyaasadeed ee Soomaaliya & Isbedellada Ku Dhici Kara Sanadka 2025 02.01.2025

Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. Qeybtan 46-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge &...

Heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya 11.12.2024

Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa...

Geeddi-socodka Dowlad-dhiska Soomaaliya: Caqabadaha & Fursadaha 27.11.2024

Dowlad-dhiska Soomaaliya marxalado kala duwan ayuu soo maray, balse marka la eego xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, horumar ballaaran lagama sameynin. Maxaa Soomaaliya ka khaldan oo aan arrimaha siyaasadeed xal looga gaari karin, sidee ayayse tahay in loo wajaho arrimaha ugu waaweyn dowlad-dhiska Soomaaliya oo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda (dastuurka, federaaleynta iyo...

Hufnaanta & Isla Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda & Baaritaannada Xafiiska Hantidhowrka Guud 12.11.2024

Dhawaan warbixinno la xiriira baaritaanno uu ku sameeyay 19 hay’ad dowladeed ayuu daabacay Xafiiska Hantidhowraha Guud. Warbixinnada waxaa ku jira natiijada khaladaad kala duwan oo lagu ogaaday baaritaannada oo ay sameeyeen xafiisyo kala duwan ee dowladeed.  Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Axmed Ciise Guutaale oo ah Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa ku gorfeynaya n...

Dadaallada Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka: Caqabadaha iyo Fursadaha 09.10.2024

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, degmooyin & deegaanno intooda badan ku yaalla maamullada Galmudug & Hirshabelle ayaa soo galay gacanta dowladda. Dadka dega deeggaannadaas waxa ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamij xasilin oo si gaar ah loogu talo galay ayaa qorshisiisa billowday. Sidoo kale Ergayga Gaarka ah ee Xasilinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka...

Kaalinta Xildhibaannada ee Xalinta Khilaafka u Dhexeeya Dowladda Federaalka & Puntland 28.08.2024

Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, Madaxweynaha Puntland qeyb kama ahayn Madasha Wadatashiga Qaran & heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u noqday dib-u-eegista & wax-ka-beddelka dastuurka. 31 March 2024 Puntand waxa ay kasoo horjeesatay wax-ka-beddelkii lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka federaalka.  Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdulla...

Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee Puntland 21.08.2024

Waxaa dhawaan soo gabagaboobay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee Puntland oo soo bilowday sanadkii 2021. Markii ugu horreysay waxaa sanadkii 2021 si tijaabo ah looga qabtay doorashada goleyaasha deegaanka saddex degmo; waxaa xigay doorashada 30 degmo oo dhacday sanadkii 2023 iyadoo sanadkan 2024 lagusoo gunaanaday 3 degmo oo ay ku jirto caasimadda Puntland ee Garowe. Xarunta Horumarinta iyo...

Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya 23.07.2024

1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya ay aqoonsaneyso Soomaaliland iyadoo taas beddelkeeda saldhig ciidan bad & 20 kiiloomitir oo dhul ah laga kireynayo Itoobiya muddo 50 sano ah.   Dowladd...

Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle? 13.06.2024

Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha shacabka loogu qabto magaalada Jowhar. Khilaafyo siyaasadeed ayaa ka dhashay sida labada gobol iyo beel...

Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib 21.05.2024

17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaar kadibna la dhisayo guddiga doorashooyinka iyo xu...

Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024 28.04.2024

Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 67% miisaaniyadda ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaa...

Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka 29.03.2024

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo q...

Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland 15.01.2024

1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraa...

Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin? 07.11.2023

Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka...

Is-beddelka siyaasadeed ee Laascaanood 16.10.2023

Is-beddel siyaasadeed ayaa ka dhacay magaalada Laascaanood ah caasimadda gobolka Sool. Tan iyo sanadkii 2007, Soomaaliland ayaa maamuleysay magaalada. Dibadbaxyo isku beddelay dagaal oo ka dhashay dilal ka dhacay magaalada ayaa billowday horraantii sanadkan. Muddo ayay magaalada ka jireen dagaallo iyo duqeymo ay dad badan ku dhinteen dad kalena ku dhaawacmeen sidoo kalena kumannaan qoys ku barakec...

Ballaarinta Ka-qeybgalka Siyaasadda Soomaaliya 09.10.2023

Doorasho toos ah oo ay dadweynaha soo doortaan hoggaankooda heer federaal kama dhicin Soomaaliya. Kaa qeybgalka haweenka iyo guud ahaan bulshada ee arrimaha siyaasadeed ee muhiimka ah noloshoodana saameynta weyn ku leh ayaa xaddidan. Dhawaan Somali Public Agenda iyo Raagsan waxa ay la daabaceen Somali Dialogue Platform labo cilmibaaris oo lagu eegay heerka ka qeybgalka haweenka iyo guud ahaan buls...

Hiigsiga Qarni-jirka Soomaaliya ee 2060 20.08.2023

37 sano kadib, Soomaaliya waxaa u buuxsami doonto 100 sano oo dowladnimo ah. Dalka waxa uu xurnimo qaatay 63 sano kahor sanadkii 1960-kii. 30 sano oo ay dowlado rayid ah iyo mid militari dalka maamulayeen kadib, Soomaaliya waxa ay dowladdii ka burburtay sanadkii 1991. Dowladdii ugu horreysay ee aan kumeelgaar ahayn waxaa Muqdisho lagu dhisay sanadkii 2012. Waxaa madaxweyne ka noqday madaxweynaha h...

Puntland 25 sano kadib 02.08.2023

1-dii August 1998 ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay Puntland. Waxaa u buuxsantay 25 sano. Marxalado kala duwan ayay soo martay Puntland 25-taas sano oo ay shaqeyneysay. Sanadkii 2021 markii ugu horreysay ayay doorashooyin heer degmo  ah oo toos ah ka billowdeen 3 degmo oo katirsan Puntland.  Podcast-gan waxa ay Cali Xaaji Warsame oo wasiir waxbarasho kasoo noqday Puntland sidoo kalena isku sharraxa...

Sare-u-qaadista Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo Maamul Wanaagga Hay’adaha Dowladda Soomaaliya 15.07.2023

Dadaallo la xiriira la dagaallanka musuq maasuqa ayaa ka billowday Soomaaliya. Markii ugu horreysay baaritaanno fatash ah oo lagu sameeyay howlwadeenno katirsan dowladda ayaa bulshada lala wadaagay. Xubno katirsan dadka baaritaannada lagu sameeyay ayaa hadda xabsiyada ku jira halka qaar kale oo ka maqan dalkana looga yeeray Maxkamadda Gobolka Banaadir. Dadaalladan ayaa u muuqda kuwo bilow u ah sar...

Dib-u-habeynta Hay’adaha Dowladda Colaadaha Kadib 14.06.2023

Tan iyo burburkii dowladdii militariga sanadkii 1991, dowladnimada Soomaaliya geeddi-socod dheer ayay soo martay. 23 sano kadib markii dowladdii kumeelgaarka ah ee ugu horreysay lagu dhisay Djibouti, weli hay’adaha dowladda waa kuwo nugul, oo aan adeegyadii looga baahnaa qabanin.   Podcast-gan waxa ay Dr Axmed Cali Khayre iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan dhabbaha ay tahay in loo mari dib-u-habe...

Heshiiska Siyaasadeed ee Jubaland 01.06.2023

Tan iyo markii la yegleelay Jubaland, khilaafyo siyaasadeed iyo xaalado amni ayuu maamulka wajahayay. Muddo xileedka madaxweynaha ayaa hadda khilaaf siyaasadeed uu ka taagan yahay. Howlgallo amni oo la qorsheynayo in ay ka billowdaan deegaannada Jubaland ayaa sidoo kale jira.  Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeyneynaa nuxurka daraasad uu dhawaan daabaca...

Listen to the Maamul Wanaag podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.