Somali Public Agenda
Maamul Wanaag
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the core missions of Somali Public Agenda. Join Mahad Wasuge, SPA Executive Director, and his guests who will delve deep into governance issues in Somalia in the Maamul Wanaag podcast.
N'hésitez pas à visiter le site du podcast et à soutenir son créateur : somalipublicagenda.org
Auteur
Somali Public Agenda
Catégorie
Site du podcast
Dernier épisode
15 oct. 2026
Où écouter ?
Les podcasts dans l'appli Replaio Radio Bientôt disponibleLes podcasts arrivent très bientôt dans l'appli. Installe-la dès maintenant et découvre en avant-première une toute nouvelle façon de vivre les podcasts
Épisodes
Dowlad-dhiska, Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya: Caqabadaha iyo Fursadaha 15.10.2026 50:09
Tan iyo burburkii dowladdii dhexe, Soomaaliya waxay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo wejiyo kala duwan leh. Kaddib dadaallo badan oo dib-u-heshiisiin ah, waxaa Jamhuuriyadda Saddexaad lagu dhisay shirkii nabadda iyo dib-u-heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Rubuc qarni kaddib shirkaas, caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa bulsho ee Soomaaliya weli ma helin xal waara. Q...
Dowlad-dhiska, Nidaamka Federaalka iyo Xiriirka Dowladda Federaalka iyo Puntland 01.10.2026 53:18
Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya ayaa afartii sanaba mar gala marxalad doorasho oo xasaasi ah, taas oo u baahan in si miir-qab iyo masuuliyad leh loo maareeyo. Puntland, oo ah dowlad-goboleedkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ka dhismay, ayaa saddexdii muddo-xileed ee ugu dambeeyay soo bandhigtay tabashooyin la xiriira hannaanka loo marayo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya. Qaybta 81-aa...
Sida Baarlamaanku u Shaqeeyo & Sida Doorashadu u Soo Saari Karto Xildhibaanno Tayo Leh 20.09.2026 1:11:21
Waxaa socda dadaallo looga heshiinayo nooca doorasho ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee xiga. Waxaa jira saluug ah in doorashooyinkii dadbanaa ee hore aanay soo saarin xildhibaanno leh tayadii laga filayay. Su’aasha muhiimka ahi waxa ay tahay: sidee ayay noocyada doorasho ee laga wada hadlayo u abuuri karaan fursad lagu helo xildhibaanno leh tayada laga filayo? Calinuur Boodaaye waxa uu kami...
Gorfeyn: Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee 2026 14.09.2026 33:42
Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee 2026, oo uu Baarlamaanka Federaalka ansixiyay dhammaadkii 2025, ayaa gaareysa $1.39 bilyan. Inkastoo hiigsigu weli yahay “ku tiirsanaanta awooddeena dakhli”, 65% miisaaniyadda waxaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha, kuwaas oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kabka miisaaniyadda. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 35%. Qeybta 79-aad ee Maamul Wana...
Nooca Doorasho ee Golaha Midnimada, Doodaha Dhinacyada & Doorka Beesha Caalamka 05.08.2026 1:06:53
Bishii Luulyo, waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ka dhacay dhowr wareeg oo wada-hadallo heer farsamo ah oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka. Beesha caalamka ayaa ku lahayd door dhexdhexaadin. Dowladda Federaalka iyo saddex garab oo mucaarad ah—GolahaMustaqbalka, Golaha Midnimada, iyo Nabad & Nolol—ayaa soo bandhigay noocyada doorasho ee ay u arkaan inay ku habboon yihiin doorashada ba...
Doorasho Noocee Ah Ayaa Ku Habboon Soomaaliya Wakhtigan? 19.07.2026 1:07:05
Waxaa Muqdisho ka socda shirar dhexdhexaadin ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka federaalka Soomaaliya. Shirarradan, oo ay dhexdhexaadinayaan Turkiga, Mareykanka, Boqortooyada Midowday (UK), Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay, ayaa dowladda federaalka iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ku soo bandhigeen noocyada doorashooyinka ee ay kala doorbidayaan. Qeybta 77-aad ee Maamul Wanaag Podca...
Nooca Doorashada ee Nabad & Nolol iyo Wada-xaajoodyada Doorashooyinka Soomaaliya 16.07.2026 57:23
Bishan Luulyo, waxaa mar kale Muqdisho ka bilowday shirar heer farsamo ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka. Shirarkan waxaa garwadeen iyo dhexdhexaadiyeyaal ka ah beesha caalamka, gaar ahaan Turkiga, Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, iyo Qaramada Midoobay. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saddex kooxood oo mucaarad ah ayaa kulamadan ku soo bandhigay aragtidooda ku aaddan hannaanka d...
Qiimeyn: 66 Sano Kadib Xorriyadda – Halkee Maraysaa Dowladnimada Soomaaliya? 05.07.2026 1:37:08
Soomaaliya waxa ay u dabaaldegtay 66 sano-guuradii ka soo wareegtay markii ay xorriyadda ka qaadatay gumaystayaashii reer Yurub, isla markaana la aasaasay Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ee ugu horreysay. Sagaal sano kadib, taliskii militariga ayaa talada dalka la wareegay. Burburkii dowladdii dhexe kadib, Jamhuuriyadda Saddexaad ayaa dib loogu yagleelay Shirkii Carta ee dalka Jabuuti. Lixdan iyo lix...
Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka: Maxaa Ka Soo Bixi Kara? 18.06.2026 50:28
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad siyaasadeed oo adag. Muddadii afarta sano ahayd ee dowladda federaalka waxa ay ku ekayd 15-kii May 2026, balse ka hor inta aanu waqtigu dhammaan ayaa wax-ka-beddel lagu sameeyay dastuurka. Dastuurka cusub waxa uu muddo-xileedka hoggaanka dowladda ka dhigay 5 sano, waxa ayna madaxda dowladdu sheegeen in uu u harsan yahay hal sano. Mucaaradka waxa ay kasoo horj...
Dastuurka Federaalka Soomaaliya: Maxaa La Beddelay, Sideese Loo Ansixiyay? 10.06.2026 1:39:58
4-tii Maarso 2026, fadhi wadajir ah oo ay yeesheen labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu ansixiyay wax-ka-bedelka 11 cutub oo ka mid ah dastuurka kumeelgaarka ah, sidoo kale waxaa lagu ansixiyay wax-ka-beddelka saddex qodob oo ku jira cutubka 2-aad iyo saddex qodob oo ku jira cutubka 4-aad. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in la soo gaba...
Islaamka iyo Dowladnimada 26.05.2026 1:09:53
Dowladnimada casriga ah oo ay Soomaaliya lahayd tan iyo 1960-kii weli waa liiceysaa. Dad badan ayaa aaminsan in aan la is waafajinin dowladnimada, qabiilka & diinta. Soomaaliya oo ay dadkeedu yihiin Muslimiin 100% ayaa haddana ah dalka loo aqoonsan yahay in uu ugu musuqmaasuq badan yahay dunida. Maxaa hortaagan in la is waafajiyo diinta & dowladnimada? Qeybtan 72-aad ee Maamul Wanaag Podca...
Maareynta Kalaguurka: Dastuurka, Doorashooyinka & Dibadbaxyada 10.05.2026 1:03:37
Muddadii afarta sano ahayd ee la doortay baarlamaanka federaalka waa dhamaatay. Sidoo kale muddadii afarta sano ahayd ee Madaxweynaha ayaa dhamaaneysa 15-ka May ee sanadkan. Weli dhinacyada heshiis kuma aha sida loo maareynayo doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo heer federaal. Qeybtan 71-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xil. Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), oo ah mudane k...
Aragtida Dowladnimada 16.04.2026 1:20:26
Horraantii sanadkan ayaa la soo bandhigay buug cusub oo ciwaankiisu yahay “Aragtida Dowladnimada”(The Idea of a State). Buuggan waxaa qoray Xuseen Sheekh Cali oo labo jeer soo noqday Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena ah guddoomiyaha Machadka Saldhig. Qeybtan 70-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Xuseen Sheekh Cali, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka buu...
Wax-ka-beddelka Dastuurka iyo Maareynta Doorashooyinka Dalka 16.03.2026 47:00
Kadib burburkii shirkii u socday Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo Dowladda Federaalka, Baarlamaanka Federaalka ayaa dardargeliyay dhameystirka dib-u-eegista dastuurka. 4-tii Maarso ayuu Baarlamaanku u codeeyay 11 cutub, isagoo ku dhawaaqay in dib-u-eegistii dastuurka la soo gabagabeeyay. Afar maalmood kadib, Madaxweynaha ayaa saxiixay. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo shiray kahor a...
Rethinking Governance in Somalia: Evidence from Peace and Conflict Research 04.03.2026 1:00:16
State-building efforts in Somalia have faced persistent challenges for decades. In this episode, we speak with a leading researcher from the London School of Economics about the realities of governance in Somalia. Drawing on extensive fieldwork across the country and the conclusion of a second major research programme, we discuss how political authority is exercised, how local and national dynamic...
Mustaqbalka Howlgalka AUSSOM 19.02.2026 42:27
Howlgalka nabad-ilaalinta AUSSOM waxa uu Soomaaliya ka shaqeynayay tan iyo sanadkii 2007. Waa kid kamid ah howlgallada nabad ilaalin ee ugu wakhtiga dheer. Inkastoo ay jireen dadaallo kala duwan oo la doonayay in lagosoo afjarohowlgalka, weli waa shaqeynayaa. Howlgalka waa mid dalalkaMidowga Afrika ay ciidanka keeneen balse waajibaadkooda uuansixiyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Howlgalka...
Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dhacay 1954 ilaa 1969 09.02.2026 53:24
Soomaaliya waxa ay ku jirtaa marxalad doorasho. Dhawaan dadka ku nool Muqdisho ayaa qaarkood ka qeyb galay doorasho gole deegaan oo Muqdisho laga qabtay kadib muddo ka badan 55 sano. Maxaa casharro ah oo laga baran karaa doorashooyinkii dhacay kahor iyo kadib xornimadii dalka? Qeybtan 66-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & & Abukaate Maxamed Ciise Turunji, oo khabiir ku ah taarii...
Saameynta Aqoonsiga Israel ee Somaliland ku yeelan karo Somaliland, Soomaaliya & Gobolka 28.01.2026 52:08
Israel ayaa dhamaadkii 2025 aqoonsatay Somaliland. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacday warbixin gorfeyneysa sababaha loo maleyn karo in ay keeneen aqoonsiga, iyo saameynta uu ku yeelan karo Somaliland, Somalia & gobolka. Qeybtan 65-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge, ayaa Farxaan Isxaaq Yuusuf & Dr Aweis Ahmed, oo ka tirsan SPA islana qoray warbixinta, su’aalo ka weydiiyay n...
Hannaankii Midowga Gobollada Waqooyi iyo Koonfur & Dhismihii Jamhuuriyadda Soomaaliya (1960) 27.01.2026 34:13
Israel ayaa 25-kii Disembar 2025 aqoonsatay Somaliland. Doodda Somaliland 34-tii sano ee ugu dambeysay waxa ay ahayd in ay ahayd dal madax-banaani qaatay 26-kii Juun 1960-kii kahor inta aanu ku biirin Soomaaliya madax-bannaanidiisiina uu dib ula noqday. Su’aasha muhiimka ah ee iftiiminta u baahan waa sida uu ahaa midowga iyo hannaanka sharci ee loo maray. Qeybtan 64-aad ee Maamul Wanaag Podcast, M...
Nooca Dowladnimada Miyay Naga Baahday? Tirada Siyaasiyiinta iyo Baaxadda Hay'addaha Dowladda 22.12.2025 44:42
Wasiirkii hore ee Batroolka Soomaaliya oo hadda falanqeeya arrimaha siyaasadda iyo dowlad-dhiska Mohamed Mukhtar Ibrahim ayaa dhawaan qoray labo maqaal oo ka hadlaya metelaadda iyo baaxadda hay’adaha dowladda ee heer federal iyo heer dowlad-goboleed. Maqaalka koowaad wuxuu ugu magac daray “Ma u baahan nahay 999 wakiil, 8 Madaxweyne iyo 6 Madaxweyne ku Xigeen, 1 Raisul Wasaare, 2 Raisul Wasaare Ku...
Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta 03.12.2025 1:11:08
25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah...
Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran 06.11.2025 47:58
Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo...
Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya 29.10.2025 45:35
Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya. Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gor...
Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya 09.10.2025 1:14:03
25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti. 4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, o...
Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah 25.09.2025 48:53
Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Moh...
Podcasts similaires
Replaio n'est pas éditeur de podcasts ; les noms des émissions, les visuels et l'audio appartiennent à leurs auteurs et sont diffusés via des flux RSS publics