Fatumo & Sagal

Ladnaan Podcast

Kids EN ↓ 74 episodes

Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel that everything is so smooth, and the next that we are failing. But we want to assure you that being parent is not being perfect, there is no perfection in parenting, but being a good enough parenting. If you want to strive and better understand yourself as a parent and your child, this podcast series is for you. Get engaged with fruitful and practical tips that you can apply on your daily parent-child...

Author

Fatumo & Sagal

Category

Kids

Podcast website

www.buzzsprout.com

Latest episode

May 18, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

# 48: Sideey caruurteena ku sameeysan karaan saaxiib wanaagsan 07.07.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Su’aal aan anaga isweydiiney waalid badana ay is weydiinayaan ayaa ah sideey caruurteeba u sameeysan karaan saaxiib wanaagsan.  Saaxiibada muhiim ayeey u tahay caruurta, waxayna ka bartaan dad la dhaqanka, waxeeyna nooga baahan yihiin inaan hagno.  Waxaan isku dayeynaa inaan xalqadan kaga hadalno da’da kala gedisan iyo saameynta asaxaabta iyo sideey w...

# 47: Xusuus wanaagsan la samee caruurtaada 11.06.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadeena maanta waxeey ka hadleysaa sidaan xusuus wan wanaagsan ula sameeyn lahayn caruurteena, iyo muhiimada ay leedahay xusuusta wan wanaagsan in la isla sameeyo. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/wa...

# 46: Daryeel Bulsho - Wareysi aan la yeelanay Qoraaga Abdukadir A. Mursal 21.05.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalaqadeenaan waxaan wareeysi la yeelanay qoraaga buuga Daryeel Bulsho. Waa buug xambaarsan aqoon guud iyo wacyi galin ku saabsan caafimaadka maanka, anagoo ku xuseyna bisha May oo ah bisha caafimaadka maanka.   Abdukadir wuxuu xalqadani noogu sheegayaa talaabooyin ka hortrag ama ka daba tag xagga caafimaad xumida ku yimaada maanka.  Haddii aad dooney...

# 45: Bisha Ramadan iyo sidaan u kobcin lahayn qoyska 19.03.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadeenaan waxaan uga hadleynaa sidaan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo...

#44: Waa maxay Burn-out? Sideena looga hortagi karaa? 04.03.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalaqadeenaan waa xalqad ay dhageystayaal badan naga codsadeen inaan wax ka sheegno. Mawduuca maanta aan soo qaadaneyno waa Burn-out.  Waxaanu xalqadaan kaga hadleynaa calaamadaha lagu garto, marxaladaha kala duwan iyo waxaad ka qaban karto. Haddaba waxaan dhageystayaasheena xusuusineynaa in markaan calaamadaha sheegno kadib aysan bilaabin ineeysan di...

#43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta? 22.01.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin.  Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtub...

# 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga? 02.01.2023

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga? Heesta horudhaca iyo dhamaadka...

#41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir 04.12.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtu...

#40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir 13.11.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhage...

#39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 1 31.10.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono.  Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Ma...

#38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka 12.09.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka.  Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan...

# 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka 20.08.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! How to prepare children for the school start. Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtu...

# 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare 10.07.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay k...

Special episode: Guur & Gayaan 22.06.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: ladnaanpodcast@gmail.com Mawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Inst...

# 35: Wareysi aan la yeelanay Kaltun - kobcinta iyo koriinka caruurta da'da yar 31.05.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waxaynu qeybteenaan wareysanay Kaltun Abdulahi Guuleed oo ku taqasustay kobcinta iyo koriinka caruurta, qaasatan caruurta da'da yar. Waxay Kaltun nala wadaagtay sidaan caruurta u kobcin lahayn jir ahaan, maskaxiyan iyo shucuur ahaanba, iyadoo cilmigii maadiga iyo tii diinigaba dhinac walba ka eegtay. Heesta horudhaca waxaa iskaleh Maslax Mideeye....

#34: Aasaaska waalidnimada 08.05.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!  Waxaan horay xalqadeenii 3-aad uga hadalnay aasaaska tarbiyada oo aan ku tilmaamnay inay tahay:  Inaan soo saarno jiil kalsooni leh,  aamin ah, nafta xakamin kara, isku filan, jaceeyl u qaba waalidka iyo dadka kaleba.  Haddaba maanta waxaan dib ugu noqonaynaa xalqadaa oo aanu u gudagalno aasaaska tarbiyada.  Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan is...

# 33: Dhalinyarada iyo guurka - ma u baahan nahay inaan hagno? 15.02.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadan waxaanu ka hadli doonaa dhalinyarada iyo guurka.  Ma u baahan nahay inaan hagno? Hadeey nooga baahan yihiina, sideen u hagnaa iney lamaane ku haboon doortaan? Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/w...

#32: Dowrka waalidka uu ka cayaaro qayimka iyo mabda'a dhalinyarada 29.01.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Qeybteena waxaan kaga hadli doonaa  sida dhaliyaradan looga caawin lahaa inay fikradahooda iyo mabd’a khaas u ah ay u samysan karaan, adigoo aan fikradahaaga ku khasbayn. Haddaba sidee ayuu waalidka taa uga caawin karaa?  Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageey...

#31: Sideen ugu diyaarinaa nolosha ubadkeena dhalinyarada ah? 09.01.2022

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa taxano cusub ·  Oo aan  kaga hadli doonaa dhalinyarada markay soo gaadhaan d’ada 18-ilaa 24 oo ah da'da ay u gudbayaan nolosha dadka waaweyn.  Taasoo laga filayo masu’uuliyad, go’aan qaadasho iyo ineey xil isa saaraan. Waxaa dhalinyaradaani lasoo gudboonaado caqabado badan. Haddaba waalidnimadeena ma waxee...

#30: Maxaynu ka faa'iideysanay xalqadihii lasoo dhaafay? 26.12.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waxaanu hore uga hadalnay taxanihii lasoo dhaafay Isbadalka dabeecadaha iyo habdhaqanka ku yimaada ciyaalka da’da 13-18 jirka ay, iyo caafimaadkooda  maanka. Waxaanu waraysanay Asma oo psychologist ah iyo Hanna oo ah registered nurse kuna takhasustay caafimaadka maanka iyo dhimirka. Xalqadani waa gunnanadka taxanahaa aanu soo qaadanay iyo inaan faadum...

#29: Part 2 - Maandhaye & Maandhaqe - daaweynta & ka hortaga cudurada dhimirka iyo nafsiga 28.11.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Kusoo dhawaada qeybteena labaad ee maandhaye iyo maandhaqe. Hanna waxay qeytani nooga hadleysa daaweynta iyo ka hortaga. Waxay kaloo Hanna wax inooga sheegi doontaa dardaaran ay ugu tala gashay waalidiinta. Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo...

# 28: Part 1: Maan dhaye iyo maan dhaqe, maxaad ka taqaanaa? Dhageyso wareysiga aan la yeelanay Hanna 14.11.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Maxaad ka taqaanaa maan dhaye iyo maan dhaqe. Cudurada ku dhaca ama dhibaatooyinka ku yimaada maanka waxaynu u baahan nahay inaan kala garano, si aan ceebeynta iyo takoorka bulshadeena iyo dadkeenaba. Qeybtaan waa qeybta hore oo ay Hanna inoo kala dhig dhiigeeyso waxay ku kala gedisan yihiin maandhayaha iyo maandhaqaha.

#27: Dhalinyarada iyo caafimaadka maanka – wareysi aan la yeelanay Asma Dhamac 24.10.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waxaan xalqadeena kaga hadleynaa caafimaadka maanka iyo cudurada ku dhaca dhimirka/maanka ee dhalinyarada. Waxaan wareeysanahay Asma Dhamac oo ku taqasustay cilmi nafsiga, una ololeysa sida ay bulshada Soomaalida u fahmi lahaayeen caafimaadka iyo cudurada ku dhaca maanka. Waxay xalqadeena Asma kaga hadleysaa sideey dhalinyarada iyagana u ogaan lahaaye...

#26: Ubadku waa Amaano - dhageyso wareysiga aan la yeelanay Afrah Adan 10.10.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Xalqadeena waxaa marti noogu ah Afrah Adan oo nooga hadleysa howlaha ay qabato oo ku saabsan sida loo xoojin lahaa isku xirnaanta waalidka iyo ubadkiisa. Waa wareysi qalbigeena taabtay, Afrah nalama wadaageyso keliyo howlaha ay qabato, oo waxay nala wadaageysaa qibradaheeda waalidnimo. Heesta aan kusoo gabagabeyneyno xalqadeena waxaan kasoo qaadanay A...

#25: Isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah - Attachment between parent and adolescent 27.09.2021

Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid! Waa maxay isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah? mala arki karaa? mala dareemi karaa? Isku xirnaanta waa baahi ku abuuran waxwalbo oo noola ah qaasatan bini’aadamka. Waa mid ilaahay ku abuuray inuu u baahan yahay cidkale oo uu dareemo inuu ka tirsan yahay ama ku tiirsan yahay. Haddaba ka dhageyso qeybteenaan sida uu waalidka uu xoojin ka...

Listen to the Ladnaan Podcast podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.