Hodan Hilmi

Hab Fikirka Tarmuuska

Education SO ↓ 76 episodes

Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!

Author

Hodan Hilmi

Category

Education

Podcast website

hilhod143.podbean.com

Latest episode

Jul 9, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

SE2EP10: 5 Talo oo Kaa Caawinaya Xoojinta Ruuxda & Jidhka! 🤲✨ Fududee Ramadan-kaaga 06.03.2025

                                   Bismilaah Xalqaddan waxay ku saabsan tahay 5 talo oo sahlan oo kaa caawinaya inaad Ramadaanka uga faa’iidaysato si fudud, nafci badan, oo ajar badan leh. 🕌✨ Waxaan ka hadlaynaa sida aad uga faa'iidaysan karto neefsashada si ay kuu caawiso, niyad sax ah u dejisato dhammaan camalkaaga, isku dheelitirto cibaadada iyo nolol maalmeedka, iyo sida loo xakameeyo waqtig...

SE02EP9: La Fadhiiso Shamso & Fatush 🕌💫 Ramadaanka! 27.02.2025

                                   Bismilaah; Marti Gaara! 🎙️ Xalqadan cusub ee Ramadaanka, waxaan la fariisannay marti gaar ah: Shamso iyo Fatush! 🌙✨ Waxaan si qoto dheer uga hadalnay sida loogu diyaargaroobo bishan barakaysan, muhiimadda barashada Ilaahay 🕌, iyo sida ducadu uga dhigan tahay furaha barakada iyo dhabta nolosha 🤲. Waa sheeko xiiso leh, oo qoto dheer oo ka buuxaan talooyin qiimo...

SE02EP8: Xagee u Socotaa? – Hel Caddeyn iyo Jihayn Dhaba 🚀📍 (The mindset shift serie) 20.02.2025

                                      Bismilaah:  Xalqaddan waxa aynu ku lafagureynaa su’aasha muhiimka ah ee ah: Sidee ku ogaan kartaa waxa aad doonayso inaad noloshaada QABATO—hadday tahay shaqo, korriin shaqsiyadeed, ama horumar ruuxi ah? 🛤️✨. Waxaan kuu diyaarinay su’aalo xeel dheer oo kaa caawin doona inaad hesho caddeyn iyo jihayn sax ah, adiga oo si miyir leh u qorsheynaya mustaqbalkaaga....

SE2EP7 Ma' daciifnimaa Mise waa Awood? 💪✨ Sida Aad Uga Faa'iidaysan Karto Xaalad Walba. (The mindset shift) 13.02.2025

                     Bismilaah  Mararka qaar awooddeena dhabta ah waxay ku qarsoon tahay wax aan horey u u aaminay inay yihiin daciifnimadeenii! (Weaknesses)🎭✨ Qeybtan, waxaan ku qaadaa-dhigi-doonaa sheekada wiil yar iyo judo-ha waxa kala qabsaday,  muhiimadda ay leedahay in la barto hal xirfad, iyo sida aad u aqoonsan karto awoodaada qarsoon. Waa waqtigii aan aragtideena bedeli lahayn! 🚀 Dhaga...

SE2EP6 Fikirkaaga Bedel, Noloshaada Bedel: 🧠💡Taxane cusub "Isbeddelka Maskaxda" (The Mindset Shift) 06.02.2025

                            Bismilaah; Ku soo dhawoow qaybta lixaad oo ah bilowga taxanaha the mindset shift 'Isbeddelka Maskaxda' 🌟, halkaas oo aan ku sahminayno sida fikirkaaga u beddeli karo noloshaada. Maanta, waxaan falanqeyn doonaa oraahda caanka ah ee Henry Ford: 'Haddii aad aaminsan tahay inaad awooddo ama aadan awoodin, labadaba waad saxantahay.' 🤔 Waxaan sidoo kale wadaagi doonaa sheek...

SE2EP5: Fatush & Vision Board: Xaqiiqo Ka Dhig Yoolalkaaga! 🎯✨ 30.01.2025

                                       Bismilaah;  Marti Gaara! 🎙️ Xalqadan waxaan marti ku inoogu ah Fatush, martideennii ugu horreysay ee podcast-kan! 🎙️✨ Wada sheekaysigeenu wuxuu ku saabsan yahay Vision Board—sidii aad yoolalkaaga uga dhigi lahayd kuwo muuqda, la taaban karo, oo la gaari karo. 📌🎯 Ma isticmaashaa Vision Board? Mise sanadkan ayaad qorshaynaysaa inaad tijaabiso? 🤔✨ Dhagaysi...

SE02EP4 U Qorshee Sannadkaaga Hab Fudud: U Adeegso Quarterly Quest🎯✨ 23.01.2025

Bismilaah ; Sidee Ayaad U Qorsheyn Kartaa Sannad Guuleysta? 📆 Qaybtan isbuucan waxay ku saabsan tahay qorista iyo qorshaynta sannadka cusub. Waxaan kuu soo bandhigayaa qaaciddada "Quarterly Quest" – hab fudud oo aad sannadkaaga ugu qorshayn karto 100 maalmood. 🎯 Sadex waxyaabood oo muhiim ah oo aad sedexdii biloodba xoogga saarto ayaa kaa caawin doona inaad si cad u wajahdo himilooyinkaaga sanna...

SE2EP3 Maxaad Ka Baratay 2024? Dib U Milicsi iyo U Diyaargarowga 2025 16.01.2025

Bismilaah; Sidee buu 2024 kuu ahaa? 🤔✨ Qaybtan, waxaan kaga hadlaynaa muhiimadda dib u milicsiga sannadka, qiimaha shukrinta, iyo sida looga faa'iidaysan karo casharrada sannadka tegay si loogu bilaabo 2025 si firfircoon oo guul leh. 🎯💡 Dhagaysi wacan! 🎧📚

S2EP2: Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? 🌟❌✨ 09.01.2025

Bismilaah;  Hormarka nolosha isbeddel ayuu ku jiraa – markaad maqashid ereyga isbeddel, maxaa maskaxdaada kusoo dhaca?🎯 Aniga, "Ficil la'aan". ficil la'aan isbeddel ma imaanayo, laakiin marmarsiyooyinka ayaa inta badan na xannibaya. Qaybtan, waxaan kula wadaagi doonaa marmarsiyooyinkii iga hor istaagay inaan sameeyo podcast muddo dheer. 😅 Marmarsiyahaagu maxay kaa hor taagan yihiin? Maanta se di...

S2Ep1: Trailer (Hordhac) Kalfadhigii 2-aad: Fahamka Nafta iyo Isbeddelka Nolosha 02.01.2025

Bismilaah;  🔊 Allah subhanahu wa ta'ala wuxuu yiri: 'Ilaahay ma beddelo xaaladda qoom ilaa ay beddelaan waxa ku jira nafsaddooda.' (Qur’aanka 13:11) ✍️ Tani waxay ina xasuusinaysaa in isbeddelka dhabta ah uu ka bilaabmo gudaha. Qoraalku waa mid ka mid ah aaladaha ugu awoodda badan ee lagu ogaan karo waxa aan u baahanahay inaan beddelno si aan u gaarno qofka aan rabno inaan noqono. Ku soo dhawaaw...

SE01EP15 Macsalaamee 2024: U Dir Naftaada Hadyad Farxad Leh 26.12.2024

Bismilaah; Qamiista ugu dambaysay ee sannadkan 🗓️✨, waxaan warqad dhiirrigelin ah u qorannay nafteena mustaqbalka 💌. Warqaddan waxay noo tahay fursad aan ku sawiranno guusha 🌟 iyo qofnimada aan rabno inaan noqono sannadka soo socda, Insha Allah 🙏. Sidoo kale, waxaan kuu rajeynayaa sannad cusub oo barwaaqo leh 🌱✨, guulo faro badan oo kaa farxiya 😊🏆, iyo horumar joogto ah 📈. Ilaahayna waxaa...

SEO1EP14 Maxaa Go’aamiya in Lagu Guulaysto ama Lagu Guuldaraysto Caadooyinka Sannadka Cusub? 19.12.2024

Bismilaah;  Caawa waxaan ka hadlaynaa sababta caadooyinka qaar u hirgalaan halka kuwa kalena ay fashilmaan. 🕰️📉 Waxaan si gaar ah diiradda u saarnaynaa... Doorka wakhtiga uu qofku wax bilaabayo 🕒✨. Dhibaatada ka dhalata bilaw caado cusub oo niyad yari iyo sabab la’aan ku dheehan tahay 🚧😟. Sida aan uga faa’iidaysan karno bishan December iyo maalmaheeda ugu dambeeya si aan u gaadhno horumar waa...

SE01EP 13 Waa maxay Faa’iidada ‘Peak-End Rule’? Sida Loo Qaabeeyo sannad Guul iyo Xusuus Leh 2024 12.12.2024

Bismilaah; Qaybtan waxaan si qoto dheer uga hadlaynaa: Muhiimadda maalmaha ugu dambeeya 2024 🗓️ iyo sida looga faa’iidaysan karo. Shidaalka aan ka qaadan karno maalmahan yar ee haray, si aan si wanaagsan ugu qaabeeyno sannadka 2025 🌱🔥. Diyaar ma u tahay inaad sanadkan si xikmad leh u soo gabagabeyso? 💡 Ku soo biir ka miradhalinta maalmahan ugu dambeeya ee 2024! Dhagaysi wacan! 🎧  

SEO1EP12 Waa Maxay 3-da Waxyaabood oo Focus-keena Dila, Sideese Looga Hortagi Karaa? 🧠🚀 ( Casharadii November) 05.12.2024

Bismilaah; ✨ Maxaad Ka Baratay Bisha November? 🎯🚀 Qaybtan waxaan ka wada hadlaynaa: 🔍 3 caqabad oo si toos ah u dhaawaca diiradda saarida (focus) 🛡️ Sida aan uga hortagi karno caqabadahaas si aan u joogtayno guulaha 🎙️ Casharadii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday bishii November Maxaa adigu bishan ka baratay? 💭 Igula wadaag Instagram-ka cusub ee Podcast-ka: @Hab Fikirka Tarmuuska Podcast 📲...

SE01EP11 Sidee Loo Qori Karaa Qorshe Usbuuc oo Wax-ku-Ool ah? 🗓️ Mar Kale iyo Ila Qor part 05: Jadwalka Usbuuca 📋 28.11.2024

Qaybtan waxaan ku faaqidnay: ✅ 5 qodob oo muhiim ka dhigaya qorista jadwalka usbuuca ❓ 5 su’aalood oo kaa caawinaya inaad qorto jadwal fudud oo waxtar leh 🔍 Qiimaynta loo baahan yahay si loo ogaado wixii hagaagay iyo wixii u baahan in la toosiyo Maxaad adigu adeegsataa si aad u maarayso hawlaha kuu yaalla usbuuca? 🤔🖊️ Dhagaysi wacan! 🎧✨

SE01EP10 Waa maxay saddexda caqabadood oo riyooyinka naga hor istaaga? 🚫🌟🛑 21.11.2024

                                  Bismilaah;  Caawa waxaan podcast-ka kaga hadlaynaa: Saddex sababood oo naga hor istaaga riyooyinkeena ⛔🛑🚪 🌟, saddex waxyaabood oo ay tahay inaan carruurta uga dayano 👶✨, iyo su’aal xiiso leh oo dib kuugu celinaysa xusuusta carruurnimadaadii 🎠. Dhagaysi wacan! 🎧💡

SE01EP09 Sideen Maalinteena Uga Dhignaa Mid Micno Leh oo Guul Ku Dhammaata? (Ila Qor part 04) 14.11.2024

Bismilaah; Qaybtan waxaan ku wada ogaan doonaa su’aalo hagaya qofka si uu naftiisa u iftiimiyo, una fahmo waxa runtii mudan in uu xoogga saaro maalintiisa 🌅📝. Ma jiraan su’aalo gaar ah oo aad is leedahay waa muhiim in la isweydiiyo si maskaxdu ugu iftiimiso yoolalkeeda? 🤔✨ Halkan waxaan ku wadaagi doonaa labo su’aalood oo ay habboon tahay inaan u fariisanno, si ay nooga caawiyaan inaan si qoto...

SE01EP08 Waa maxay saddexda cashar ee aan bisha Oktoobar ka bartay? 07.11.2024

Bismilaah; Sida xilli-roobaadka 🌧️, jiilaalka ❄️, iyo xagaaga 🌞, ayuu qofkuna wuxuu leeyahay xilliyo uu ku jiro heerar kala duwan oo nafeed. Maaddaama aan ku guda jiro "season-ka" barashada Ilaahay 🌿, qaybtan waxaan kula wadaagi doonaa saddex ka mid ah casharadii ugu qiimaha badnaa ee aan ka bartay bishii Oktoobar 🌌✨. Intaa waxaa sii dheer, waxaan ku faaqidi doonaa qiso MRI oo xiiso ii lahayd...

SE01EP07 Sida loo qoro dib-u-eegista bisha (Monthly review) Ila Qor part 03 31.10.2024

Bismilaah;  Qaybta 7-aad ee podcast-keena, waxaan ku falanqeyn doonaa dib-u-eegista bishii tagtay 📅✨. Waxaan dhex mari doonnaa 9 su'aalood oo milicsiga bisha ah 🧐 iyo 3 su’aalood oo la xiriira qorshaynta bisha soo socota 📝. Bisha Oktoobar, ha moogaan inaad dib u milicsato dareenka iyo xaaladaha kuu gaarka ah, si aad u fahamto oo u kobciso naftaada. Su’aashu waa: ma lagama maarmaan baa in bil k...

SE01EP06 Labo Sababood Dartood U Qor! 24.10.2024

Qaybta 6-aad waxaan kaga hadlaynaa "Haddii aan nala xasuusin, xasuusan mayno" 🤔💭. Qaybtan, waxaan falanqeyn doonaa labo sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan u qorno fikradaha iyo xusuusta 📚✍️. Sidoo kale, waxaan ku qaadaa dhigaynaa labo tusaale oo shaqsi ah oo na tusinaya in aan wax ilowno, balse Allah iloobin, iyo sida dhiirigalin ugu jirto waxa aan horay u qornay 🌟📝. Dhagaysi wacan! 🎧...

SE01EP05 : Waa maxay faa'iidooyinka qorista fikirrada subaxdii? (Morning Thoughts) Ila Qor Part 02 17.10.2024

Qaybtan 5-aad ee podcast-keena, waxaan kaga hadlaynaa muhiimada qoraalka fikirrada subaxnimo (Morning thoughts) 🌅📝. Sidoo kale, waxaan dul istaagaynaa khasaaraha ka dhalan kara marka aan la qorin fikradahaas—mid dhaqaale 💸 iyo mid nafba leh 💔. Maxaa looga jeedaa "shabeelka" 🐆 aan iska ilaalinayno, iyo "faraska" 🐎 aan daajinayno? Jawaabahaas iyo kuwo kale oo badan ayaad ka heli doontaa qaybta...

SE01EP04: Waa Maxay FutureMe? Maxayse kaa caawinaysaa? Ila Qor part 01 11.10.2024

Qaybtan 1.aad ee 'Ila Qor' waxaan uga hadleynaa waxa aan qorayno, halka aan ku qorayno, iyo sababta muhiimka ah ee ka dambeysa ku qorida Futureme. 🤔 Waa safar lagu ogaanayo sida xusuusta iyo qoraalku isugu xidhan yihiin, oo aan dib ugu milicsaneyno waxa nolosha mid xasuus mudan ka dhigaya. 🤔 Dhagaysi wacan!😊

SE01EP03: Qoraalka iyo Qalinka: Afar Qodob Oo Muhiim Ah. 09.10.2024

Bismilaah; Kahor intaanan bilaabin qoraalkeenii ugu horreeyay, waxaan qaybtan ku xusnay qayb ka mid ah awoodda qalinka iyo muhiimadda uu leeyahay. Sidoo kale, waxaan kula wadaagay afar sababood oo muhiim ah oo ay tahay in aan qoraallo u qorno.  😊✨ Dhagaysi wacan! 

SE01EP02 : Waa maxay 4 Caadooyin oo Naga Hortaagan Isbeddelka! 06.10.2024

Bismilaah; Hab fikirkee ayay adiga kula tahay inuu noqon karo caqabadda ugu weyn ee qof ka hor istaagi karta inuu isbeddel ama horumar sameeyo? Qaybtan 2-aad waxaan maanta ku falanqeynaynaa 4 qodob oo qofka u diida inuu tallaabo qaado si uu isbeddel u sameeyo. Nasiib wanaag, waa wax la bedeli karo haddii qofku uu habka fikirkiisa kaliya beddelo.  Dhagaysi wacan!  😊

SE01EP01: Gogoldhig /Is barasho /Why Hab fikirka Tarmuuska? 02.10.2024

Bismilaah; Xalqadan 1.aad waxay gogoldhig u tahay xalqadaha kale oo soo socda, sidoo kale waxay sawir kaa siinaysa sababta Podcast-ga "Hab Fikirka Tarmuuska" luugu magac daray (Hadaba ila dhagayso 3.dexda shaqsi ee aadanuhu u kala baxo, labo waan iska ilaalin doonaa inaan noqono , halka aan hal ka mid ahna ku dedaali doono noqoshadiisa). Sidoo kale wax ka ogoow xalqadaha soo socda waxay xambaarsan...

Listen to the Hab Fikirka Tarmuuska podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.