Hodan Hilmi

Hab Fikirka Tarmuuska

Education SO ↓ 76 episodes

Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!

Author

Hodan Hilmi

Category

Education

Podcast website

hilhod143.podbean.com

Latest episode

Jul 9, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

🎬🎙️ Season 4 Trailer | Dhugatayee Maxaad Dhigi 🕊️📜 02.10.2025

                              Bismilaah;  🎙️ Season 4 Trailer; Waa waqtigii aan dib u xusuusanlahyn wixii aan qornay, aan sharafno qaybaha wanaagsan ee na sameeyey, iyo aan geesinimo u yeelanno inaan dib u qorno wixii aan noo adeegayn. 🌍✨ Dhaqanku waa awood, wuu na qaabeeyaa, laakiin waa aan anagu Qorno.  🪔📜 Hadda qalin adiga ayuu gacantaada ku jira. Maxaad u gudbin doontaa carruurta iyo jiila...

SE03EP16 Final Ep : Dhimashadu ma dhammaad baa? ❓ – Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga? 25.09.2025

                             Bismilaah; Qaybtan waxaan ka sheekeynayaa sida ubaxu u dhasho, u koro, u qurux bato, ugu dambeyntiina u engego. 🌸 Laakiin… ma halkaas baa sheekadu ku dhammaataa? Waxaan ku milicsanay nolosha bini’aadamka, marxaladaha kala duwan ee aan soo marno, iyo runta weyn ee dhimashadu in aysan ahayn dhammaadka , balse ay tahay bilow cusub, Akhira. 🌙✨ Mahadsanid inaad ila soo s...

SE03EP15: Deegaanka miyaa go'aamiya horumarka? 🌍🌱| Ma Fiyoorahaa Mise Waa Fikirkayga 18.09.2025

                              Bismilaah; Ubaxa Lotus wuxuu ku dhashaa dhoobo iyo biyo wasakh ah, haddana wuxuu noqdaa mid ka mid ah ubaxyada ugu quruxda badan adduunka. 🎋 Casharka? Waxaa jira qurux iyo awood gudahaada ah, xitaa haddii deegaankaagu adag yahay. 💪🏽✨ Qeybtan waxaan ku baran doonaa sida fikradahaaga iyo waxa aad quudiso maskaxdaada ay u qaabeeyaan noloshaada. Iyo sida aad ugu abuur...

SE03EP14: Qof kastaa wuxuu leeyahay Socod u gaar ah, waa kee socodkaagu?🚶🏾‍♀️🧕🏾🐌🐜 | Mindset Shift 11.09.2025

                                 Bismilaah; 🐌✨ Qaybtan cusub ee Mindset Shift waxa aan daaha ka qaadeynaa casharro qoto dheer oo laga barto Cali_Dhareerowga (sluga) gaabiska. Maxaa yeelay, noloshu mar walba degdeg ma aha. Quraanjadu waxay na bartaan xawaare iyo wadajir, halka slugu uu na baro dulqaad iyo Adkaysi. 👉 Haddaba, sidee ayay u dhici kartaa in waxa aad u aragto daciifnimo ay dhab ahaan...

SE03ep13: Caqabadaada kaliya waa TELEFOONKA! 04.09.2025

                           Bismilaah Xalqadaan waxaa igu wehliya Fatush iyo Iftin, waxayna wax badan naga yiraahdeen Teleefonka , Scroll-ka, dhibaatadiisa, iyo waxa aan ku xalin karno. Dhagaysi Wacan!

SE03EP12: Noqo Mashquul, Mugdi Ha Ku Qaadan Dayrta /Autumn 🍂 28.08.2025

                                     Bismilaah;  Dayrta iyo mugdiga jiilaalka ha ka baqin! 😌✨ Baro sida loo ga hortago murugada aan dhicin, loo helo farxad, iyo sida maskaxda loo beddelo si xilliga dayrta ay kuu gu noqdo mid wax soo saar leh. 🌟 3 talooyin fudud: diiradda saar, kuwaan soo socda! 🍁💪  

SE03EP11: Ma adigaa haya hoggaanka noloshaada 🚀 mise kuwani? 🤔💭😟⏳ 21.08.2025

                             Bismilaah; ✨ Qaybtan waxaan ka hadleynaa khatarta ugu weyn ee aan badanaa iska indha tirno: wax samayn la'aan (Doing nothing) . Mararka qaar nasashada ujeeddo leh 🧘‍♂️ waxay nolosha keentaa degenaansho, balse marka fikir badan 💭, cabsi 😟 iyo dib u dhigista ⏳ ay xukunka qabsadaan , waxaad ku dambayn doonaa waxba qabanin. Haddaba, ma adigaa haya hoggaanka noloshaada...

SE03EP10: 🌸 Quruxda Kala Duwanaanta 🌸(Ma fiyoorahaa mise waa Fikirkayga) 17.07.2025

Bismilaah; Episode-kan waxaan ku eegaynaa sida dunida ubaxyadu inoogu barayaan casharro muhiim ah 🌼. Midabyo kala duwan, udug kala duwan, iyo xilliyo kala duwan, dhammaantood waxay ka tarjumayaan kala duwanaanta bani’aadamka 🌍. Quruxdu ma ku jirtaa isku ekaanshaha? Maya! Quruxdu waxay ku jirtaa kala duwanaanta, fahamka, iyo aqbalaadda. 🫶✨ Dhagaysi wacan!    

SE03EP9: Hordhaca taxanaha "Ma fiyoorahaa mise waa fikirkayga?" 13.07.2025

                                 Bismilaah; 🎙️ Qeybtan hordhaca ah ee taxanaha cusub, waxaan si tartiib ah ugu guda galeynaa ka faa’iidaysiga ubaxa 🌸 iyo halka uu nolosheena ka shabaho. Muxuu adigu ku xasuusiyaa ubaxu? 🌷💭 Qurux? Xilli roobaad? Xasillooni? Mise wax kale? FG: Arrimo farsamo dartood ayay xalqadan dib u dhac ku yimid. Sida caadiga ah waa la soo gelin lahaa Khamiista. Mahadsanid dul...

SE03EP8: Markii Aan Dib Isu Eegay… 90-kii Labaad ee 2025-ka! 03.07.2025

                            Bismilaah; Qaybtan cusub ee podcast-ka, waxaan milicsanayaa 90-kii maalmood ee labaad ee sannadka 2025. Wixii aan ku guuleystay, meelaha aan ku liitay, iyo halkii aan ka qaldamay. Waxaa intaas dheer, waxaan dib u eegayaa sida stress-ku uu uga yimaado waxyaabaha aan dayacno, iyo sababta ay muhiim u tahay in aan mar walba dib isu toosinno, jihadeenna saxno, kuna talaabsan...

SE03EP7: Capture It, Before It Fades ⏳✍️ 26.06.2025

                                 Bismilaah; ⚠️📢Shanqadh ayaa ka yeeraysa qaybo ka mid ah xalqadan🔊 Waad ku mahadsantahay samirkaaga iyo sida aad mar kasta ii dhagaysato ❤️. Qaybtan 📖 waxaan ku eegaynaa sida xusuustu 🧠 ay daciif u tahay, una libdho 🫥, iyo muhiimadda ay leedahay in la qoro ✍️ si aan dib ugu laabanno waqtiyadaas 🕰️. 📸✨

SE03EP6: Marka Maskaxdu Buuxsanto… Dhaqaaq! 🚶‍♀️🌀 19.06.2025

                            Bismilaah; 🌿 Dabeecadda oo dhan way socotaa  ☀️🌙🌬️☁️ Maalinta, habeenka, cirka, dabaysha. Inaguna sideen u dhaqaaqnaa jir ahaan 💪, dareen ahaan 💭, iyo ruux ahaanba 🕊️? 🎧 Qaybtan waxaan ku eegaynaa muhiimada dhaqaaqa si aan u helno caddayn nolosheenna ah. Dhagaysi wacan! 🎙️✨

SE03EP5: Roobku muxuu ku xasuusiyaa? 🌧️🪷💭☔️ 12.06.2025

                              Bismilaah; Roobku waa raxmad ☔️, waa xasuus 💭, waa bilow cusub 🌱. Qaybtan cusub ee 🎙️ podcast-ka, waxaan ka hadlaynaa sida roobku inoo xasuusin karo imaan 🕌, rajo iyo nafis.  Mararka qaar qalbigeennu wuxuu noqdaa sida dhul qallalan oo kale 😔 laakiin roobka raxmadda Ilaahay 🤲🏽 ayaa soo da’a, qalbigana dib ayuu u noolaadaa 💚. Dhageyso ➡️ Ka fakir ➡️ Na La wadaag...

SE03EP4: Wareeji Qalinka,✍️Dhaqaaji Maskaxda🧠 Sirta Tijaabinta Xirfadaha 🔓Cusub 29.05.2025

                                 Bismilaah; Ma ogtahay in barashada hal xirfad cusub ay u shaqeyso maskaxdaada sida jimicsi ugu yahay jirkaaga? 🏋️‍♂️ Soo ogow faa'iidooyinka qarsoon ee lagu furfuro maskaxda—iyo sababta ay muhiim u tahay in mar walba aad is tijaabiso 🔍

SE03EP3: Xagee ayaad maanta joogtaa? 🌊🦆 22.05.2025

                              Bismilaah; Xagee ayaad maanta joogtaa? Mararka qaar, waxaan u ekaan karnaa kuwo deggan ama xasilloon , laakiin gudaha waxaa ka socda dadaal, korriin iyo isku day. Qeybtan waxaan uga sheekeynayaa mallard-ka, geedaha, iyo buugaagtii aan akhriyey, iyo sida ay noo tusinayaan in dadaalka qarsoon uu ugu dambeyn keeno midho. 🎧🌱🦆 Dhageyso si aad u xasuusato, in dhaqaaq kas...

SE03EP2: Dib u soo kabashadu ma dib u dhacbaa mise? 🍂➡️🌼 15.05.2025

                                  Bismilaah; Haddii aad dareentay daal, hoos u dhac, ama waqti aan xasilloonayn,  waa caadi. Dib u soo kabashadaadu waa qeyb ka mid ah safarka. Waa astaanta ubax cusub oo soo bixi doona. Xilli walba wuxuu leeyahay saameyn, geed walbana wuu xasuustaa qabowgii uu ka soo gudbay. Qeybtan, waxaan ka hadlaynaa sida dabeecaddu noogu noqoto muraayad.  Haddii geedaha ay mark...

SEO3EP1: Waxa Kaa Agdhow Ma Aragtaa?🌿☀️👀 (Theme intro) 08.05.2025

                                Bismilaah; Ku soo dhawaaw kalfadhigan saddexaad, kaas oo kaliya naga codsanayaa hal shay: in aan is-joojino 🌿, eegno 👀, oo aan dareenno 🤲🏽. Waayo markaad aamusto 🤫, waxaad maqashaa codad kale, biyo dhaqaaqaya 💧, dabeyl 💨, iyo qalbigaaga ♥️. Qeybtan, waxaan bilaabaynaa safar cusub 🚶🏽‍♀️🛤️ oo ku saabsan fahamka 🧠, fiirsashada 🌸, iyo koboca gudaha 🌱  

SE03: Hordhac (Trailer) Kalfadhigii 3-aad: Fahamka Abuurka Alle iyo ka ficil qaadashadiisa! 01.05.2025

                            Bismilaah;  Xilli cusub oo degganaan iyo ubax ah ayaa bilowday. 🌸 - Marka nafta waan xaadiri doonaa, waan u fiirsan doona 🌿 - Sheekooyin ka imanaya Abuurka Alle sida, ubax, geedaha iyo xayawaanada,  iyo qoraal kaa caawinaya inaad is fahamto. ✍️ Ku soo dhawoow Season-ka 3aad.✨  

Best of Season 2 ✨🧠💭⚡✍️ 24.04.2025

                            Bismilaah; Qeybtan dib u eegista ah waxaan ka soo xulnay dhawr cashar oo Season 2 ka mid ahaa, kuwaas oo si qoto dheer u taabtay: 🧠 Maskaxda & rumaynta nafta ✨ Awoodda lagu gaaro yoolal (Dua Board) 🌟 Quruxda ku jirta inaad adigu ahaato (Duwanaashadaadu waa awood) ⚡ Iyo sababta aan uga baqno ficilka Haddii aad rabto inaad dib u eegto safarka fikirka & koritaa...

SE02EP16: Saddexdan Qodob Ayaa Hab-Fikirkayga Bedelay – Season 2 (Final episode) 17.04.2025

                              Bismilaah Sidee ayay 16-ka qeyb ee Season 2 u beddeleen fikirkeyga, nolosheyda, iyo ducadeeydaba? 🧠✨ Qeybtaan waxaan kula wadaagayaa 3 qodob oo noloshayda si gaar ah u taabtay, iyo sida aad adiguna ficil uga dhigi karto. Waxaa intaa dheer: wax yar oo kuu iftiiminaya waxa ku sugaya toddobaadyada soo socda. Waa gunaanad, waa xasuus… waa bilow cusub! 🌙🚀

SE02EP15: Ma Dooneysaa Inaad 90 Maalmood Is Beddel Ku Samayso? 🌱 10.04.2025

                      Bismilaah; Ma ogtahay in 90 maalmood oo kaliya aad ku beddeli karto maskaxdaada, jirkaaga, iyo ruuxdaada? 🎯 Qaybtan waxaan ku qaadaa dhigaynaa:  🧠 Hal wax oo maskaxdaada kobcinaya 💪 Hal ficil oo jirkaaga xoojinaya 🕊️ Hal tallaabo oo ruuxaaga sare u qaadaysa ✨ Haddii aad rabto in 90-ka maalmood ee foodda inagu soo haya ay noqdaan kuwii ugu qiimaha badnaa,  halkii saxda aha...

SE02EP14: Adiga Aan Weli Dhiirranin (The You That Hasn’t Been Brave Yet) The Mindset shift serie 03.04.2025

                            Bismilaah; 90-kii maalmood ee ugu horreeyey 2025 waa dhammaadeen. Siduu ahaay safarkaagii? Maxaad Haleeshay? Maxaad seegtay? ⏳🤔 🔹 Ma ogtahay in qayb cusub ay kugu jirto, balse u baahan inaad soo saarto? 🚀 🔹 Ha noqon qof aasa qayb asaga ka mid ah. Baro, tijaabi, oo hel qaybta adiga kaa maqan! 🔥 Dhagaysi wacan!     

SE02EP13: Ku Sagooti Su’aashan Ramadaanka 1446/2025! ✨ 27.03.2025

                              Bismilaah; Qaybtan waxaan diiradda saaraynaa sagootinta Ramadaanka 2025 si qoto dheer oo xusuus mudan. 🕌✨ Waxan halkan qaada dhignay saddex su’aalood oo kaa caawinaya inaad ka tagto qayb ka mid ah naftaada sannadkan, si aad sanadaha dambe dib ugu milicsato Ramadaankan gaarka ah. Ma doonaysaa inaad ka tagto xusuus kaa farxisa marka aad dib u jaleecdo? Hadba Ila qor🎤...

SE02EP12 Ducadaada Weynee! Ha Seegin 10-ka Habeen ee Ugu Khayrka Badan 🌙🤲🏽 20.03.2025

                                    Bismilaah; 10-ka habeen ee ugu fadliga badan waa nala soo gaadhay! 🌙✨ Xalqadan gaaban, waxaan ka hadli doonaa muhiimadda ducada iyo sida aan uga faa’iidaysan karno fursadan gaarka ah. 🤲🏽💫 Ha moogan!

SE02EP11 Marti Gaara:Iftin! Jimicsiga & Ramadaanka Maxay Wadaagaan? 🎙️🏋🏽 13.03.2025

                                 Bismilaah;  Ramadaan & Workout! 🌙🏋️‍♂️ Ma la jaanqaadi kartaa jimicsiga inta lagu jiro soonka? Xalqaddan, waxaan la falanqeyn doonaa marti khibrad leh si aan uga faa’iidaysano Ramadaanka si aan u dhaqaaqno! Dhagayso si aad u ogaato sida Ramadaanka iyo jimicsigu iskula jaanqaadi karaan! 🎙️✨

Listen to the Hab Fikirka Tarmuuska podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.