Hodan Hilmi
Hab Fikirka Tarmuuska
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa sida loo abuuro caado qoraal, meesha iyo waxa aad qorayso, iyo sida ugu habboon ee loo qoro. Intaa waxaa dheer, talooyin iyo fikirro ku saabsan horumarinta hab-fikir toosan, kaas oo ah furaha horumarka iyo guusha nolosha. Soo dhawaaw!
Author
Hodan Hilmi
Category
Podcast website
Latest episode
Jul 9, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
SE05ep8: Waa Maxay HYROX? ❓🏃♀️| My Summer Challenge 09.07.2026 37:06
Bismilaah; Maxaa iga soo jiitay HYROX, maxaanse ka bartay daawashadii Tartanka Adduunka ee Stockholm? Qeybtan waxaan kula wadaagayaa 5 cashar oo aan ka qaatay daawashada HYROX World Championship iyo sababta aan HYROX uga dhigtay Tijaabintayda xagaagan. ☀️💪 Dhagaysi Wacan!
SE05ep7: The Art of Noticing 👀 | Safar! 04.06.2026 31:16
Bismilaah; Halkan waxaan caawa ku lafo guraynaa Sida feejignaantu u abuurto fursado iyo sababta ficilku uga dhigo fursadahaas kuwo Macno leh. Dhagaysi Wacan!
SE05ep6: Duqowgu ma da’daa mise waa damiirka? | Safar! 28.05.2026 49:41
Bismilaah; Ku soo dhawaaw Safar, aan caawa Jawaab ugu raadinayno su aasha ah "Sabab ayay nuugu adag tahy inaan tijaabino, ku dhiirano oon barano, sidoo kalena ka mira dhalino wax kasta oon doono?"
SE5ep5: Ma Shaahaa Mise Waa Sheeko Kale? | Safar! 14.05.2026 33:26
Bismilaah; Qaybtan Waxaan kaga sheekaynaynaa caadooyin, Xasuus, iyo Sida qalbigu mararka qaar ugu dheggan yahay wax ka qoto dheer inta aan is leenahay ama aragno. Dhagaysi Wacan!
SE05ep4: Mushkiladdu ma teleefankaa mise weligeed ayay jirtay? | Safar! 07.05.2026 43:21
Bismilaah; Isku soo noqod wanaagsan dhamaan akhyaarta ku xiran Hab Fikirka Tarmuuska. Halkaan ka dhagaysi sheeko 130 sanno jirto, oo ka dheeho muhiimada Safarka adigoo u dhex maraya Qoraal iyo Akhris. Dhagaysi wacan!
SE05ep3: Sidee Ayaad Naftaada Ula Hadashaa? (6 Su’aalood oo Kuu Caddeynaya) 03.04.2026 30:31
Inta badan waxaan diiradda saarnaa sida aan ula hadalno dadka kale, laakiin marar yar ayaan is weydiinnaa: sidee ayaan nafteena ula hadalnaa? Qeybtan, waxaan kula wadaagayaa 6 su’aalood oo fudud oo kaa caawinaya fahamka dareenkaaga, caddeynta fikirkaaga, iyo inaad si wanaagsan u hadasho—adigoo naftaada ka bilaabaya. Dhageysi wacan!
SE05ep2: Some things are not Taught, they are Caught | Safar! 12.03.2026 24:27
Bismilaah; Xalqadan waxaan kaga hadlaynaa farqiga u dhexeeya The passive mind vs The observant Mind iyo mida ay tahay in aan ku dedaalno. Dhagaysi Wacan!
SE05ep1: Hal caado oo aan qasab kugu ahayn — balse noloshaada dhisaysa | Marti: Abdikafi | Safar! 26.02.2026 49:25
Bismilaah; Marti cusub! Horumarka dhabta ah ma aha inaad hal habeen guusha gaarto, ee waa inaad ogaato jihada saxda ah. U dabaalato dhanka hirku kaa xigo si aad si fudud, joogto ah, oo fog u gaarto meesha aad rabto. 🌊📚
Season 5 Trailer | Safar! 19.02.2026 2:55
Bismilaah; Waa markale iyo kalkii 5.aad, kaalay oo safarkan cusub ka qayb qaado!
SE04: Final ep: Haddii Aadan Ogeyn Waxa Aad Raadineyso, Wax Qaldan Ayaad Ku Mashquuleysaa | Dhugatayee, Maxaad dhigi! 12.02.2026 19:55
Bismilaah; Haddii aadan ogeyn waxa aad raadineyso, waxaad ku mashquuli kartaa wax aan ku dhisayn. Qaybtan waa gunaanad ku saabsan jihada toosan, su'aalo sax ah, iyo shaqada gudaha ka hor inta aan wax dibadda laga beddelin. Dhagaysi wacan!
SE04ep15: Sidee tahay? Ma Is waydiisay? 29.01.2026 16:26
Bismilaah; Saakana waa su'aale , sidee tahay?
SE04ep14: Ma Akhrinta ayaa ku bedesha Mise Waxa aad akhrido? 22.01.2026 18:28
Bismilaah; Sanad walba waa nala yiraahdaa wax badan akhri, balse nalama baro sida si fiican wax loo akhriyo. Qaybtan, waxaan kula wadaagayaa isbeddelkii aan sameeyay 2025: ka guurista akhris aan ujeeddo lahayn una guuray akhris leh niyad iyo himilo. Waa milicsi ku saabsan buugaagta, aqoonsiga, iimaanka, iyo sababta waxaad akhrido ay uga muhiimsan tahay inta aad ak...
SE04ep13: Takooridda Aan Ka Aamusanahay: Bulshada Soomaaliyeed 🪞🧠🖤 With Shamso Ahmed ┃ Dhugatayee Maxaad Dhigi! 15.01.2026 33:08
Bismilaah; Takooriddu mar walba kama timaaddo dibadda — mararka qaarkood waxay ka dhex jirtaa bulshadeenna. 🪞 Qaybtan, waxaan si toos ah u eegaynaa sida kala soociddu uga muuqato dhexdeena: qabiil, midabka maqaarka, xaaladda caafimaad, iyo aragtiyo nololeed oo kala duwan. 🧠 Ma aha in cid kale la eedeeyo ee waa in qof walba is weydiiyo su’aasha adag: anigu xaggee ayaan...
SE04ep12: Waxaad Rumaysato Ayaad Noqotaa 🧠✨ 08.01.2026 12:25
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨.
SE04ep11: Yaysan Kuu Raacin 2026 Caadooyinkii Ku Dilay 2025! 25.12.2025 18:39
Bismilaah; Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025. Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026. Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban.
SE04ep10: Maxay Noogu Adagtahay inaan dhahno "Waan ku jeclahay?" with Abdullahi | Dhugatayee, Maxaad Dhigi! 18.12.2025 42:51
Bismilaah; Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago. Dhagaysi Wacan!
SE04ep9: 5-ta Nooc ee Kalsoonida, Midkee ayaa xoojin kaaga baahan? | Dhugatayee Maxaad Dhigi! 11.12.2025 35:52
Bismilaah; Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨ Halkan ka dhagayso!
SE04ep8: The Final 5 Weeks oo Go’aamiya Guusha Sannadka! 04.12.2025 16:50
Bismilaah; Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn. Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah. Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday; Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "wa...
SE04EP7: Kan ilaasho, Kana Tuur! With Fadumo Hasan | Dhugatayee Maxaad Dhigi! 20.11.2025 36:54
Bisilaah; Qaybtan waxaan la fariistay Jacayl badan u haya dhaqanka Soomaaliyeed. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiiminayaa laba arrimood: 1) Hal dhaqan oo aynu jeclaan lahayn inuu sii noolaado. 2) Iyo hal dhaqan oo aynnu rajaynayno inuu halkan ku joogsado. Martiduna waa qofkii ila wadaagay Podcast-gii ugu horeeyay ee somali ku baxa oon dhagaysto muddo 6-7 sanno laga joo...
SE04EP6: Sidee Awoodda Looga Qaadaa Fikirka Xun? 🧠✨ | Dhugatayee Maxaad dhigi! 13.11.2025 44:58
Fikir dib kuula haraya maa ku daaliyay? 🤔 Qaybtan cusub waxaan kaga hadlaynaa 3 qaab oo aad awoodda ugaga soo ceshan karto fikirka xun (Negative) 💫 Qalinkaga, codkaaga, iyo qof aad ku kalsoon tahay ayaa noqon kara furaha xorriyadda maskaxda. 🖊️🎙️🫶🏽 Dhagayso si aad u barato sida aad ugu beddeli karto fikir xun mid ku dhisa. 🌱
SE04EP5: Naftaada Baro, Ka Billow Fikirkaaga 💭 Qaybtii Kowaad | Dhugataye Maxaad Dhigi? 06.11.2025 32:19
Bismilaah; Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭
SE04EP4: Naftayda oon jeclaado, ma danaysi baa? 💞 | Dhugatayee Maxaad Dhigi 30.10.2025 21:04
Bismilaah; Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫 Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭
SE04EP3: 🎙️ Naftaada Ma Jeceshahay? Haa, Hadaba fadhiga Ka Kac! | Dhugatayee Maxaad Dhigi 23.10.2025 29:26
Bismilaah; Mararka qaar fadhigu waa nasasho, laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna. ⏳ Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫
SE04ep2: Sabab ayuu isbeddelku u adagyahay? Iyo Maxamed Cali | Dhugataye Maxaad Dhigi? 16.10.2025 52:21
Bismilaah; Qaybtan waa wada sheekaysi furan oo uu nagala soo qayb galay Maxamed Cali, annagoo si hufan uga hadlayna micnaha iyo ujeeddada “Dhugataye Maxaad Dhigi?” 💭 Ayaan hadana wadaagnay sheeko ku saabsan fahamka, dhaqanka, iyo dib u milicsiga, sidoo kalena dib u eegnay waxa aan ka dhaxalnay iyo waxa aan rabno inaan dib u qorno ✍️🌱 Dhagaysi Wacan!
SE04ep1: ✨ Hal sano oo Podcasting ah iyo 50 xalqadood maxay i bareen? | Dhugataye Maxaad Dhigi! 09.10.2025 52:04
Bismilaah; Haddii aad weligaa ku hamin jirtay inaad wax qabato 💭, ay jirto fikrad mar walba kugu soo noqnoqota mid aad rabtay inaad bilowdo laakiin aadan weli ku dhiiran 😔 ama aadan garan sida loo bilaabo 🚶♀️… Haddii ay saas tahay, qaybtaan waa tii aad ka heli lahayd talooyin iyo xooggii aad wax ku bilaabi lahayd 🎧✨
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.