Somali Public Agenda
Adeeg Wanaag
Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.
Author
Somali Public Agenda
Category
Podcast website
Latest episode
Jun 8, 2026
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Adeegga Madadaallada & Saameynta Dhaqan-dhaqaale ee Bulshada 17.07.2024 59:12
Adeegga madadaallada, gaar ahaan musalsallada, waxaa caan ka ahaa gudaha dalka musalsallada qalaad sida kuwa Meksikaanka, Carabta, Hindida, Turkida, Kuuriyaanka iyo qaar kale. Sanadihii dambe waxaa soo badanayay musalsallo ay sameynayaan shirkado maxalli ah, musalsalladaas oo qeyb weyn ka qaatay adeegga madadaallada ee ka jira dalka, islamarkaana ka tarjumaya nolosha dadka Soomaaliyeed. Qeybtan 2...
Tayeynta Waxbarashada & Kaalinta Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay 23.06.2024 43:04
Tan iyo burburkii dalka, waxbarashada aasaasiga ah inteeda badan waxaa gacanta ku hayay hay’ado samafal ah iyo kuwo gaar loo leeyahay, halka kaalinta dowladdu aysan ka marneyn balse ay aad u koobneyd. Tayada waxbarashada weli weydiimo ayaa laga keenay, iyadoo dadka qaar caruurtooda ay dalaka deriska ah u diraan si ay adeeg waxbarasho tayo leh u helaan. Qeybtan 20-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxa...
Wacyiga Bulshada ee Xanuunnada Nafsiga ah & Daweyntooda 17.04.2024 44:55
Dagaallada sokeeye waxay sababeen burbur xooggan oo ku yimid guud ahaan adeegyada caafimad ee dalka, gaar ahaan adeegyada caafimaad ee la xiriira xanuunnada dhimirka ku dhaca. Daraasaddii ugu dambeysay ee degmooyin kamid ah dalka laga sameeyay waxa ay sheegtay in 77% dadka Soomaaliyeed ay la daaladhacayaan xanuunnada nafsiga ah, kuwaasoo ay sababeen duruufaha khalafsan ee ay sababeen colaadaha iyo...
Saameynta Tartanka Cayaaraha Dowlad-goboleedyada & Gobolka Benaadir 03.03.2024 59:37
Tartamada cayaaruhu waa mid ka mid ah dhacdooyinka bulshada ee ugu sameynta badan dunida. Adeegga madadaalada oo ay ka helaan dadka waxaa wehliya in ay qeyb weyn ka qaataan is dhexgalka, jiheynta iyo qaabeynta bulshada. Haddaba, tartanka cayaaraha dowlad-goboleedyada iyo gobolka Benaadir oo dhawaan lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu yeeshay saameyn togan iyo mid taban. Podcast-gan waxa ay Aweis Ax...
Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya 07.02.2024 38:02
Isbeddelka cimiladda ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay dunida guud ahaan gaar ahaan Soomaaliya. Isbeddelka cimilada waxaa ka dhashay dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo bulsho. Si looga hortago ama xal loogu hesho saameynta isbeddelka cimilada, waxaa la sameeyay dadaallo isugu jira shirar sanadle ah, dhaqaale loo qoondeeyay, iyo siyaasado ku aadan arrimahan oo la dejiyay. Qeybtan 17-aad ee Adeeg Wan...
Bixinta Kaarka Aqoonsiga Dadweynaha 10.12.2023 59:07
Kadib buburkii dalka ka dhacay sanadkii 1991, waxaa meesha ka baxay nidaamkii kaararka aqoonsiga dadweynaha, kaasoo udub dhexaad u ahaa helidda adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka iyo waraaqaha socdaalka iyo sido kale cashuur bixinta. Hay’adda Diiwangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan la dhisay ayaa bilowday bixinta kaarka aqoonsiga dadweynaha. Podcast-...
Dhismaha & waxqabadka golayaasha deegaanka ee Galmudug & Hirshabeelle 22.11.2023 39:00
Inkastoo dhismaha dowlad-goboleedyada lasoo gababeeyay 2016-ka, dhismaha goleyaasha deegaanka lagama gaarin guulo wax-ku-ool ah. Goleyaasha deegaanada hadda dhisan oo tiro ahaan kooban ayaa la kulma caqabado badan. Sidoo kale waxaa jira caqabado lagala kulmo hannaanka dhismaha goleyaasha degaanada. Somali Public Agenda ayaa daabacday faallo ku saaban hannaanka dhismaha iyo waxqabadka goleyaasha d...
Kaalinta Maamulka Gobolka Benaadir ee Tageeridda Barakacayaasha 30.09.2023 54:05
Gudaha Soomaaliya waxaa ugu barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wacan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas oo lagu qiyaasay 1.4 malyan ayaa ku sugan gobolka Benaadir iyo hareerahiisa. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la...
Falanqeyn sanad-waxbarasheedka asaasiga ah ee jaamacadaha lagu kordhinayo 21.09.2023 28:22
Soomaaliya ayaa wajaheysa caqabado joogta ah oo la xiriira tayada waxbarashada sare. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada oo ka duuleysa caqabadahaas waxa ay dhawaan soo saartay amar ah in laga billaabo sanad-dugsiyeedka 2023/2024 ay ardayda jaamacadaha qaataan sanad dheeraad ah oo aasaaskooda lagu dhisayo. Amarka ayaa soo baxay xilli bil...
Kaalinta ururrada bulshada rayidka beelaha laga tirda badan yahay ee isku xirka barakacayaasha, haya’daha samafalka iyo dowlada 30.08.2023 1:01:08
Gudaha Soomaaliya waxaa ku barakacay in ku dhaw 4 malyan muwaadiniin ah sababo la xiriira musiibooyinka dabiiciga ah, kuwa amni-darrada la xirriira iyo sababo la xiriira raadinta nolol iyo adeeg ka tayo wanaagsan midka ay heystaan. Tirada ugu badan ee barakacayaashaas ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda. Sidoo kale, tiro badan oo barakacayaasha kamid ah ayaa la sheegaa in ay kasoo je...
Kaltanka Bajaajyada ee A & B 26.07.2023 28:17
Magaalda Muqdisho oo kasoo kabaneysa burburkii dagaallada, ayaa waxaa sanadihii ugu dambeeyay ka muuqday isbdello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha iyo gaadiidka. Isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira. Hadaba si loo xakmeeyo culeysyada kala duwan ee isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, maamulka gobolka Benadir ayaa soo s...
Adeegga Xajka iyo Kaalinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta 15.05.2023 33:51
Adeegga Xajka waxa uu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan oo ay Wasaarada Awaqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Dowladda Federaalka u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hase ahaatee, xujeyda Soomaaliyeed ayaa culeysyo kala duwan ka sheegta guud ahaan howlaha adeegga Xajka, qiimaha lagu jaangooyo xajka, iyo adeegyada ay ka heelaan shirkadaha qandaraaska ku qaata adeegga Xajka. Haddaba iyadoo billaabashada...
U daadejinta canshuurta & adeegyada bulshada dowladaha hoose 29.04.2023 29:40
Soomaaliya waxa ay qaadatay nidaamka federaalka kadib markii uu guuldareystay hannaankii dowladda dhexe, kaasoo adeegyada bulshada dowladda dhexe ay maamuli jirtay. Nidaamka federaalka, oo looga gol leeyahay in lagu daadejiyo awoodda iyo adeegyada bulshada si loogu dhaweeyo dadweynaha, ayaa waxaa saameeyay nidaamkii dhexe ee dalka ka jiray. Nidaamka Federaalka ayaa waxaa awoodda iyo maamulka adeeg...
Helitaanka Warqadaha Aqoonsiga ee Dowladda 09.03.2023 26:27
Adeegyada ugu muhiimsan oo ay dowladuhu bixiyaan waxaa kamid ah in muwaadiniinta la siiyo dukumintiyada aqoonsiga dowladeed sida baasaboorrada, shahaadooyinka dhalashada, shatiga wadista baabuurta, iyo shahaadooyinka caddeynta dambi la'aanta. Aqoonsiyada dukumintiyada dowladeed ee Muqdisho laga bixiyo ayaa waaa bixiya hay'ado dowladeed iyo waaxyo hoos yimaada wasaaradaha amniga, gaadiidk...
Sababa iyo Xalka Culeysyada Isu-socodka Dadka iyo Gaadiidka Muqdisho 04.03.2023 31:50
Magaalda Muqdisho waxaa sanadihii dambe ka muuqday isbedello dhanka dhismeyaasha waddooyinka, guryaha, gaadiidka, maalgashiga ganacisga, iyo adeegyada kale ee dadweynaha. Hase ahaatee, isbedelladaasi waxaa barbar socday culeysyo kala duwan oo isu-socodka dadka iyo gaadiidka la xiriira, kuwaasoo ay dadweynaha magaaladu la kulmaan. Dadweynaha magaalada ayaa dhibaato kala kulma in ay goobo isku dhaw...
Sare-u-kaca Kirada Guryaha Muqdisho 08.02.2023 31:08
Magaalada Muqdisho ayaa aheyd magaalada ugu dadka badan Soomaaliya tan iyo markii magaaleynta xowliga ah uu ka bilowday sanadkii 1960-kii. Dagaalladii kala duwanaa ee tan iyo 1990-kii dhacayay iyo barakacii ka dhashay kadib, dad badan ayaa magaalada kusoo laabtay, oo ay ku jiraan qaar ka yimid dalalka dibadda, kadib markii ay al-Shabaab ka baxeen magaaladd sanadkii 2011. Kusoo laabashada dadkii...
Shaqaaleysiinta Dhallinyarada: Tayo-yarida Tacliinta Sare Miyaa Ka Qeyb Qaadanayso Shaqo La’aanta Dhallinyarada Muqdisho? 21.01.2023 27:30
Soomaaliya oo leh mid kamid ah shucuubta ugu da’da yar adduunka ayaa haddana kala bar dhalinyarada ay da’doodu ka yar tahay 30-ka sano ay yihiin kuwo shaqo la’aan ah, kadib marka ay tacliinta sare dhammeystaan. Dhinaca kale, dalka waxa uu kasoo kabanayaa dagaallo sokeeye oo daba dheeraaday oo saameeyay tayada tacliinta sare. Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay si kumeelgaar ah u dhistay Guddiga...
Daadejinta adeegga waxbarashada ee gobolka Benaadir iyo muranka ka taagan 20.12.2022 27:38
Somaaliya waxa ay qaadatay nidaam federaal ah, kaasoo hirgelintiisu ay si muuqata u socotay tan iyo sanadkii 2013. Hase ahaatee, gobolka Benadir oo aan maqaamkiisa weli la cadeynin ayaa adeegyada dadweynaha waxaa bixinayay wasaarado kala duwan oo heer federaal ah. Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka ayaa billowday in ay adeegga waxbarashada ee gobolka Benad...
Naqsahadeynta xalka waara ee Soomaaliya iyo ku saleynta baahiyaha dadka barakcayaasha 14.12.2022 1:04:34
Somalia waxaa sanado ka jira barakac baahsan oo ay sababeen coladaha soo laalaabtay iyo dhibaatooyinka la xiriira cimilada. Dowladda iyo haya’daha caalamiga ah ayaa in muddo ah la tacaalayay in la yareeyo ama xal waara loo helo dhibaatada barakaca. Haya’daha caalamiga ah ayaa sameeya dadaallo lagu naqshadeynayo barnaamijyo lagu doonayo in xal waara loogu helo barakaca. Haseyeeshee, waxaa jira caqa...
Soo If-baxa Dhallinyarada Ciyaal Weerada ee Muqdisho: Sababaha iyo Xalka 17.11.2022 33:41
Sanadka 2021, waxaa gobolka Benadir kasoo if-baxay kooxo dhallinyaro ah oo loogu magac daray Ciyaal Weero. Kooxahan ayaa si gaar ah uga howlgala degmooyinka ku yaalla daafaha magaalada Muqdisho. Ciyaal Weero waxa ay ku hubeysan yihiin hubka fudud, sida mindiyo, baangado, toorey, ulo iyo mararka qaarkood bastoolado iyo qoryaha darandooriga u dhaca. Soo if-baxa dhallinyaradan ayaa saameyn ku yeelata...
Adeegga Caafimaadka ee Gobolka Benaadir: Caqabadaha iyo Xalka 01.10.2022 45:44
Kahor burbrukii dowlada Soomaaliya ee 1991-kii, adeegyada bulshadda guud ahaan, gaar ahaan adeegga caafimaadka, waxaa gacanta ku hayay dowladda dhexe. Kadib sanado laga shaqeynayay dib-u-yagleelidda hay’daha dowliga ah ee bixiya adeegga dadweynaha, waxaa suuragashay in adeegyada qaar ee dowladu bixin jirtay dib loo yagleelo. Adeegga caafimaadka gobolka Bendair ee ay dowladu bixiso ayaa kamid ah k...
Kaalinta uu Turkiga ku Leeyahay Bixinta Adeegyada Bulshada Muqdisho 06.04.2022 1:23:14
Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday warbixin iftiimineysa kaalinta hay’adaha Turkiga ee bixinta adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo kaabayaasha Muqdisho gaar ahaan jidadka laamiga ah iyo dhismayaasha. Warbixinta waxaa wada qoray Farxaan Isaaq Yusuf oo ah agaasime ku xigeenka Somali Public Agenda, Mahad iyo Maxamed Sharif oo ah cilmibaare katirsan SPA. Halkan ka dhageyso madal l...
Dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka 07.09.2021 1:23:51
Halkan ka daawo madal aan ku qabannay Garowe oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay dimuqraadiyeynta Puntland: Geeddi socodka, Caqabadaha iyo Xalalka. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda , @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Hannaanka Federaaleynta Maaliyadda Soomaaliya 16.08.2021 34:30
Halkan ka dhageyso Public Agenda Forum oo aan kusoo bandhignay daraasad aan ka sameynay hannaanka federaaleynta maaliyadda Soomaaliya. Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast · Tweet us at @somalipubagenda , @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab · Email us at podcasts@somalipublicagenda.org Thanks for listening!
Doorashada Soomaaliya: Ka laabashada muddo kordhinta, kaalinta raysal wasaaraha, iyo shirka la filayo in uu qabsoomo 18.05.2021 25:41
1 dii May ee sanadkan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib uga laabtay muddo kordhintii labada sano ahayd ee uu horey u sameeyay 12-kii April kadib markii uu madaxweynaha u jeediyey khudbad uu kaga codsanayo in dib loogu laabto heshiiskii 17-ka September ee doorashada dadban. Isbuucii ka horreeyay dib uga laabashada golaha shacabka ee muddo kordhinta, Muqdisho waxaa ka d...
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.