Somali Public Agenda

Adeeg Wanaag

Public services in Somalia are highly limited due to the weakness of government institutions struggling to recover from destruction caused by conflict. However, even those government services that do exist fail to serve people effectively. Access to public services is a fundamental right for Somali citizens. Join Aweis Ahmed, the director of the SPA Policy Lab, and his guests, who will intensely discuss the public service matters in Somalia in the Adeeg Wanaag podcast.

Author

Somali Public Agenda

Category

Government

Podcast website

somalipublicagenda.org

Latest episode

Jun 8, 2026

Where to listen?

Podcasts in the app Replaio Radio Coming soon

Podcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts

Get it on Google Play Install for free Android 5M+ downloads · 4.8 rating iOS soon

Episodes

Jaamacadda SIMAD iyo Kaalinteeda Adeegga Tacliinta Sare ee Dalka 08.06.2026

Burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka dib waxaa la furay jaamacado gaar loo leeyahay kuwaas oo dadaal ku bixiyey sidii ay u dabooli lahaayeen booskii hay’adaha waxbarashada ee dowladda. Tirada jaamacadaha Soomaaliya waxay hadda kor u dhaafayaan 130 jaamacadood. Jaamacadda SIMAD waxa ay ka mid tahay jaamacadihii ugu horreeyey ee la furay burburkii kadib, iyada oo soo saartay ku dhawaad 8,500 o...

Reer Miyiga Sidee Ayay U Maareeyaan Abaaraha? 06.05.2026

Dhammaadka sanadkii hore, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad abaareed in uu dalku galay, kadib markii ay baaqdeen roobabkii deyrta, iyo xilliga kuleylaha jiilaalka ee ka dambeeyay.  In ka badan 5 milyan oo qof ayaa la sheegay in ay abaartu saameysay.  Hay’adda Ground Truth Solutions, ayaa warbixin dhawaan ka qortay saameynta abaarta, hababka bulshooyinku ula tacaaleen, iyo si...

Sidee u shaqeeyaa adeegga lacag-bixinta degdegga ah? 07.04.2026

Inkastoo ay Soomaaliya horumar ka sameysay adeegga bangiyada iyo shirkadaha kale ee ka shaqeeya arrimaha lacagaha, haddana dadweynaha iyo ganacsatada waxa ay culeys ku qabeen in lacagaha la isaga kala diri karin bangiyada iyo shirkadaha maaliyadda dhexdooda.  Shirkadda Somali Payement Switch ayaa la sameeyay si ay u fududeyso adeegga lacag dirista iyo wax kala iibsiga, iyadoo la adeegsanayo bangiy...

Sidee Loo Kordhin Karaa Dakhliga Canshuuraha ee Dowladda Hoose ee Degmada Cadaado? 13.03.2026

Degmada Cadaado waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee Dowlad-goboleedka Galmudug oo maamul iyo hay’ado shaqeeya yeesha. Dowaldda hoose ee degmadu waxa ay qaaddaa canshuur kala duwan, si ay adeegyo kala duwan ugu qabato. Hase ahaatee, maamulka degmada ayaanan soo xareeyn canshuur ku filan, sababo kala duwan awgood.   Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida...

Sidee Hay’adda Dhowrista Xogta ugu Adeegtaa Muwaaddiniinta Soomaaliyeed? 02.03.2026

Xogaha kala duwan ee muwaadiininta ku saabsan waxaa gacanta ku haya hay’ado kala duwan, kuwaas oo dowli ah ama aan dowli aheyn. Waxaa lagama maarmaan ah in xogahaasi aan loo adeegsan si ka baxsan inta sharcigu oggol yahay.  Qeybtan 42-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Maxamed Nuur Colow, oo ah Maareeyaha Guud ee Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha ee Soomaaliya, waxa ay ku falanqeynayaa...

Af Soomaaliyeynta Erayada Loo Adeegsado Garaad-Gacmeedka (AI) 22.01.2026

Adeegsiga Artificial Intelligence ama Garaad Gacmeedka ayaa dunida aad ugu baahay sanadihii ugu dambeeyay. Soomaaliya, Garaad Gacmeedka waxaa loo aadgsadaa qeybo kala duwan. Sidaas oo ay tahay, ereyada Af Soomaaliga ah ee la xirriira Garaad Gacmeedka aad uma horumarsana. Dhawaanahan waxaa jiray dadaallo lagu horumarinayo turjumidda erayda la xiriira Garaad Gacmeedka ama AI, waxaana ka shaqeynayay...

Muxuu ka Shaqeyn Doonaa Guddiga Tacliinta Sare ee Dalka? 08.12.2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee dalka, kaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo horumarinta hey’adaha tacliinta sare ee dalka.  Qeybtan 40-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Ahmed iyo Prof. Cabdinur Sh. Maxamed oo ah guddoomiyaha guddiga, hore na u soo noqday Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare eee dalka, wa...

Culeysyada Ka Jira Qaadashada Kaarka Aqoonsiga & Sida Hay’adda NIRA u Maareyso 17.11.2025

Hay'adda Diiwaangelinta iyo Aqoonsiga Dadweynaha Soomaaliyeed (NIRA) ayaa waxa ay ku howlaneyd in muddo ah bixinta karaarka aqoonsiga dadweynaha. Balse dhowrkii bil ee ugu dambeeyay waxaa jirtay in dadweynuhu aad ugu xoomeen qaadashada kaarka, halkaasoo culeysyo kala duwan ay la kulmeen dadweynaha kaarka dalbanayay iyo howlwadeennada Hay’adda.  Qeybtan 39-aad ee Adeeg Wanaag, Aweis Ahmed iyo...

Xaaladda Caruurta aan Dugsiyada Aadin ee Muqdisho & Sida Lagu Xallin Karo 16.09.2025

Adeegga waxbarashada ee dalka, gaar ahaan, midka ka jira magaalada Muqdisho ayaa soo kabanaya. Sidaa oo ay tahay, waxaa la sheegaa tiro aad u badan oo caruurta magaalada ku nool in aysan aadin dugsiyada waxbarashada nidaamiga ah. Dhawaan waxaa la dabaacay daraasad ka hadleysa sababaha dhaliyay arrinkaas iyo sida lagu xallin karo.       Qeybtan 38-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed iyo Dr. Ab...

Adeegyada Xalka Waara iyo Horumarinta Reer Miyiga 08.09.2025

Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan, kaas oo saameyn weyn ku yeeshay bulshooyinka reer miyiga ah. Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa barakac ku ah gudaha dalka. Hay’adaha dowaliga ah, sida Xarunta Qaran ee Horumarinta Reer Miyiga iyo Xalka Waara iyo kuwa aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.    Qeybtan 37-aad...

Duruufaha Dhaqaale ee Dalk Ka Jira & Sida loo Maareyn karo 25.08.2025

Duruufaha dhaqaale ee muwaaddiniinta Soomaaliyeed guudahaan ay wajahayaan, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Benaadir ayaa sii xoogeysanaya. Duruufahaas oo nuucyo kala duwan leh, sababo kala duwanna lala xiriirin karo, waxa ay saameyn ku yeesheen bulshada qeybaheeda hoose.   Qeybtan 36-aad ee Adeeg Wanaag Podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed iyo Prof. Yaxye Caamir, waxa ay ku falanqe...

Warbaahinta Madaxa Bannaan iyo Adeegyada ay Bulshada u Qabtaan 28.07.2025

Tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalka waxaa ka hanaqaaday warbaahin madax-bannaan oo noocyo kala duwan leh, taas oo marxalado kala duwan soo martay, isla markaana duruufo adag ku soo shaqeysay. Warbaahinta madaxa-bannaan ayaa waxa ay adeegyo kala duwan u qabataa muwaaddiniinta Soomaaliyeed.   Qeybtan 35-aad ee Adeeg Wanaag podacast, agaasimaha SPA Policy Lab, Aweis Ahmed...

Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca 11.06.2025

Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.   Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Ba...

Sababaha Shaqo La’aanta Dhallinyarada iyo Sida Loo Maareyn Karo 20.05.2025

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka dadweynahooduay dhallinyaro u badan yihiin. Waxaa la sheegaadadweynaha Soomaaliya in ka badan 70 boqolkiiba in ay dhallinyaro yihiin. Dhallinyaradaas waxaa saameyn weynku yeesha shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.  Qeybtan 33-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, AgaasimahaSPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Marwo Bahjo Shuuriye oo ah Agaasimaha SIMAD iLab, wa...

Adeegyada Caafimaad ee Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) 11.03.2025

Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfer) waxaa la aaminsan yahay inuu yahay mid kamid ah isbitaallada ugu casrisan dalka, islamarkaana bixiya adeegyada ugu badan ee caafimaad ee Soomaaliya.  Qeybtan 32-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Ahmed, agaasimaha SPA Policy Lab, iyo Maxamed Xuseen Ashraf, oo ah agaasimaha isbitaalka Erdogan, ayaa ku falanqeynaya adeegyada caafimaad ee uu bixiyo Isbitaalka Difger.   ...

Waxqabadka Dowladda Hoose ee Degmadda Cadaado & Caqabadaha ku Gedaaman 18.02.2025

Degmada Cadaado ee dowlad-goboleedka Galmudug waxa ay ka mid tahay degmooyinkii ugu horreeyay ee gole deegaan yeesha. Golaha deegaanka iyo maamulka degmadaas oo muddo-xiloodkii loo doortay kala-bar qaatay, maxaa u qabsoomay, caqabadaha heystase maxay yihiin?  Qeybtan 31-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweis Axmed & Faarax Diiriye Warsame, oo ah guddoomiyaha degmada Cadaado, ayaa ku falanqeynaya h...

Waa Sidee Adeegga Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka ee Isbitaalka Benaadir? 06.02.2025

Adeegga caafimaadka ee guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan midka hooyada iyo dhallaanka waxa uu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dalka. Waxaa la sheegaa Soomaaliya in ay ka mid tahay dalalka ugu horreeya oo ay hooyada iyo dhallaanku u geeriyoodaan daryeel la’aan.   Qeybtan 30-aad ee Adeeg Wanaag podcast, Aweis Axmed iyo Fartuun Shariif Maxamed oo ah Agaasimaha Isbitaalka Hooyada iyo...

Dib-u-eegista iyo Hagaajinta Adeegga Garsoorka iyo Hay’adaha Cadaaladda 28.01.2025

Adeegga garsoorku waxa uu udub-dhexaad u yahay adeegyada kala duwan ee ay dowladuhu bixiyaan. Burburkii dowladii dhexe kadib, hay'adaha garsooku waxay ku jireen marxalad soo kabasho ah.   Qeybtan 29-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Avv. Daahir Maxamed Cali, oo ah qareen, bare jaamacadeed, tababare sharci, sidoo kalana ah Xoghaya guud ee Ururka Qareennada Soomaaliyeed iyo aasaasa...

Teknoolojiyadda Casriga ah iyo Fududeynta Adeegyada Dowladda 24.12.2024

Soo ifbaxa kumbiyuutarrada, internet-ka, iyo aaladaha kale ee fududeeya xiriirka bulshada waxa ay sare u qaadeen adeegyada kala duwan oo ay bixiyaan dowladaha. Waxaa loogu magac daray electronic government oo loo soo gaabiyo E-government, oo macanaheedu yahay in adeegyada dowladda la bixiyo iyadoo la adeegsanyo hannaan electronic ah.  Qeybtan 28-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Dr. Y...

Maareynta Musiibooyinka iyo Kaalinta Haya’daha Dowladda 17.12.2024

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka ugu nugul musiibooyinka, iyadoo dalku uu u dhexeeyo abaaro iyo fatahaado iyo musiibooyinka ay sababeen colaadaha joogtada ah. Dardar-gelinta howlaha maareeynta masiibooyinka waxaa dowladda u qaabilsan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA).   Qeybtan 27-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Cabdullahi Maxamed Cabdi (Qaran) oo ah Agaas...

Canshuurta Iibka iyo Caqabadaha ku Gedaaman 03.12.2024

Dowladda federaalka ayaa dhawaan billowday canshuurta iibka, taas oo ka hirgashay suuqyada magaalada Muqdisho. Somali Public Agenda (SPA) ayaa daabacaday faallo qoto-dheer oo falanqeyneysa canshuurta iibka, shuruucda lagu saleeyay, habka loo qaadayo, iyo sidoo kale caqabadaha ku gedaaman hirgelinta canshuurta iibka. Qeybtan 26-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Aweys Axmed & Farxiya Maxamuud oo ah c...

Kaalinta Fanka ee Hogatusaaleynta iyo Wacyigelinta Bulshada 20.11.2024

Burburkii ka hor, Soomaaliya waxay laheyd kooxo-faneed kaalin weyn ku lahaa wacyigelinta buslahda. Goobaha ay xoogga saari jireen kooxihii fanka ee ay dowladdu gacanta ku haysay waxaa ka mid ahaa waxbarashada, muruq-maalka, caafimaadka iyo ciyaaraha. 30 sano ka dib waa sidee kaalinta ay haatan kooxaha fanku ku leeyihiin dowladnimada iyo wacyi-dhiska bulshada?  Qeybtan 25-aad ee Adeeg Wanaag Podcas...

Kaalinta Bulshada Rayidka & Warbaahinta ee Isla-xisaabtanka Arrimaha Gargaarka Bani’aadamnimo 29.10.2024

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka muddada dheer la daalaa dhacayay dhibaatooyinka bani’aadamnimo. Beesha calaamka ayaa si joogta ah ugu deeqda dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan gargaar bani’aadamnimo. Waxaase aad u yar isla-xisaabtanka guud ee lagu sameeyo hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya howlaha gargaarka bani’aadamnimo. Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan ka...

Wacyiga Bulshada ee Dawooyinka La Isku Cadeeyo & Khatartooda 12.08.2024

Sanadahii dambe waxaa kordhay bulshada qeybo ka mid ah oo is caddeynaya ama midabkooda doorinaya, iyagoo ujeedkoodu yahay in ay qurux dheeraad ah ka helaan. Dadka is caddeeya waxa ay adeegsadaan dawooyin la isku dardaray oo kiimiko ah. Arrintan ayaa noqotay mid bulshada qeybaheeda kala duwan saameyn weyn ku yeelatay.  Qeybtan 23-aad ee Adeeg Wanaag Podcast waxaa lagu falanqeynayaa guud ahaan waxya...

Biyo-mareennada iyo Bullaacadaha Muqdisho 31.07.2024

Dagaallada sokeeye waxa ay sababeen burbur iyo dayac ku yimid guud ahaan biyo-mareennada, bullaacadaha iyo goobaha biyaha lagu keydiyo ee magaalada Muqdisho. Waxaa ka dhashay in biyaha roobabku ay fadhiistaan wadooyinka, qaarkoodna ay burbur joogta ah u geystaan. Xaaladdan waxa ay dhalisay in bulshada caasimadda ay soo gaarto khasaare naf iyo maal isugu jira, bilicda magaaladana saameyn taban ayay...

Listen to the Adeeg Wanaag podcast in Replaio

Radio and podcasts in one app - free, with no sign-up. Install today and do not miss the launch

Get it on Google Play

Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.