Amaal Haybe

Xidhiidhada Nolosha Podcast

Society EN ↓ Odcinki: 68

Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan.  Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow. Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed.  Dhagaysi wacan. 

Koniecznie odwiedź stronę podcastu i wesprzyj twórcę: www.buzzsprout.com

Autor

Amaal Haybe

Kategoria

Society

Strona podcastu

www.buzzsprout.com

Ostatni odcinek

8 kwi 2025

Gdzie słuchać?

Podcasty w aplikacji Replaio Radio Już wkrótce

Podcasty trafią do aplikacji już wkrótce. Zainstaluj teraz i jako pierwszy zobacz nowe podejście do podcastów

Pobierz z Google Play Zainstaluj za darmo Android prawie 10 mln pobrań · ocena 4,8 iOS niedługo

Odcinki

Aaminadaha aan fayoobayn 18.07.2023

Fariin ii reeb :) Waxyaabaha uu qofku naftiisa iyo dad ka kale ka aaminsanyahay waxay saamayn toos ah ku leedahay qofka go'aamada uu qaato iyo doorashooyinka uu sameeyo.  Halkan ka dhagayso si aad u fahantid aaminadaha 'beliefs' iyo doorkay nolosheena ka ku leeeyihiin.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Wax qabadka malin laha ah (productivity) - Q 2aad 11.07.2023

Fariin ii reeb :) Sidee bay dareemada culus u saameeyaan waxqabadkaaga malin laha ah? Maxaa hoos u dhigi karaa waxqabadkaaga  malin laha ah (productivity), isbadal noocma ah ayaad ku keeni kartaa nolol malmeedkaaga si aad kor ugu qaadid waxqabadkaaga si joogto ah?  Intan ba waxad ka heli kartaa xalqadan.  Dhagaysi wacan  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Wax-qabadka malin laha ah - Q 1aad 04.07.2023

Fariin ii reeb :) Sidee bay dareemada culus u saameeyaan waxqabadkaaga malin laha ah? Maxaa hoos u dhigi karaa waxqabadkaaga  malin laha ah (productivity), isbadal noocma ah ayaad ku keeni kartaa nolol malmeedkaaga si aad kor ugu qaadid waxqabadkaaga si joogto ah?  Intan ba waxad ka heli kartaa xalqadan.  Dhagaysi wacan  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Maaraynta Dareemada Culus Q-2aad 27.06.2023

Fariin ii reeb :) Saamayn intee leeg bay dareemada culus nolol malmeedkaaga ku leeeyihiin? Dareemadaasi ma yihiin qaar saamayn taban kuleh Xidhiidhada aad dadka kale la leedahay?  Hadaba dhagayso xalqadan si aad u kobcisid hab fikirkaaga dhinaca dareemada (mashaacirta) iyo maareyntooda.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Maaraynta Dareemada Culus Q-1aad 20.06.2023

Fariin ii reeb :) Saamayn intee leeg bay dareemada culus nolol malmeedkaaga ku leeeyihiin? Dareemadaasi ma yihiin qaar saamayn taban kuleh Xidhiidhada aad dadka kale la leedahay?  Hadaba dhagayso xalqadan si aad u kobcisid hab fikirkaaga dhinaca dareemada (mashaacirta) iyo maareyntooda.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Xuduud Dhigasho 13.06.2023

Fariin ii reeb :) Waligaa marna naftaada xad ma u dhigtay? Si malin le ah mawga waar qabta dooroshooyinka aad sameynayso ee cafimaadkaaga iyo horumarkaaga u fiican iyo kuwa dib u socod kuu horseedaya? Dhagayso xalqadan manta si aad wax uga baratid xuduudaha qofku naftiisa u dhigi karo si uu u wanaajiyo  cafimadkiisa maskaxeed iyo jidheedba horumarna uu ugu arko  qaybaha kala duwan ee noloshiisa. ...

Qanaacada 06.06.2023

Fariin ii reeb :) Ma ku qanacsantahay halka aad maanta joogtid marka loo eego xidhiidhka aad naftaada la leedahay iyo ka dadka kaleba?  Xalqadan waxan kaga hadlay waxa ay tahay qanaacadu marka laga hadlayo  horumarinta habfikirka togan iyo siday qayb uga noqon karto horumarinta xirfadaha xidhiidhada.  Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Dhisida dabeecadaha iyo dhaqamada fayow - Qaybtii 3aad 23.05.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan waxad ka baranaysaa sida aad si malin le ah u dhisi kartid una horumarin kartid xidhiidhka aad la leedahay Ilaahay adoo j la imanaya camalo ama dhaqamo kooban iyo sida ugu fudud ee aad u joogtayn kartid. Sido kale, waxan kaga hadlay dabeecada loo yaqaano ' balaanqaadka nafta ' taasoo qofka u saamaxda in uu wacyigiisu koro kobciyana hab-fikirka togan.  Dhagaysi...

Dhisida dhaqamada iyo dabeecadaha fayow - Qaybtii 2aad 16.05.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan manta waa qaybtii 2aad ee dhisida dabeecadaha iyo dhaqamada fayow ee qofka u ogolaada in uu ku noolaado nolol uu cafimaad ka jidhkiisa iyo maskaxdiisaba uu daryeelayo kana war qabo si malin leh ah. Qayb ka dhig oo ku dadaal in aad dhaqamadan nolol malmeedkaaga kusoo kordhisid.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Saamaynta Kobcinta Wacyiga 09.05.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan waxan kaga hadlayaa dhowr qodob oo ah saamaynta kobcinta wacyigu ku leedahay qofka noloshiisa inta uu qofku ku gudo jiro in uu xidhiidh caafimaad qaba la yeesho naftiisa iyo dadka kaleba. Isbadal noocma ah ayaad filanaysaa inaad ku aragtid noloshaada markuu wacyigaagu kor u kaco sideebaanad u maarayn kartaa isbadalkaas. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidha...

Xidhiidh-Nafeed; dhisida dhaqamada iyo dabeecadaha fayow 02.05.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan waxan kaga hadlayaa qaabka aad u adeegsan karto qoraalka ( Journaling ) si aad naftaada iyo mashaacirtaada (emotions) wax uga baran kartid.  Waxaan idinla wadaagay su'aalo aad naftaada tahay in aad waydiiso si malin le ah oo kaa caawinaya in aad wax ka badasho  dabeecadaha aan fayoobayn ee aad leedahay una dhistid dhaqamo iyo falcelimo fayow.  Dhagaysi wacan.  https...

Qaab—falcelimeedka dagdaga ah; Qaybtii 3aad 25.04.2023

Fariin ii reeb :) Qaybta - 3aad ee xalqadan waxaan kaga hadlayaa waxa loo yaqaano '' qaab-falcelimeedka dagdaga ah '' ee dadku muujiyaan xiliyada ay la kulmaan xaaladaha dareen ahaan cariya sida cadhada, niyad-jabka ama cabsida.  Qaab-falcelimeedkan dagdaga ahi waxa uu saamayn taban ku yeeshaan qofka dhinacyada kala duwan ee noloshiisa sida xidhiidhada uu la leeyahay dadka kale...

Dabeecadaha iyo dhaqamada aan fayoobayn - Qaybtii-2aad 18.04.2023

Fariin ii reeb :) Qaybta - 2aad ee xalqadan waxaan kaga hadlayaa laba dabeecadood ama dhaqan oo aan fayoobayn oo dadka qaar muujiyaan xiliyada ay la soo darsaan wakhtiyo adag amaba isbadal  kuyimaado noloshooda.  Dhaqamadan ama dabeecadahani waa qaar saamayn aan wanaagsanayn kuleh dadka cafimaadkooda maskaxeed  iyo xidhiidhada ay la leeyihiin dadka kale.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com...

Qaab falcelimeed; Dabeecadaha iyo dhaqamada aan fayoobayn 11.04.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan xidhiidhada Nolosha waxaan kaga hadlayaa saddex dabeecadood ama dhaqan oo aan fayoobayn oo dadka qaar muujiyaan xiliyada ay la soo darsaan wakhtiyo adag amaba isbadal  kuyimaado noloshooda.  Dhaqamadan ama dabeecadahani waa qaar saamayn aan wanaagsanayn kuleh dadka cafimaadkooda maskaxeed  iyo xidhiidhada ay la leeyihiin dadka kale.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagra...

Xidhiidh - Nafeed Qaybtii labaad 04.04.2023

Fariin ii reeb :) Daraasado cilmiyaysan oo la sameeyay waxa la ogaaday xidhiidhka qofku la leeyahay naftiisu inay tahay halbeega lagu cabiro xidhiidhada kale ee noloshiisa ka tirsan.  Xalqadan saddexaad waxaan kaga hadlayaa 'Laba dhaqan ama laba talaabo aa oo aad qaadi kartid si aad ula yeelatid naftaada xidhiidh una dhistid kalsoonida aad naftaada kuqabtid si malin le ah'  Dhagaysi waca...

Waa maxay xidhiidh-nafeed 28.03.2023

Fariin ii reeb :) Daraasado cilmiyaysan oo la sameeyay waxa la ogaaday xidhiidhka qofku la leeyahay naftiisu inay tahay halbeega lagu cabiro xidhiidhada kale ee noloshiisa ka tirsan. Xalqadan labaad waxaan kaga hadlayaa 'muxuu yahay xidhiidh-nafeed' muxuu se kaga duwan yahay qaabka aynu u dhisno xidhiidhada kale ee aynu la leenahay dadka kale.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/...

Bar-bilaw - Noocyada xidhiidhada 21.03.2023

Fariin ii reeb :) Xalqadan koobaad  waxaan kaga hadli doonaa noocyada xidhiidhada nolosha loo qaybiyo iyo kuwa u muhiimsan.  Waxaan ugu talo galay in ay xalqadani noqoto bar bilowga kobcinta wacyigaaga ama  habfikirkaaga dhinaca xidhiihdada.  Dhagaysi wacan.  https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp

Hordhac 09.03.2023

Fariin ii reeb :) Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo ay idiin soo gudbin doonto Amaal Haybe oo ah tababare nololeed oo qabilsan xidhiidhada iyo horumarinta habfikirka. Halkan Kala soco salaasa kaste todobada iyo badhka fiidnimo mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada kala duwan ee ka tirsan noloshaada  iyo cafimaadkaaga maskaxeed.  Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com...

Słuchaj podcastu Xidhiidhada Nolosha Podcast w Replaio

Radio i podcasty w jednej aplikacji - za darmo, bez zakładania konta. Zainstaluj już dziś i nie przegap premiery

Pobierz z Google Play

Replaio nie jest wydawcą podcastów; nazwy audycji, okładki i audio należą do ich autorów i są rozpowszechniane przez publiczne kanały RSS