Sveriges Radio

Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen

News SO ↓ 500 episódios

Warar iyo Barnaamijyo Af Soomali ah Ansvarig utgivare: Klas Wolf-Watz

Não deixe de visitar o site do podcast e apoiar quem o produz: www.sverigesradio.se

Autor

Sveriges Radio

Categoria

News

Site do podcast

www.sverigesradio.se

Último episódio

10 de jul de 2026

Onde ouvir?

Podcasts no app Replaio Radio Em breve

Os podcasts estão chegando ao app. Instale agora e seja o primeiro a descobrir um jeito totalmente novo de curtir podcasts

Baixe no Google Play Instale grátis Android 5 mi+ downloads · nota 4,8 iOS em breve

Episódios

Wararka maanta iyo Sweden 17.03.2025

Dawooyinka oo qaali noqonaya. Qiimaha cuntada iskuullada. Matoorada doonyo la xaday.

Wararka maanta iyo Sweden 14.03.2025

Labo nin ayaa xalay ka baxsaday xero qaxooti xiran oo ku taalla Åstorp, Skåne. Qarax xooggan ayaa fiidnimadii khamiistii shalay ka dhacay guri ku yaalla Göteborg. Xilliga hargabka ayaa si gaar ah aad ugu haleelay bukaannada da'da yar.

Wararka maanta iyo Sweden 13.03.2025

Wadarta sicir-bararka ayaa ahaa 2.9 boqolkiiba bishii Feberaayo. Qof kale oo lagu daryeelayay isbitaalka Örebro ayaa la soo saaray. Dhaqtar sare oo ka tirsan cisbitaalka jaamacadda Sahlgrenska ee magaalada Göteborg ayaa shaqada laga eryay.

Wararka maanta iyo Sweden 12.03.2025

Siyaasadda cimilada Iswiidhan oo uu is bedel ku yimid. 7.2 boqolkiiba xooga shaqaalaha ayaa ah shaqo la'aan, sida uu xafiiska shaqada sheegay. Haweeney ayaa ku geeriyootay isbitaal kadib markii takhtar ku qornaa qaybta degdega oo imanin.

Wararka maanta iyo Sweden 11.03.2025

12 qof oo biyo ku qarqamey labadii bilood ee sannadka ugu horreeyey. Dhoofinta qalabka militariga Iswiidhen oo kordhay sannadkii hore 2024-kii. Farshaxaniiste Britta Marakatt-Labba ayaa samaysay mid ka mid ah farshaxanada ugu wanaagsan qarnigan.

Wararka maanta iyo Sweden 10.03.2025

Iswiidhen oo Qaza ku taagereysa 300 milyan oo koroon. Nin ayaa dacwad loogu oogay dilkii Ica Maxi ee Norsborg. Carruur iskuulka barbaarinta dhigata oo afka sharooto looga duubay.

Wararka maanta iyo Sweden 07.03.2025

Xildhibaan ka tirsan SD oo is casilay. SJ oo maalgelinaysaa tareenno cusub. Biyo isbitaal aan la cabi karin.

Wararka maanta iyo Sweden 06.03.2025

Wiil dhallinyaro ah oo toogasho loo soo xiray. Nin is-dilay ka dib markii la tarxiilay. Wiil 14-jir ah ayaa ku dhintay goob shaqo.

Wararka maanta iyo Sweden 05.03.2025

Nin dhallinyaro ah oo lagu xukumay 14 sannadood oo xabsi ah iyo masaafurin. Bandhig: Dadka khiyaanada ku qaata taageerada oo laga xii kari doono nidaamka. Carruurta iyo dhallinyarada yar oo helaya taageero ay uga baxaan dembiyada.

Wararka maanta iyo Sweden 04.03.2025

Cimilada Maarso oo aan si aan caadi ahayn u diiran. Khalad laga helay barnaamijka baarista naasaha. Hanjabaad keentay in arday guryaha loo diro.

Wararka maanta iyo Sweden 03.03.2025

Qof loo qabtay toogashooyin ka dhacay Stockholm. Warqadaha cashuur celinta dijitaalka oo la soo dirayo. Tirada kiisaska hargabka ayaa sii kordhaya.

Wararka maanta iyo Sweden 28.02.2025

Iswiidhen ayaa ka qayb galaysa kulan lagu qaban doono magaalada London. Waxaa caawa dhalatay bishii Ramadaan. 7.4 milyan ayaa dhagaystay baahinta Raadiya Iswiidhen iyo barnaamijyadaba inta lagu guda jiray sannadkii hore.

Wararka maanta iyo Sweden 27.02.2025

Shalay galab ayaa nin lagu toogtay xaafadda Andersberg ee ku taalla magalaada Gävle. Lamaane ku nool magaalada Skåne ayaa lagu xukumay toban bilood oo xarig ah. Xilliga guga ayaa maanta soo gaaray Stockholm.

Wararka maanta iyo Sweden 26.02.2025

Haweeney Iswiidhish oo 30-meeyo jir ah ayaa lagu xiray jasiiradda Lanzarote. Bukaanno tiro yar ayaa helay daryeelka khasabka ah ee dhimirka sannadkii 2023. Ugu yaraan 40 qof ayaa calool xanuun ku soo booday magaalada Mariestad.

Wararka maanta iyo Sweden 25.02.2025

Nin 20 jir ah ayaa fiidnimadii Isniinta toogashu lagu dilay xaafadda Alby. Salwan Najem ayaa racfaan ka qaadanaya xukunkii lagu riday. Emil Källström ayaa shegay in uusan doonaynin in uu qabto xilka hogaanka xisbiga Centerpartiet.

Wararka maanta iyo Sweden 24.02.2025

Nin tababare u ahaa koox ka dhisan Lund oo la xukumay. Waxaa soo badanaya darawaliinta baabuurta xamuulka qaada ee khamriga ama maandooriyaha isticmaala. Rabshadaha iyo hanjabaadaha u dhaxeeya maxaabiista xabsiyada ayaa sii kordhaaye sannadkii hore.

Wararka maanta iyo Sweden 21.02.2025

Hanti gaar loo leeyahay oo taalla Risbergska. Eeyo weerare shaqaale ka tirsan adeegga guriga. Hoggaamiye ka tirsan Foxtrot oo danbi daroogo lagu soo oogay.

Wararka maanta iyo Sweden 20.02.2025

Digniin oranji ah oo ku saabsan baraf lama filaan ah. Kristersson: Zelenskyj si dimuqraadiyad ah ayaa lagu doortay. Nin ka tirsan shabakadda Foxtrot oo ay Masar soo celisay.

Wararka maanta iyo Sweden 19.02.2025

Khidmad ay bixinayaan carruurta iyo dhallinyarada balamaha ka baaqda. 18 qof oo dacwad lagu soo oogay. Baare soo jeediyey nidaam cusub oo shahaadooyinka.

Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen 18.02.2025

Qiimaha maciishada qaar oo sare u kacay sida bunka, shaaha iyo qajaarka. Sicir bararka oo kordhay sida uu tilmaamayo cabirka sicirbararka ee KPIF. Maxkamadda ayaa hadda dacwad kusoo oogtay saddex nin oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dil.

Wararka maanta ee raadiyaha Iswiidhen 17.02.2025

Shaqo laaanta dalkani Iswiidhen oo kor u kacday. Racfaan laga qaatay xukun la xidhiidha xasuuq loo haysto haweenay. Xilliga xasaasiyada pollenka oo hore u bilowday laguna arkay magaalooyinka qaar.

Wararkii maanta iyo Raadiyaha Sweden 14.02.2025

Tiradii dhallinyrada ka baxsata guryaha Sis oo bar hoos u dhacay laba sannadood gudahood. Ciidanka Nabadsugidda oo nin lagu tuhunsan yahay argagixisno lagu qabtay nawaaxiga Malmö. Haweeney ey baadigoobeyeen boliiska oo lagu qabtay dalka Isbaaniya.

Wararka maanta iyo Sweden 13.02.2025

Nin 34 jir ah ayaa maxkamada degmada Linköping ku xukuntay xabsi daain ah. Shirkadda tareenada ee SJ ayaa dayactir ku samaynaysaa tareemadii hore. Stenergard oo sheegtay muhimadda in Yukreeyn qeeyb ka noqota wadaxaajoodka dagaalka lagu joojinayo.

Wararka maanta iyo Sweden 12.02.2025

Iskuulka Risbergska ayanan waxbarasho ka jiri doonin mustaqbalka dhow. Xaaladda dhaqaale ee daciifka ah ayaa ku sii socota inay saamayso suuqa shaqada. Booliska Uppsala ayaa lacag cadaan ah ka helay qof ma ay gaari joojiyeen.

Wararka maanta iyo Sweden 11.02.2025

Labo qof oo ku dhaawacmay Örebro oo lagu daweeynayo qaybta daryeelka degdega. Dad badan oo kirada bixin kari waayay ayaa guryaha laga saaray. Hay'adda SiS oo lacag badan ka dalbatay xukuumadda.

Ouça o podcast Radio Sweden Somali - Raadiyaha Iswiidhen no Replaio

Rádio e podcasts em um só app - grátis e sem cadastro. Instale hoje e não perca o lançamento

Baixe no Google Play

O Replaio não é o publicador dos podcasts; os nomes dos programas, as capas e o áudio pertencem aos seus autores e são distribuídos por feeds RSS públicos