Fankeenna
Shaah iyo Shaxan
Shaah iyo Shaxan waa taxane la qabto labadii todobaad mar, Oo bahda Fankeenna ku martiqaadayaan qof shaxankiisa ka waramaya si loo barto oo loogana barto aqoontiisa/aqoonteeda, waa SHAAH IYO SHAXAN
Where to listen?
Podcasts in the app Replaio Radio Coming soonPodcasts are coming to the app soon. Install now and be the first to see a whole new take on podcasts
Episodes
Halgan Dahir 24.04.2026 1:36:16
Qeybtan waxaa marti ku ah Halgan Dahir , waxaana daadihinaysa Aasiya Siciid . Wada sheekeysigan waxaan ku dul istaageynaa dhaqan, suugaan, iyo kaalinta haweenka ee qoraalka iyo hal-abuurka . Waxa kale oo qeybtan ka muuqda Samsam Qaniya oo qaadaysa heeso ay qortay Halgan Dahir, iyo Cabdiraxmaan Samriye oo hees iyo kabanka tumaya.
Taxanaha (Loollan) 13.04.2026 52:39
Qaybtan Shaah iyo Shaaxan , Mustafe Siciid waxa uu la sheekaysanayaa Maxamed Geelle, Adan Haybe iyo Adna Caydiid oo ka tirsan kooxda taxanaha Loollan . Waxay kaga hadlayaan sida taxanaha loo sameeyay, sheekooyinka uu gudbinayo, iyo caqabadihii ay la kulmeen. Waa wada sheekaysi ku saabsan hal-abuur, sheeko-samaynta, iyo muuqaalka fanka ee soo koraya ee Somaliland.
Ibrahim Abdullah & Mohamed Iman 29.12.2025 45:00
Qaybtan cusub ee Podcast-ka, waxaan si qoto dheer ugu falanqaynay sheekooyinkii ka dambeeyay filimka gaaban ee "The Skill That Stayed." ee u sameeyay Ibrahim Cabdullah, Isagoo si toos ah loogu daawaday Fankeenna, Khadar Ciise ayaa waraysi xiiso leh la yeeshay Ibrahim iyo Maxamed Iimaan. Wuxu Maxamed nala wadaagay safarkiisii adkaa iyo nolosha cusub ee u ka balaabay Somaliland ka dib markii uu ka s...
Creating connections to culture - Amina Isir & Aziz Farah 17.08.2025 1:25:52
In this special episode, we explore Somali identity, heritage, and storytelling with writer and storyteller Amina Isir , cultural educator and archivist Aziz Farah , and moderator Moustafa Ahmad from the Fankeenna collective. Together they reflect on reclaiming history, shaping cultural connections, and redefining Somali identity across borders. Stories, identity, and Somali heritage — live from F...
Xuseen Boon 10.07.2025 36:58
Waxaan duubnay podcast-ka #ShaahIyoShaxan oo uu marti ku yahay filim sameeyaha Xuseen boon, kadib daawashada filimkiisa Tagsiile “The New Driver” oo ka dhacay #Fankeenna . Wada sheekaysiga waxaa qaaday Mustafe Axmed, wuxuuna Xuseen kaga warramayaa safarkiisa hal-abuurka iyo falcelintii daawadayaasha. Hadda Dhageyso wareysiga xiisaha leh ee la duubay kadib daawashada filimka.
Maxamed Buux 04.02.2025 46:06
Hadda waxaad dhagaysan kartaa waraysigii ugu dambeeyay ee #ShaahIyoShaxan, oo ah kal-kiisi koowaad ee qaybtii labaad ee taxnaha. Waxaa marti inoogu ahaa Maxamed Buux, oo Mustafe Axmed ka waraystay turjumidda buugta iyo buugga Gadhoodh Macaan, oo uu qoray Nuuraddiin Faarax islamarkaana uu turjumay Maxamed Buux. #ShaahIyoShaxan #Fankeenna #Writing #Translating
Najaax Haaruun 05.09.2024 41:26
Todobaadkan barnaamijkeena Shaah iyo Shaxan waxaa inoogu marti ah Najax Haaruun oo ka sheekeesay waxqabadkeeda iyo kaalinta uu farshaxanku u qaabilsanyahay bulshada iyo hormarkeeda. Waxaana waraystay Mustafe Axmed.
Khadar Caydaruus 16.08.2024 41:10
Waa Kalkii 11aad ee Shaah iyo Shaxan martida ku ahaa Khadar Caydaruus, oo la duubay kadib markii filinkiisa "Xaaska xabaal-qodka (The gravediggers wife)" aan ku daawanay goobta @Fankeenna, waxaa waraysiga daadahinayay Mustafe Siciid. Fiiro gaar ah: Cillad farsamo awgeed ku timid duubitaankii podcast-ka iyo qaybta su'aalaha ka soo qaybgalayaasha oo si fiican loo duubin, baa keentay in qaybtaas mar...
Muna Axmed 29.07.2024 58:22
Waxaa marti ku ah todobaadkan Muna Axmed oo Mustafa Axmed ka waraystay Qoraalka iyo kaydinta dhaqanka .
Axmed Faayis 13.07.2024 1:11:59
Todobaadkan waxaa marti ku ah Shaah iyo Shaxan Axmed Faayis oo kala sheekeestay Maxamed Badri sawirqaadista iyo muuqaal-samaynta oo u kala shaqeeyay goobu warbaahineed iyo Haay’adu caalimi oo kala duwan.
Maxamuud Xasan 28.06.2024 48:39
Todobaadkan iyo #ShaahIyoShaxan podcast, waxaa marti ku ahaa Maxamuud Xasan, oo ah Sharci yaqaan iyo weriye caan ah oo leh waayo-aragnimo ballaadhan dhanka saxaafadda isagoo la soo shaqeeyay wakaaladaha warbaahinta Carabta. Maxamuud, oo sameeyay qaamuuskii ugu horreeyay ee Carabi-Soomaali 2013-kii, sidoo kale waa qoraa iyo abwaan sameeyay gabayo carabi ah. Waxaa kala hadlay mashaariicdiisii hore i...
Fankeenna 16.02.2024 1:04:33
This audio break for SAVVYZAAR radio by Fankeenna is a lively meet-up of artists and thinkers from the collective, sharing their music, sounds, and poems. It celebrates old traditions and new ideas, mixing traditional rhythms with modern music to make a unique sound that touches the heart. In this audio intermission the collective talks about their activities and their plans and hopes.
Farshaxanka (Cabdinaasir, Shayma iyo Ayaan) 01.02.2024 56:46
Cabdinaasir cabdiqaadir, Shayma cabdiraxmaan, Ayaan siciid ayaa Marti ku ahaa Shaah iyo Shaxan oo ka wada sheekeestay Farshaxanka geeska afrika iyo sida shaxanku noloshooda u saameeyay iyo arrimo kale.
Axmed Xasan "4by4" 18.01.2024 53:33
Toddobaadkan waxa marti ku ah Shaah iyo Shaxan Axmed Xasan “4by4” @4by4arts oo ah Farshaxaniiste ku xeel dheer sawirgacmeedka oo dad badani magaciisa yaqaanaan. Waxaa la sheekestay Ibraahin Iimaan @iimaan_ka . #ShaahIyoShaxan #Podcast #VisualArts #Farshaxan #4by4
Huda Cali BANFAS 04.01.2024 55:35
Todobaadkan waxaa marti ku ahayd (Shaah iyo Shaxan) Nuural Huda Cali BANFAS @huda_ali_banfas waxaana sawirqaadista iyo shaxankeeda kala duwan ka waraystay Xamse Sulub @hamzasulub . #ShaahIyoShaxan #Fankeenna .
Cabdirisaaq Bidixo 22.12.2023 1:24:30
Abwaan: Cabdirisaaq-Bidixo Xasan Daahir oo heeso iyo maansooyin kala duwan tiriyay, hal-abuurkiisa waxa kala sheekaystay Dr Caqiila Cabdikariin.
Aadan Nuux (DJ Adam) 01.12.2023 57:25
Aadan Nuux (Adam on the Beat) waa Somali music producer, heeso badan oo caan ah oo la xiiseeyo ayuu u sameeyay kana duubay fannaaniin badan. Waxaana heeso samaynta iyo isku dubaridkeedka kala sheekeestay Mustafe Siciid iyo dadweynaha Fankeenna ku sugnaa.
Mustafe Siciid 16.11.2023 45:20
Shaah iyo Shaxan waxaa todobaadkan marti ku ahaa Mustafe Siciid oo kala sheekeestay Maxamed Badri sawirqaadista/sawirsamaynta.
Ismaaciil Ubax 03.11.2023 1:13:23
Ismaaciil Ubax in badan baa lagu bartay inuu waraysiyo xiiso leh qaado, maanta se isaga ayaa la waraysan doonaa. Nagala soo qaybgala wada sheekaysiga Ismaaciil Ubax iyo Mustafe Axmed.
Waa maxay SHAAH IYO SHAXAN 03.11.2023 0:43
Shaah iyo Shaxan waa taxane la qabto labadii todobaad mar, Oo bahda Fankeenna ku martiqaadayaan qof shaxankiisa ka waramaya si loo barto oo loogana barto aqoontiisa/aqoonteeda, waa SHAAH IYO SHAXAN
Similar podcasts
Replaio is not a podcast publisher; show names, artwork and audio belong to their authors and are distributed through public RSS feeds.