Ismaaciil C Ubax

Codka Ubax

Arts SO ↓ 123 Folgen

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Autor

Ismaaciil C Ubax

Kategorie

Arts

Podcast-Website

www.codkaubax.com

Neueste Folge

11. Jun 2026

Wo hören?

Podcasts in der App Replaio Radio Bald verfügbar

Podcasts kommen bald in die App. Installiere sie jetzt und erlebe als Erster einen ganz neuen Blick auf Podcasts

Bei Google Play herunterladen Kostenlos installieren Android 5 Mio.+ Downloads · Bewertung 4,8 iOS bald

Folgen

SE02EP12 Sucaad Carmiye 16.10.2020

Send us Fan Mail Isbeddel kasta oo bulshada ku cusubi waxa uu la kulmaa cadaadis iyo cabbudhin. Sucaad Carmiye Odowaa waxa ay go'aansatay in ay halgan u gasho waxa ay aaminsan tahay oo ah xuquuqda dhallinyarada iyo haweenka. Waxa ay u sharraxan tahay xubin baarlamaan oo Somaliland ah. Sidee looga falceliyay go'aankeeda, sidoo kale waa maxay sababta ay halgankaas ugu badheedhay, maxaa se...

SE02EP11 Abwaan Khaliif Faarax Xayir & Socdaalkii Dheeraa 10.10.2020

Send us Fan Mail Abwaan Khaliif Faarax Xayir isaga oo yar ayuu gurigoodii ka tegay, waa dalmar soo arkay dhul tiro badan oo dalka iyo debeddiisaba ah. Nolol wejiyo badan leh ayuu soo maray, waxa se mar kasta wehelkiisa ahaa halabuurkiisa iyo suugaanta uu ka curinayo xilliyada qallafsan iyo kuwa ladanba. Dhegaysi wacan! Support the show

SE02EP10 Ayaan Axmed Caydiid & Suugaanteeda Jacaylka 02.10.2020

Send us Fan Mail Dumarka suugaanyahanka ahi way kooban yihiin, sidoo kale kuwooda jacaylka ka maansoodaa waa dhawr. Ayaan Axmed Caydiid "Kaaba", waa halabuur suugaanteedu dhaliso hadalhayn joogto ah. Waa maxay sababtu? Dhegaysi wacan.  Support the show

SE02EP09 Dhal Wadaad La Moodyey 25.09.2020

Send us Fan Mail Tabaha xidhiidhka bulshadu waxa uu la jaanqaadaa hadba casriga la joogo. Sida maanta looga wada hadlo telefoonnada iyo internetka, berigii hore loo ma aqoon. Sidee waalidkeen u xidhiidhi jirey, ma soo gaadhay se wakhtigii jacaylkaaga loo qori jirey waraaqo ay ku sawiran yihiin wadnayaal waaweyni? Dhegaysi wacan! Support the show

SE02EP08 Abwaan Siddiiq Burmad 18.09.2020

Send us Fan Mail Abwaan Siddiiq Maxamed Burmad waxa laga yaabaa in aad codkiisa ka maqashay BBC Somali oo uu uga warramo Hargeysa. Waxa kale oo codkiisa si aan toos ahayn aad uga maqashay fannaaniin badan. Waa abwaanka sameeyay heesaha ay ka midka yihiin, Been Go’ Lagu Deday, Xalaawatulaws, Caashaqu Danguud Maaha, Qaaddiraw Allahayow, Dhulkaagaa Lagu Hodmaa iyo qaar kale oo badan. Dhegaysi wacan!...

SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday 25.07.2020

Send us Fan Mail Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan! Support the show

SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa? 18.07.2020

Send us Fan Mail Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida.  Support the show

SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf 10.07.2020

Send us Fan Mail Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo band...

SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan 21.06.2020

Send us Fan Mail Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi...

SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1 13.06.2020

Send us Fan Mail Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa.  Support the show

SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil 05.06.2020

Send us Fan Mail Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan! Support the show

SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa 29.05.2020

Send us Fan Mail Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka.  Support the show

SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1 17.04.2020

Send us Fan Mail Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan! Support the show

SE01EP11 Fathia Absie 10.04.2020

Send us Fan Mail Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba.  Support the show

SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden 27.03.2020

Send us Fan Mail Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah.  Support the show

SE01EP09 Carruur Cag Weyn 2 29.02.2020

Send us Fan Mail Waa sidee xaaladda qoysaska Soomaalida ah ee deggan Sweden? Waxa aan kala sheekaystay Khadra iyo Hana.  Support the show

SE01EP08 Sihaam Muumin 21.02.2020

Send us Fan Mail Waxbarashadu waxa ay ka mid tahay tiirarka horumarka ee ugu waaweyn. Sihaam waxa ay heshay deeq waxbarasho oo Maraykanka ah, maantana waxa ay ka shaqaysaa arrimaha bulshada. Waxa aannu bun ku wada cabnay makhaayad ku taalla Hargeysa, goor ay wax u dhigaysay hablo da' yar.  Support the show

SE01EP07 Sh. Dalmar & Qiimaha Nolosha 31.01.2020

Send us Fan Mail Nolosha maxaa qiime u yeela, farxadda se miyaa loo shaqaystaa?  Support the show

SE01EP06 Abwaan Qalinle & Mushkiladaha Haasaawaha 26.01.2020

Send us Fan Mail Abwaan Cabdiqaadir Qalinle waa saaxiib ka maansooda jacaylka iyo hawlihiisa. Maanta, Qalinle waxa uu ka faalloonayaa mushkiladaha haasaawaha. Support the show

SE01EP05 Koboca Maandooriyaha 17.01.2020

Send us Fan Mail Bulsho si ay horumar u gaadho, waa in ay jidhka iyo garaadkaba ka korranaataa. Waxa bulshada ku soo badanaya isticmaalka daroogooyinka kala duwan. Waa maxay sababtu, maxaa se la gudboon hay'adaha dawladda iyo kuwa gaarka ahba, se maxaa waalidka looga baahan yahay? Support the show

SE01EP04 Jigjiga & Jeel Ogaadeen 10.01.2020

Send us Fan Mail Hamse waxa uu ka mid ahaa maxaabiistii ku xidhnayd jeelka caanka ah ee Jeel Ogaadeen loo yaqaanno, kuna yaalla magaalada Jijiga.  Support the show

SE01EP03 Carruur Cag Weyn 1 20.12.2019

Send us Fan Mail Waa maxay sababta loo la yaabo marka la arko lammaane isku faraxsan, miyaanay ahayn in lala yaabo labada kale. Raggu ma cadow baa, se dumarku ma carruur cag weyn baa? Support the show

SE01EP01 Waa maxay Podcast? 05.12.2019

Send us Fan Mail Support the show

Höre den Podcast Codka Ubax in Replaio

Radio und Podcasts in einer App - kostenlos und ohne Anmeldung. Installiere sie noch heute und verpasse den Start nicht

Bei Google Play herunterladen

Replaio ist kein Herausgeber von Podcasts; die Namen der Sendungen, Cover und Audioinhalte gehören ihren Autoren und werden über öffentliche RSS-Feeds verbreitet