Amaal Haybe
Xidhiidhada Nolosha Podcast
Kusoo dhawoow Xidhiidhada Nolosha Podcast. Magacaygu waa Amaal Haybe waxaan ahay tababare nololeed oo qaabilsan dhisida xidhiidhada fayow iyo kobcinta hab-fikirka togan. Waxaan halkan kuuguso gudbin doonaa qaababka cilmiyaysan ee aad naftaada iyo dadka kaleba u la yeelan karto xidhiidh cafimaad qaba oo fayow. Kuxidhnow Xidhiidhada Nolosha Podcast oo salaasa kaste 7:00pm fiidnimo aad ka heli doontid mawduucyo saamayn wanaagsan kuyeelan doona xidhiidhada ka tirsan noloshaada iyo cafimadkaaga maskaxeed. Dhagaysi wacan.
Besuch unbedingt die Website des Podcasts und unterstütze die Macher: www.buzzsprout.com
Wo hören?
Podcasts in der App Replaio Radio Bald verfügbarPodcasts kommen bald in die App. Installiere sie jetzt und erlebe als Erster einen ganz neuen Blick auf Podcasts
Folgen
Dhaqamada Xidhiidhada aan fayoobayn Q-1aad 07.02.2024 17:40
Fariin ii reeb :) Dhaqamada qaar waa waxa ka dhiga xidhiidhada qaar fayow ama qaar aan fayoobayn. Waxa muhiima in qof kaste garan karo sidee aan fiicnayn ee dabeecadahani kuleeyihiin xidhiidhka aad dadka l aleedahay. Ka dhagayso xalqada isbuucan afarta calaamadood ee cilmi baadhis lagu sameeyay kana dhiga xidhiidhada qaar aan fayoobayn. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanolos...
Qaab Xidhiidheed Q - 2aad| Attachment styles 30.01.2024 21:05
Fariin ii reeb :) In badan ma maqashay Attachment style ? Ma iskudayday in aad wax kaa fahantid qaab-dhaqameedkaaga xidhiidhada dhexdooda se ma rabtaa ama diyaar ma u tahay in aad si daacada naftaada wax uga ogaatid si aad u garan kartid daldaloolada aad leedahay shakhsi ahaan ee mararka qaar saameeyaa xidhiidhada aad dadka la leedahay? Xalqadan 1aad ee Season 2 dhagayso si aad u qaadid talaabada...
Qaab - Xidhiidheed| Attachment Style 23.01.2024 41:31
Fariin ii reeb :) In badan ma maqashay Attachment style ? Ma iskudayday in aad wax kaa fahantid qaab-dhaqameedkaaga xidhiidhada dhexdooda se ma rabtaa ama diyaar ma u tahay in aad si daacada naftaada wax uga ogaatid si aad u garan kartid daldaloolada aad leedahay shakhsi ahaan ee mararka qaar saameeyaa xidhiidhada aad dadka la leedahay? Xalqadan 1aad ee Season 2 dhagayso si aad u qaadid talaabada...
Dib u eegid| Gunaanadka season 1 09.01.2024 17:54
Fariin ii reeb :) Xalqadan waxay tahay qaab aad dib ugu eegi doontid isbadalka aad dareentay intii aan ku xidhnayd podcast kan waliba xidhiidh ka naftaada aad la leedahay iyo siduu isku badalay. Waxaad ka jawaabi doontaa 10 su'aalood oo taban doonaa qaybaha kala duwan ee noloshaada adoo wakhti naftaada siinaya wakhtina la qaadanaya. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanol...
Qorshaha sanadka cusub 02.01.2024 17:58
Fariin ii reeb :) Riix linkigan si aad ugu biirtid group ka Telegram ee tababarka Qorshaha Sanadka Cusub 👇 https://t.me/+N5yaFhEB_zs4MjM0 - Maxaa keenaa in culays badan la dareemo dhamaadka sanadka iyo bilawga sanadka? Ma dareemaysaa in ay tahay in aad ahdaaf badan sameysatid isbadal wanaagsanna noloshaada kusoo kordhisid sanadkan 2024 ? Haday Haa tahay jawaabtu dhagayso xalqadan qorshaha sanadk...
Kalsooni Dhisid Q-2aad 12.12.2023 22:01
Fariin ii reeb :) Waa maxay talaabooyinka (hab-dhaqano) ay tahay qofku inuu sameeyo si uu kalsoonida uu naftiisa kuqabo ay kor u kacdo? Xalqadan waxaad ku baran doontaa dhowr qodob oo kala duwan oo la xidhiidha qaybaha kala duwan ee nolosha iyo sidaad u noqon lahayd qof ku kalsoon awoodihiisa wakhtiyada adag iyo wakhtiyada fududba. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodc...
Kalsooni Dhisid Q-1aad 05.12.2023 15:51
Fariin ii reeb :) Kalsoonidu ma wax lagusoo dhashaa mise waa wax la baran karo? Qof ka kalsoonida lihi astaamo noocma ah ayuu leeyahay. Waa maxay qeexida saxda ah ee ay leedahay kalmada 'Kalsooni' khubarada cilmi nafsiga bartayna sidee ayay u qeexaan kalmadan. Jawaabaha su'aalahan waxaad ka helaysaa xalqadan. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igs...
Naf-ka War Hayn 29.11.2023 20:04
Fariin ii reeb :) Ma tahay qof ka war haya naftiisa si joogta ah? Ma garan kartaa isbadalada noloshaada kusoo biiraa siday u saamayn karaan qaybaha kala duwan ee noosheeda sida go'aan qaadashada, waxqabadkaaga malin laha ah iyo cafimaadkaaga maskaxeed. Hadaba xalqadan waxaad ku baran doontaa sida naftaada ay tahay in aad uga war haysid iyo su'aalaha ay tahay in aad naftaada waydiisid is...
Filasho Q-3aad| Expectations 21.11.2023 36:39
Fariin ii reeb :) Waa maxay filashada fayow iyo filashada aan fayoobayn? Saamayn noocma ah ayay filashadu ku leedahay xidhiidhka ad dadka kale la leedahay? Waa maxay se talaabooyinka aad qaadi kartid si aad filashooyinka aan fayoobayn ee aad leedahay aad wax uga badali kartid. Jawaabaha su'aalahan waxad ka helaysaa xalqadan. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcas...
Filasho Q-2aad| Expectations 14.11.2023 11:55
Fariin ii reeb :) Intee in leeg bay filashadu saamayn kuleedahay xidhiidhada aad dadka kale la leedahay? Ma jiraan filashooyinka qaar soo noqnoqda oo aad ka leedahay dadka kale ee aad xidhiidhada la leedahay kugu keenana niyad jab iyo dareemmo culus oo taban? Hadaba xalqadan kaga bogo waa maxay filasho (expectations) iyo saamaynta ay kuleedaahay xidhiidhada, Insha'Allah Q-2aad ee mawduucana w...
Filasho Q-1aad| Expectations 07.11.2023 10:59
Fariin ii reeb :) Intee in leeg bay filashadu saamayn kuleedahay xidhiidhada aad dadka kale la leedahay? Ma jiraan filashooyinka qaar soo noqnoqda oo aad ka leedahay dadka kale ee aad xidhiidhada la leedahay kugu keenana niyad jab iyo dareemmo culus oo taban? Hadaba xalqadan kaga bogo waa maxay filasho (expectations) iyo saamaynta ay kuleedaahay xidhiidhada, Insha'Allah Q-2aad ee mawduucana w...
Kala mudnaysiin Q-2aad| Prioritisation 31.10.2023 10:45
Fariin ii reeb :) Maxaa ku keena qofka inuu ku qanci waayo waxqabadkiisa malin laha ah? Ma la odhan karaa waxay taasi hoos u dhigtaa kalsoonida uu qofku ku kalsoonyahay awoodihiisa wax qabad? Kaga bogo jawaabaha su'aalahan xalqadan iyo xalqadii hore Q-1aad. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Kala mudnaysiin| Prioritisation 24.10.2023 9:32
Fariin ii reeb :) Maxaa ku keena qofka inuu ku qanci waayo waxqabadkiisa malin laha ah? Ma la odhan karaa waxay taasi hoos u dhigtaa kalsoonida uu qofku ku kalsoonyahay awoodihiisa wax qabad? Kaga bogo jawaabaha su'aalahan xalqadan iyo ta xigtaba Insha'Allah. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Raaligalinta xad-dhaafka ah Q-3aad 10.10.2023 12:39
Fariin ii reeb :) Dabeecada loo yaqaano 'raaligalinnta xad--dhaafka ah' waa dabeecad ay dadka qaar muujiyaan taasoy hor mariyaan dadka kale baahidooda markastena isku dayaan in ay ilaaliyaan mashaacirta dadka kale. Xalqadan waxan kaga hadlay qaababka kala duwan ee uu qofku wax uga badali karo dabeecadan isagoo isku dayaya in uu noqdo qof ka war qaba dareemadiisa maarayn karaana markay so...
Raaligalinta xad-dhaafka ah| People pleasing Q-2aad 03.10.2023 11:40
Fariin ii reeb :) Dabeecada loo yaqaano ' raaligalinnta xad--dhaafka ah ' waa dabeecad ay dadka qaar muujiyaan taasoy hor mariyaan dadka kale baahidooda markastena isku dayaan in ay ilaaliyaan mashaacirta dadka kale. Waa dabeecad si taban u saamaysa qofku xidhiidhada uu dadka kale la leeyahay culays maskaxeedna ku keenta qofka nolol malmaadkiisa. Si aad wax uga ogaatid dabeecadan iyo wa...
Raaligalinta xad-dhaafka ah| People pleasing 26.09.2023 19:22
Fariin ii reeb :) Dabeecada loo yaqaano 'raaligalinnta xad--dhaafka ah' waa dabeecad ay dadka qaar muujiyaan taasoy hor mariyaan dadka kale baahidooda markastena isku dayaan in ay ilaaliyaan mashaacirta dadka kale. Waa dabeecad si taban u saamaysa qofku xidhiidhada uu dadka kale la leeyahay culays maskaxeedna ku keenta qofka nolol malmaadkiisa. Si aad wax uga ogaatid dabeecadan iyo waxa...
Maaraynta warwarka| Relieve your anxiety 19.09.2023 22:47
Fariin ii reeb :) Warwaku waa wax badanka aan ka maqnaan nolol maalmeedkeena se inagu keena cafimaad daro jidheed iyo maskaxeedba haduu dhaafo xadka loogu talogalay. Xalqadan manta waxaad ku baran doontaa qaababka kale duwan ee loo maareeyo warwarka? Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Warwarka - Anxiety 12.09.2023 11:39
Fariin ii reeb :) Warwaku waa wax badanka aan ka maqnaan nolol maalmeedkeena se inagu keena cafimaad daroo jidheed iyo maskaxeedba haduu dhaafo xadka loogu talogalay. Xalqadan iyo ta ku xigtaba waxan kaga hadlayaa 'waa maxay warwar' maxaa se lagu kartaa marka warwarku nolol maalmeedkaaga saamayn taban uu kuyeesho. Sidoo kale, talaabooyinka kula gydboon si aad u maaraysid warwarka ama go...
Naf-saamixid 05.09.2023 19:45
Fariin ii reeb :) Goormay ahayd markii ugu danbeysay ee aad qalad naftaada ama qof kale aad ka gashid, se naftaada si buuxda maw saamaxday ? Maxay ku kala duwan yihiin in aad naftaada saamaxdid iyo in aaad naftaada si buuxda u xisaabisid marka qalad kaa dhaco? Baro taloobooyinka ay tahay in uu qofku qaado si uu si cafimad qabta uga gudbi karo qalad ka uu sameeyay iyo culayska weheliya. Dhagaysi...
Daryeelka cafimadka maskaxda 29.08.2023 14:41
Fariin ii reeb :) Qaab - keed u daryeeli kartaa cafimadkaaga maskaxeed xiliyada xaalado adagi ay jiraan sida xaaladan hada tagaan ee khilaafaadka ka iyo dagaalada ah. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Dabeecadaha wanaajiya xiidhiidhada 22.08.2023 20:32
Fariin ii reeb :) Waa maxay sifooyinka ay leeyihiin dadka si buuxda naftooda masuul uga ahi? Dabeecadaha iyo dhaqamada aad muujisaa intee in leeg ayay saamayn ku leeyihiin Xidhiidhada aad dadka kale la leedahay? Dhagayso xalqadan si aad u heshid jawaabaha su'aalahan kor ku xusan. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Aaminaadaha aan fayoobayn Q-5aad 16.08.2023 12:55
Fariin ii reeb :) Waa maxay talaabooyinka aad qaadi kartid si aad u maaraysid aaminadaha aan fayoobayn ee soo if-baxa wakhtiyada qaar? ama ba aad u dhistid aaminado fayow oo kuu horseeda korniin iyo in aad gaadho ahdaafta aad nolosha ka leedahay. Halkan ka dhagayso xalqada cusub. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Aaminadaha aan fayoobayn Q-4aad 08.08.2023 21:27
Fariin ii reeb :) Waa maxay talaabooyinka aad qaadi kartid si aad u maaraysid aaminadaha aan fayoobayn ee soo if-baxa wakhtiyada qaar? ama ba aad u dhistid aaminado fayow oo kuu horseeda korniin iyo in aad gaadho ahdaafta aad nolosha ka leedahay. Halkan ka dhagayso xalqada cusub. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Aaminadaha aan fayoobayn Q-3aad 01.08.2023 18:19
Fariin ii reeb :) Waxyaabaha uu qofku naftiisa iyo dad ka kale ka aaminsanyahay waxay saamayn toos ah ku leedahay qofka go'aamada uu qaato iyo doorashooyinka uu sameeyo. Halkan ka dhagayso si aad u fahantid aaminadaha 'beliefs' iyo doorkay nolosheena ka ku leeeyihiin. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Aaminadaha aan fayoobayn Q-2aad 25.07.2023 9:30
Fariin ii reeb :) Waxyaabaha uu qofku naftiisa iyo dad ka kale ka aaminsanyahay waxay saamayn toos ah ku leedahay qofka go'aamada uu qaato iyo doorashooyinka uu sameeyo. Halkan ka dhagayso si aad u fahantid aaminadaha 'beliefs' iyo doorkay nolosheena ka ku leeeyihiin. Dhagaysi wacan. https://www.instagram.com/xidhiidhadanoloshapodcast?igsh=emczMDAzMnEzemFp
Ähnliche Podcasts
Replaio ist kein Herausgeber von Podcasts; die Namen der Sendungen, Cover und Audioinhalte gehören ihren Autoren und werden über öffentliche RSS-Feeds verbreitet